Ethiopia: Haramaya University oo markii ugu horaysay deegaanka ka furtay waxbarasho heer"Masters" ah

04/28/09
Format for printing    

Jaamacada Haramaya University ee kutaal magaalada Haramaya ee gobolka Oromiya ayaa markii ugu horaysay ka bilawday magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka somalida waxbarasho Heer Masters ah. Jaamacadan Haramaya ayaa hore markii koowaad waxay deegaanka ka bilawday waxbarasho heer Diploma ah oo lagu dhiganaayay distance (waxbarasho fog), mudo yar kadibna waxay gaadhsiisay heer degree. Hadaba in kastoo ay jaamacadu mudo labo sano ka hor ah shaqaalaha deegaanka u fidisay waxbarashadan Masterka ah oo ay shaqaaluhu dhiganayaan maalmaha fasaxa ah ayaa awal hore shaqaalaha dhigan jiray jaamacadani ay waxbarashada iyo galaasyada u aadijireen goobta ay jaamacadu ku taalo ee Haramaya oo wax yar uun ka shishaysa magaalada harar mudo 4 saacadood ahna uu baabuurku usocdo.

Hadaba Codsi ay sameeyeen arday tiro badan oo danaynaayay waxbarashan heerka Master ah ayaa waxay Jaamacada Haramaya University bilawday in waxbarashada hada kadib ay ku bixindoonto magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka. Waxaa ilaa hada is diiwaangaliyay dad ka badan 50 qof Somali ah oo isugu jira shaqaale iyo cidkasta oodanaynaysa, waxaana isla markiiba ay jaamacadu bilawday galaasyadii ugu horeeyay ee ay ardaydan kusiisay dugsiga sare ee magaalada Jijiga.

Jijiga
Kilil5 Online