Ethiopia: Wareegto uu soosaaray Xafiiska madaxwaynuhu ooku socota dhamaan Haaydaha deegaanka ka hawlgala
Jijiga(Kilil5)---Wareegto uu soosaaray madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida Mudane Daa’uud Maxamed Cali ayaa waxa amar lagu siiyay dhamaan haayadaha ka hawlgala deegaanku inay soo gudbiyaan waxqabadkoodii sideedii bilood ee lasoodhaafay. Warqadan oo loo qaybiyay dhamaan haayada Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba ayaa sidoo kale amar lagu siiyay inay soo gudbiyaan Qorshe Sanadeedka sanadkan 2009 ay haayadkastaaba damacsantahay inay ka fuliso deegaanka. Madaxwaynaha ayaa shir u qabtay dhamaan haayadahan bishii lasoo dhaafay taas qayb ka ahayd kantaroolida dhaq-dhaqaaqyada haayadaha iyo waxqabadkooda. Haayadaha qaar ayaa sigaara loogu eedeeyay in si gaarta u taarget gareeyaan gobolada qaarkood oo haba yaraatee aysan gobolada qaar wax hawl ah ka fulinin. Madaxwaynaha ayaa canaan kulul u soojeediyay dhamaan haayadaha isaga oo ku eedaynaaya in fidno ka dhexwadaan dawlada iyo shacabka. Waxaa mar labaad shir ay xukuumadu la yeelan doontaa dhamaan haayadaha ka hawlgala deegaanka bisha soo socota bilawgeeda.
Baarlamaanka dawlada faderaalka ee dalkan Itoobiya ayaa dhawaan ansixisay Sharci cusub oo haygi doona Haayadaha aan dawliga ahayn ee heer caalami iyo heer Maxaliba. Sharcigan cusub ee ay ansixiyeen baarlamaanku ayaa ah mid ay dawladu damacsantahay in ay ku kantaroosho haayadaha ka shaqeeya dalka. Sharcigu cadaynayaa shaqooyinka ay haayaduhu qaban karaan iyo kuwa ayna qaban karin. Waxaa ka mida shaqooyinka uu sharcigan cusubi ka mamnuucaayo haayaduhu inay qabtaan ka qayb qaadashada “Xalinta Khilaafaadka, Arimaha Nabadgalyada , maamulka suuban†iyo wixi la halmaala. Xafiiska Cadaalada ee heer faderaal ayaa dhawaan shir uu u qabtay haayadaha cidkasta oo uu saamaynaayo sharcigani ayaa lagaga hadlay dhaqan galinta sharcigan.
Haayadaha Xuquuqda aadamaha u dooda isda “Human Right Watch†ayaa dhaliilo iyo cambaarayn kulul ka soojeedisay sharcigan cusub iyaga oo ku tilmaamaya in uu sharcigani xakamaynaayo ama uu cadaadinaayo dhamaanba xuquuqda aadamaha.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















