Cabasho furan kuna socota madaxweynaha DGS C/laahi lug buur
Mudane iyo marwo dhamaan waad salaamantihiin gaar ahaan madaxweynaha
Cabdulaahi lug buur salaan kadib waxaan halkan cabasho furan idiin soo gudbinaya mid
ka mid ah aqoonyahaanta degmada QARSAADUULA.
Waad ogtihiin dhammaantiina wacyiga ka jira degmada Q/duula oo wali wax xal loo
helin hadaba bulsho kasta waxaa xalkeeda raadiya dowladeeda iyo shacabkeeda waxa
codsi iga ah in sida ugu dhaqsaha badan dowlad goboleedka ismaamulka soomalida ay
xalka degmada u raadiso sidii loo badbaadin lahaa shacabak waayo muwaadin kastaa
wuxuu xaq u leeyahay inoo ku noolaado wadanka meesha uu doono iyo sida uu doono
nabadgeliyadiisa iyo amnigiisuna waxay dusha ka saarantahay dowlada.
Mudane madaxweyne dadka degmad waxay tabayaan inaad la soo raagteen juhdigiina ood
wali naxriis la'aan ku daawaneysaan dhibka haasata muwadiniin la mid ah kuwa dagan
deegaanka beelaha aad ku heebtahay. masuulnimadu mahan maxaa iga galay in lagu
dhaqmo ee waa aniag aayay ii taala aan ka gaaro maanta waa maalin taarikh ayaa xusi
doonta inta wax tartay iyo inta ka seexatay madaxtooyada aad ka taliso wararka ka
soo baxaa maalin kastaa daafaha caalamka waxay ku gaaraan ilbiriqsiyo mudnaanta
inaad siiso waa waajib ku saaran ee ale ha kugu duwo degmada Q/duula hadaad
dayacdana ale wuxuu u soo sari madaxwayne cadil ah oo dadka iyo dalka deegaankoo
dhan sima sidaa u ogaw ina macal cusri yusran alaa yiri.
Mudane madaxweyna waxaa ina soo gaaraya inaad tiri waa deegaan laba oromo ah ay ku
dirirtay hadii aad tiri iyo hadii lagaa sheegay intaba malag ayaa garabkaada saaran
qoraya wax kasta aad ku dhawaaqdo hana moodin inuu aduunku sidan sii ahaan doono
waxaa laga yabaa Q/duula iney mar uun noqoto degaanka ugu hurumarsan gobolka.
Bajetyadii loo qoondeeyay ama la ansaxiyay sanado ka hor ee ahaa in degmada ceelal
loo qodo wali meel ay jaan iyo cirib dhigeen lama hayo
Maxay tahay sababta degmada Q/duula loo faquuqaayo?
Maxay tahay sababta muwaadiniin xaq u leh iney nabad ku noolaadaan dhibka loo
horseedo hadana lagu daawado?
Maxay tahay sababta xuquuda degmadoo dhan meel kala loo weeciyo?
Maxay tahay sababta muwaadiniinta ashatakadooda loo ajiibi waayo?
Maxay tahay sababta xuquuqda iyo shuruucda u taala is maamulka lagu tunto?
Maxay tahay oo maxay tahay?!!!!.
Mudana ogaw qoraxdii dhacdaa ineysan soo noqoneynin cimrigaada iyo xilkaadana
nuqsi ayaa ku socda waxaa kugu filan habaarka maatada dhibaateysan iyo maskiin
dulman dacwadiisa waa maqbuul
By darmaan boqor xuseen
boqor@hotmail.com



IslamOnline











