Ethiopia: 5 Nin o lagu xidhay Jijiga iyo Shirkii Xukumada uga socday Addis Ababa ee Khilafka iyo Horumarka deegaanka

08/16/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Shan nin oo qaarkood ay ka tirsanaan jireen maamulka xukuumada deegaanka sida gudoomiyihii hore gobolka dhagaxbuur Ibraahim diriq, madaxii borotokoolka madaxwaynaha deegaanka somalida Bare xasan iyo 3 nin oo kale ayaa habeen hore xabsiga loo taxaabay. Shantan nin ayaa la sheegayaa in lagu eedeeyay inay kililka ku faafiyeen borobogaando sheegaysa in uu khilaaf adagi ka dhex taaganyahay xukuumada lana kala diridoono. Inkastoo ay xukuumadii ayana wali ka soo laaban shirarkii ay addis ababa ugu maqnaayee waxaa la sheegayaa in ay halkaas amar kasoo siiyeen koomishineerka booliska xidhitaanka shantan nin oo warkoodu oo addis ababa ugu tagay waxa ay wadaa.

Xukuumada oo sida aan horeba u sheegnay khilaaf ka dhextaagnaa ayaa wali waxay wada xaajood iyo wada tashigii uu uga socdaa iyaga iyo dawlada faderaalka magaalada addis ababa. Warar aan la xaqiijinin oo aanu ka helayno addis ababa ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha dalku ato Males Zanawi uu kulama la yeeshay todobaadadii lasoo dhaafay kaas oo ku saabsanaa dhanka horumarka deegaanka. Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in madaxa xafiiska Cilmi Baadhista mudane Axmed sheikh oo katirsan gudiga fulinta ee xisbigu uu dhaleecayn adagu u soo jeediyay guud ahaan maamulka xukuumada deegaanka gaar ahaan hogaanka Abaabulka iyo Ka Qaybgalka dadwaynaha ahna ku xigeenka xisbiga mudane Daa’uud Maxamed isaga oo ku eedeeyay in umadii deegaanka ku dhaqnaydi ay abaaro baabiiyeen gaajo iyo macaluulna loogu dhintay deegaanka, iyo inay xukuumadu aysan war ka hayn wakhtigeedii oodhana ayku lumisay arimo nabadgalyo. Waxaa kale oo Daa’uud ku eedeeyay in uu xukumada sida uu doono ka yeelo iyo inuu ka yahay madaxwayne deegaanka, cida oo doonana xidho, xukumo cada uu doonana xilka u dhiibo. Waxaa sida oo kale lasheegayaa in uu fikirkan ku taageeray madaxwaynaha deegaanku mudane Cabdulaahi Xasan oo isagana markii dambe lagu eedeeyay hadii ay waxani jiraan inuu waxba ka qaban waayay. Waxaa kale oo la sheegayaa in Axmed Sheekh sheegay in lacagtii ama Bajadkii deegaanka ee sanadkan ay u isticmaaleen shirar kuna xisaab xidheen arimo nabadgalyo dadkiina ay gaajo uga bakhtiyayaan oo ay baaro ku habsadeen.

Axmed sheikh ayaa si gaara ay xurgufi u dhex ooli jirtay isaga iyo Daa’uud siyaasadana ay marwalba isku qaban jireen. Shirarkii nabadgalyada ee ay hagayeen Daa’uud iyo Cabdi Ilay bilihii lasoo dhaafay ee ka socday hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdile xasan Jijiga ayaa markii lamaraaayay xafiiska Cilmi baadhista ee uu madaxda ka yahay axmed sheikh ayuu Axmed sheikh shirka dhexdiisii ku aflagaadeeyay daa’uud isaga oo sheegaya in xadkiisii ka baxsanyahay waxyaabo aan loobaahnayna uu faraha kula jiro. Waxaa kale oo uu sheegay in ay wax lala yaabo tahay Daa’uud oo kaliya ku xigeen ka ah xisbiga talada haya uu joogo madaxii ka sareeyay iyo madaxwaynihii deegaanku in uu siyaasada deegaanka sida uu dono ka yeelo.

Dhanka kale waxaa isna garabsocda shirkan shirk u saabsan dhanka horumarinta kaas ay wadaan xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha e heer faderaal waxaana shirkan kaqaybgalaaya masuuliyiinta deegaanka iyo gaar ahaan maamulka iyo madaxda Xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee kililka iyagoo lagu qiimaynaayo isda xafiisyada deegaanku u soo diryaarsadeen qorshayaashoodii sanadkan 2001 kowda ee ay u soo gudbisteen xafiiska maaliyada. Waxaa sido kale la shegayaan dawlada faderaalku doonayso inay yareeyaan lacagayowga lagu xisaab xidho arimaha nabadgalyada miisaaniyadana loo badiyo dhanka horumarka deegaanka. Wixii war ah ee shirkan kasoo kordhan waxaan idinkula socodsiindoonaa wararka yaga dambe.

Jijiga
Kilil5 Online

xaalado badan ayaa is cadeynaya

#18969 On Sat, 2008 08 16 22:46 Anonymous (not verified) said,

Ragga la xidhidho waa raga lagu tuhunsanyahay ineey aaminsanyiin Ethiopianimad. Xanweyn ayaa dibadaha ka socota oo sheegeysa madaxda sare ee kilika iyo madaxda wax xidhaayaba inuu jiro xidhiidh xaga eritaria oo dhaqaalana ka soo gaadho si ay Ethiopia sida Somalia oo kale ooga dhigaan. waana aaminsanahay dawlada federalku ineey xaaladaha la socoto.