Ethiopia: Khayraadka Gayigeena iyo sida aan looga faa'iidaysanin

11/09/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Deegaank somalidu dagto ee dalkan Itoobiya ayaa ah mid dihin hodana ku ah khayraad kala duwan haday tahay dhinaca khayraadka dabiiciga ah ee Ilaahay ku manaystay sida Macdanta kala duwa ee ay kamidka yihiin Shidaalka, Gaaska dabiiciga ah, Fooxa, Beeyada, Xabagta Malmalka, Yicibta iyo wixii lamida. Dhinaca khayraadka Beeraha iyo Xoolaha sida Geela, Lo’da, Adhiga, Fardaha iyo Dameeraha IWM. Hadaba Khayraadkan Dabiiciga ah ayaa ah mid aan siduu ahaa looga faa’iidaysan qadar aad u yarna laga daah furin. Khayraadkan aan kor kusoo xusnay ayaa ah kuwo sugan jiritaankooda, tayadooda iyo baaxadoodaba qaarkood si buuxda loo xaqiijiyay. Tusaale ahaan hadaan soo qaadano Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee Jeexdin sanadkii 1973 dii ayaa shirkad Maraykan ah oo magaceeda la odhan jiray TENECO ay si buuxda u xaqiijisay shidaalka Deegaanka ku jira taasoo ay shirkadaas baadhitaan ay deegaanka ku samaysay ay ku xaqiijisay(cadaysay) in dhul ballaadhkiisu yahay 350,000 Km2 uu ku jiro Batrool, sidookale waxa iyaguna baadhitaano ku sameeyay deegaanka sanadkii 1982 shirkad maraykan ah oo magaceeda la odhan jiray MAXUS ENERY xarunteeduna ahayd magaalada Dalas iyo shirkad la odhan jiray HAUNT oo agagaarka Doolow baadhis ku sameeyay muujiyay rajo wanaagsan oo ah in dhulkaas uu batrool kujiro.

Shirkada TENECO oo dhulka ay baadhitaanka kusamaysay ay ugu muhiimsantahay meel 24 Km u jirta magaalada shilaabo ayaa cadaysay in shidaalka aagaas laga helay dhanyahay68 Billion cubic meter. Hal ceel markii ay shirkadaasi qodayna waxaa ka horyimid dhibaatooyin dhanka nabadgalyo iyo amni xumo ka jirtay xukuumadihii hore. Mudo toban sano ah markii ay hawshii xanibnayd waxaa markale hawshii baadhida iyo soosaarida shidaalka dib u bilawday shirkad kale oo laga lahaa midawga soofiyeeti laguna magacaabi jiray SPEE. Shirkadan oo hawsheeda bilawday sanadkii 1982 hawshana waday tan iyo sanadkii 1993 ayaa sibuuxda u xaqiijisay noocyada shidaalka iyadoo ku guulaysatay inay soosaarto muunadii shidaalka, waxayna si dhamaystiran u qoday 11 ceel. Ceelashan oo marka la isku cel-celi yo hoos u qodan 3,500 ilaa 4000 mitir kuwaas oo xiligaas taagnaa heerkii soosaarista shidaalka, waxaa kale oo ay shirkadu cadaysay in ceelashaas ay ku jiraan 76 billion meter cubic (m3) oo ah Gaaska dabiiciga ah. Gaaskaas ayaa la xaqiijiyay in yahay mid ganacsi gali kara isla markaana ay kasoo dhexbixikaraan (1) Batrool (2) Naafto (3) Gaas Cad iyo (4) Gaas cuntada lagu karsado. Waxaa kale oo ay shirkadaasi cadaysay in gaaska meeshas ugu badani uu yahay (Butyl Gas) oo ah gaaska wax lagu alxamo ama cuntada lagu karsado. Deegaanka oo dhan waxa kafaynlahayd ama ku filaanlahayd in cuntada iyo shaqada guryaha loo adeegsado 7073 tan oo ah gaaska noocan ah kaalinba laga helay 2 sadex jibaar oo la mid ah 21,000 oo tan taas oo awooda dalkana aad uga bada.

