Ethiopia: Yoolka horumarka Qarniga ee dalkan Itoobiya
Jijiga(Kilil5)---Haayada Isbahaysiga Ururada Bulshada Rayidka ee Itoobiya oo magaceeda marka lasoo gaabiyo la yidhaa PANE oo ku hawlan dhimista ama yaraynta saboolnimada ayaa soo diyaarisay buugaa dhamaan luuqadaha Itoobiya lagaga hadlo lagu turjumay kuwaas oo sifaah faahsan u qeexaaya Yoolka Horumarka Qarniga ee guud ahaan dalkan Itoobiya. Kaas oo ah sidan soo socota.
Yoolka Horumarka Qarniga ee dalkan Itoobiya
1. Ciribtirka Saboolnimada xad-dhaafka ah iyo Gaajada
2. Ku guulaysashada waxbarashada dugsiga hoose oo Caalamka oo dhan la gaadhsiiyo
3. Sinaanta Jinsiga iyo Awood siinta Haweenka oo la taageero
4. Dhimida ama Yaraynta dhimashada Caruurta
5. Kor u sooqaadida caafimaadka Hooyada
6. Ladagaalanka cudurka HIV/AIDS KA, Duumada(malariyada) iyo cudurada kale oo loo halgamo
7. Xaqiijinta Jiritaanka deegaan noolaasho ku habboon
8. Xoojinta Iskaashiga Horumarka ee heer Caalami
Dukumantigani waxuu ahmiyadda koowaad siinayaa Maamulada ugu hooseeya ee ayka soo fulaan go’aamada siyaasada, dhaqaalaha iyo maamulku. Nidaamka faderaaliga ah ee uu ku dhaqmo dalkan itoobiya wuxuu sameeyay in awoodii go’aameed eek u urursanayd awoodda sare ee dawlada loo daadajiyo maamulada ugu hooseeya ee dalka ka jira. Wuxuu degmooyinka dalka oo dhan awood uu u siiyay inay diyaarsadaan miisaaniyadaha degmooyinka, miisaaniyada loo qoondeeyayna ay u isticmaalaan is waafaqsan baahidooda sida ay u kala horrayso.
Istiraatijiyadda ugu muhiimsan ee qorshahan shanta sano wuxuu ahmiyada koowaad siinayaa sideedan qodob ee hoos ku xusan.
1. Kobcinta Awooda Fulinta ee qaybaha kala gadisan.
2. In la abuuro korodh dhaqaale oo deg deg ah ooo waara isla markaan waara kaas oo lagu wajahaayo Horumarinta beeraha eek u salaysan suuqa iyo in la dedejiyo koboca dhaqaalaha shirkadaha yar yare e ay dadku sida gaarka ah u leeyihiin
- xoojinta xarumaha addeegga bixiya ee soo jiidankara niyad samida shaqsiyaadka shaqooyinka abuurikara
- ka faa’iidaysiga fursadaha ka banaan ganacsiga dibadda
- in la raaco istiraatijiyada ku salaysan xaalada Juquraafiyadeed
- in la xoojiyo ajandooyinka horumarinta magaalooyinka ee ugu muhiimsan iyo in la adkeeyo xiriirka miyi iyo magaalo ka dhexeeya
- deegaanada xoola dhaqatada ah oo fiira gaara lasiiyo
3. in la iswaafajiyo korodhka tirada dhacabka iyo korodhka(koboca) dhaqaalaha
4. I n la abuuro fursad lagaga faa’iidaysan karo awooda ballaadhan ee ay leeyihiin haweenku
5. in la ballaadhiyo isla markaana la xoojiyo qaab dhismeedka horumarka aasaasiga ee dalka sida
- Wadooyinka
- Adeega biyaha nadiifta ah
- Adeega korontada ama laydhka
- Isgaadhsiinta taleefanada
6. in lasiiwado sii xoojinta xooga dhaqaale ee dalka
7. in fursado shaqo la abuuro
8. Joojinta amaba xakamaynta cabsida iyo xasilooni darrada ka iman karta ku waxyeeloobidda masiibooyinka.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline














