Ethiopia:Gudoomiyihii Gobalka liibaan Mudane jamaaludiin Sayid oo xabsiga ladhigay.
Jigjiga(kilil5.com)…Waxaa maalintii shalay ahayd xabsiga loo taxaabay Guddoomiyihii gobalka Liibaan mudane Jamaaluddiin Sayid kadib markii lugu eedeeyay lunsi hanti dawladeed iyo amar kutaaglayn xil.
Warar sidan ka duwan oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in xadhigan uu daba socday shir ay maalin dhowayd Diri dhabe ku galeen labada maamul ee Oromada iyo Soomaalida,shirkaas oo lagaga wada xaajoonayay dagaalo ku dhex maray labada qowmiyadood aagga uu Jamaaludiin ka talinayay ee gobolka Liibaan iyo Gobalka Booranaa ee deegaanka Oromada.Dagaaladaas ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac badan iyo weliba burburin hanti faro badan.Warar hoose ayaa sheegaya in maamulka Oromadu oo aad uga awood badan kana habaysan kuwa Soomaalida ay dhibka oo idil uu u xambaariyay Soomaalida. Maamulka soomaaliduna ay doonayaan sida muuqata in ay ku kiis baxaan xadhiga guddoomiyaha gobolkaas iyo madixisa arimaha xisbiga .
Dhanka kale, madaxwayne Daa’uud oo aad ugu taamayay in uu isbeddel xukuumadiisa ku sameeyo,loogana fadhiyay arinkaas kadib markii la galay shirar badan oo xisbi xukuumadeed iyo baarlamaan ayayna waxba u suuroobin illaa hadda,waxaana la saadaalinayaa in uu madaxwaynuhu soo dhashay isaga oon ilkaba lahayn oo micneheedu yahay in aan awoodba loo siinin in uu xukuumadiisa waxna ku dari karo waxna ka saari karo.Taas oo caado u ahayn madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay.Waxaa taas kuu cadaynaya in uu madaxwaynuhu isku mashquuliyo wax yaabo hoose oon micno lahayn sida eryida shaqaale hoosaadka dawlada,kasaarida guryaha dawlada dadka masaakiinta ah iyo xidhitaanka akoonada degmooyin ka deegaanka.
Jigjiga
Kilil5 Online



IslamOnline