Qorshihii soosaarida shidaalkan ee wakhtigaas ayaa ah mid loogu talogalay in sanadkiiba lasoo saaro.
16,300 tan oo Beensiin ah
13,000 tan oo Naafto ah
15,000 tan oo Gaashka cuntada lagu samaysto ah

Waxaa kale oo isla shirkadaasi ay baadhitaan kusamaysay meel Jeexdin (Kaaluub) ka xigta 70 km galbeed lana yidhaa Hiilaalaa, waxayna cadaysay in shidaal le’eg kan Kaaluub uu ku jiro goobtaas. Hawsha soosaarista shidaalka oo la dhamaystiray sanadkii 1993 dii waxaa markii hore laqorsheeyay in uu soo baxo lana iib geeyo sanadka 1997. Taas oo shirkadihii kuguulaystay inay iib geeyaana ay kala ahaayeen Agip, Total, Shell iyo Mobile. Sidoo kale waxaa lasameeyay saamilyada shirkadahaas shidaalka iska lahaa oo loo qorsheeyay 102,000 oo sami, halkii saamina lagu iibinaayay 1000 birr taas oo hantida shirkaduna noqonaysay 102,000,000. Waxaa iibsaday saamiyadaas Xafiisyo dawli ah iyo dad kale shacab ahba. Waxaa kale oo mashruucaa soosaarida shidaalka loo qoondeeyay 74,000,000 dollar oo ahayd dayn laga helay bangiga aduunka, dayntaas oo la sheegay in mudo 40 sanadood ah lagu bixin lahaa. Waxyaabaha loogu talogalay lacagtan daynta ah in lagu bixiyo waxaa kamid ahaa wado isku xidhilahayd Magaalada Harar iyo Shilaabo oo dhamayd 600 km wadadaas oo xiligaas dhawrsano ka hore labilaabay balse aan meelna gaadhin, waxaa kale oo loogu talogalay lacagtan daynta ahayd in lagu dhiso Warshadii Nadiifin(Sifayn) lahayd shidaalka oo markaas looqorsheeyay in JEEXDIN oo magalada goday wax yar u jirta laga dhiso kahbor sanadkii 1997, inta soo hadhana waxaa loogu talogashanaa haamaha shidaalka iyo Booyadihii shidaalka lagu daabulilahaa.

Hadaba waxaa iswaydiin leh maxaa hakiyay qorshihii soosaarida shidaalka maxaase ilaa hada hortaagan? Labo arimood ayaa ugu waawaynaa in uu hirgaliwaayo qorshahaasi carqaladna ku noqday, waxayna labadan arimood kala ahayeen Xukuumadihii Xiligii kala guurka iyo Ururadii siyaasadeed deegaanka hada ka hor ka jiray kuwaas oo Jahawareer iyo Marinhabaabin u horseeday bulshada oo adeegyadii looga baahnaa bulshadeena ee ay sida wayn u tabaysay kala bakhaylay dhinicii baraarujinta, wacyigalinta ku dhiirigalinta arimihaa iyo maalgalinta loo baahanyahay khayraadkaas, ka faa’iidaysiga shuruucda dawliga ah ee fududaynaysa ka faa’iidaysiga iyo ilaha maalgalinta laga helikarilahaa, waajibaadkii looga baahnaana faraha kalaabtay sidii ay bulshada ugu iftiiminlahaayeen.

Tan labaad ayaa ahayd Nabadgalyo la’aan ka jirta aagagaas kuwaas oo inta badan khalkhal kuhayaan kooxo nabad diid ah kana soo horjeeda dumuquraadiyada ka hirgashay dalkan Itoobiya. Khalkhalka ay nabadiidku ku hayaan deegaanka ee kuwajahan soosaarida shidaalka iyo macdanta kala duwan ee ku aasan deegaanka ayaa waxaa u dambeeyay weerarkii ay jabhada ONLF bishi April ee sanadkii lasoo dhaafay ay kusoo qaadeen kambanigii jayniiska ahaa ee baadhitaanka kawaday Tuulada cobole ee gobolka dhagaxbuur oo ay ku dileen dad aad u tirobadan oo ay kamid ahaayeen 9 Chinese ahaa.

Hadaba waxaa sidookale iswaydiin leh haatan looga faa’iidaysan karaa wakhtigii badnaa ee lumayna loogasoo kaban karaa? Jawaabtu waxay tahay in cudud midaysan, Maskax iyo Muruq shicib iyo Maamul suuban siwada jira la isula kaashadaa sidii looga hortagi lahaa kooxaha nabadgalyo diidka, mawqifka xisbigana loogu midoobi lahaa laguna gacansiiyo

Jijiga
Kilil5 Online