Ethiopia:Deegaanka Raaso oo "Special Administrative Status" Baarlamaanka Ethiopia Siiyay Maanta

05/15/09
Format for printing    

Addis Ababa (kilil5)--Baarlamaanka wadanka ayaa maanta ansixiyay codsashadii Jaaliyada Sheekhaashta iyo Duubada ee deegaanka Raaso inay ay yeeshaan Maamul kamadaxbanaan deegaannka ismaamulka Soomalida iyo Miisaaniyad toos ah oo ka timaada dawlada faderaalka Ethiopia ama looyaqaano "special administrative". Maamul ka baxsan ismaamulka deegaanka Soomalida ayaa lafilayaa in dhawaan loogu dhawaaqo deegaanka Raaso oo ay degaan labada jaaliyadood.Tirada dadka kunool deegaanka Raaso ayaa tirakoobkii ugu dambeeyay ee Ethioia lagu sheegay 385,000 inkasta oo tirada saxda lagu qiyaaso tiro kabadan intaas. Inkasta ooysan cadayn ilaa hada maamulka nooca uu noqondoono, hadana wararku waxay carabka kudhufanhayaan in labada jaaliyadood loosamayn doono maamul ka madaxbanaan dawlada Soomalida ee DDS, maamulkoodana uu noqon doono mid sida maamulka Diredawa oo kale ah oo Miisaaniyadoodu toos uga iman doono dawlada dhexe, waxaana sida wararku sheegayaan dawlada dhexe ay bilaabaysaa sida ugu dhakhsaha badan maamul dawlada dhexe ah oo ku meelgaadh ah.

Warkan ayaan waxaan ka sooxiganay saraakiil sare oo katirsan wasaarada federaalka iyo wasaarada arimaha gudaha.Wasaarada warfaafinta ee ENA ayaa sidoo kale qortay in baarlamaanka wadanku meelmariyay xuquuqdii labada jaaliyadood inkasta oo warfaafinta ENA aysan qeexin xuquuqda loomeelmariyay ama loo aqoonsaday faahfaahinteeda.Waxaanu laxiriirnay afhayeenka baarlamaanka si'aan faahfaahinta meelmarinta barlaamaanka aan wax uga waydiino maanta hase yeeshee afhayeenka ayaa waxuu shabakada kilil5 u sheegay inuu faahfaahinta arintan kusaabsan uu shabakada siin doono maalmaha soosocda ama aan dib ugalasooxariirno.

Sidoo kale,Siyaasi beesha Sheekhaal katirsan oo jooga Addis Ababa ayaa u sheegay shabakada kilil5 inuu siindoono faahfaahin arintan kusaabsan maalinta Axada.Siyaasigan ayaa sheegay inuusan rabin inuu dawlada hor'ordo maadaama aysan dawlada dhexe aysan shaacinin maamulka jaaliyada hase yeeshee waxuu kutilmaamay inay tahay guulwayn oo usoohoyatay jaaliyada beesha Sheekhaasta iyo jaaliyada duubada maadaama uu barlamaanka dawlada federaalka uu aqoonsaday xuquuqdii labada qoomiyadood oo ismaamulka deegaanka Soomalidu ay cagta mariyeen.Oday jaaliyada Duubada kasoojeeda oo arintan mudo dheer ku howlanaa oo jooga Addis Ababa ayaa sidoo kale shabakada kilil5 u sheegay inuu kufaraxsanyahay meelmarinta baarlamaanka maanta. Waxuu intaas kudaray inay meelmarintan baarlamaanka maanta loobaahnaa waa hore hase yeeshee wali ay tahay guulwayn oo usoohoyatay qoomiyada Duubada iyo Sheekhaasta.

Labada Jaaliyadood ayaa waxay intii dhowr sano ah ku dacwoonayeen in lagu tuntay xaqoodii iyo waxuu dastuurka wadanka Ethiopia siinhayo dhamaan qoomiyadaha wadanka Ethiopia sidaas darteed loosameeyo maamul kamadaxbanaan kililka 5naad iyo Ismaamulka deegaanka Soomalida.Maalmaha soosocda ayaa lagu dhawaaqi doonaa faahfaahinta maamulka labada qoomiyadood loogu dhawaaqay iyo nooca uu noqon doono.

Magaalada Raaso ayaa sida warar ka imanhaya ay sheegayaan inuu Alabari wayn kadhici doono barito sabtida oo xoolo gaadhaya ilaa 190 neef oo geel ah lagu qali doono barito sabtida.Macada in Alabarigan uu salka ku hayo go'aanka baarlamaanka iyo inkale hase yeeshee wariyaha Raaso uga soowarama kilil5 ayaa sheegaya in Alabarigan dabasocdo shirkii Raaso ee dhawaan dhicisoobay iyo khilaaf yar oo beesha soodhexgalay oo dhinaca siyaasada oo laga wadahadlayo.

Dhinaca kale,Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxuu ku dhawaaqay qorsho cusub oo hada waxii ka dambeeya ay ismaamulada dawlada federaalka ka midka ah ay dakhliga wadanka hada kadib ku qaysan doonaan.Baagedka wadanka ayaa waxaa lookala qaybsan doona sida soosocota:

1-Ismaamulka deegaanka Somalida 8.43%

2-Ismaamulka Oromada 32.53%

3-Ismaamulka Tigray 7.04%

4-Ismaamulka Amharada 23.33%

5-Ismaamulka Benishangul-Gumuzka 1.96%

6-Ismaamulka Afarta 3.34%

7-Ismaamulka Gambella 1.57%

8-Ismaamulka Hararta 0.89%

9-Ismaamulka Qoomiyadaha Isbiirsaday ee koonfurta Ethiopia ama "South Ethiopia Peoples' State" 19.90%

10-Maamulka Khaaska ah ee Dire Dawa 0.01%

Noocan cusub ee dakhliga wadanka lagu qaybsan doono ayaa waxuu eegayaa baahida horumarineed deegaanka kasta,tirada shacabka kunool deegaanka iyo dakhliga hoose ee soogala dawlada hoose ee deegaanka kasta.Deegaanka Soomalida ayaa dakhliga iyo misaaniyada uu kahelayo dawlada federaalka kor looqaaday sabatuna ay tahay dakhliga deegaanka goonida u ah ee kasoogala canshuuraha dawlada Soomalidu qaado oo aad uga hooseeyee deegaanada qaarkood sida deegaanka Oromada,Tigray iyo Amharada iyo baahida horumarineed oo aad uga hooseesa deegaanada aan kor ku xusan.

Addis Ababa
Kilil5 Online