Ethiopia: Wararkii u dambeeyay ee deegaanka

08/14/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Abaaro xoogan ayaa lagasoo sheegayaa qaar kamida gobolada deegaanka Ismaamulka somalida. Abaarta oo aad u daba dheerayd iyo roobabkii gu’ga oo aan u di’in sidii loofilaayay ayaa waxay keentay in abaartii ay halkeedii kasiisocoto. Inkastoo guud ahaan deegaanka ay ka da’een roobabkii gugu hadana ma helin deegaanku roobabkuu heli jiray xiliyada guga taasina waxay keentay dadkii la daalaa dhacaayay biyo iyo baad la’aantu inay markiiba cagta mariyeen naqii yaraa. Inkastoo roobab laga soo sheegayo meelo kamida gobolka Fiiq iyo Qoraxay inuu ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay hadana waxaa abaaro daran laga soo sheegayaa goboladaas iyo gobolada Wardheer, Dhagaxbuur, iyo Afdheer. Gobolkan Jijiga iyo Shiniile oo iyagu badoodu raacsan galbeedka ayaa iyaga roobabku ay ka da’aan. Dawlada deegaanka somalida ayaa iyadu intii hore samaysay dadaalo lagu taakulaynaayo dadkan ay abaaruhu wax yeeleeyeen iyaga oo ka wayday gobolada sii dar daran biyo dhaamin iyaga oo u diyaariyay booyado biyaha loogu dhaaminaayo dadka abaaruhu ay saameeyeen gaar ahaan dadka reer guuraga ah.

Deegaanka waxaa abaaraha u sii deer sixir barar aad u sareeya oo shay kastaaba uu ugu yaraan uu laba jibaar noqday qiimihiisu hadii uusan sadex jirbaarmin. Inkastoo deegaanku uu sixir bararkan iyo qaaliyowgan maciishada uu la qabo deegaanada kale iyo waliba caalamka intiisa badan balse deegaanada kale waxay ku dhaamaan deegaanka somalida waxaa ka shira qorshayaal lagu kantaroolaayo sixir bararka. Dawlada Faderaalka ee Itoobiya ayaa iyaduna wada qorshayaal lagu dajinaayo qiimaha maciishada suuqa ee fadhiisan waayay iyaga oo ka bilaabay magaalada Addis Ababa ee Casimada dalka qaybinta Raashin ay dabada kazoo dajisay dawladu oo loogu talo galay inay suuqa ku xasiliso. Inkastoo aysan wali barnaamijyadani soo gaadhin deegaankan somalida iyo deegaanada kaleba waxay dawladu ku talo jirtaa inay sida ugu dhakhsaha badan u gaadhsiiyaan raashinkan dawlada deegaanada oodhan si ay wax uga qabtaa sixir bararka suuqana loo xasiliyo korna loogu soo qaado awooda iibsiga umada.

Xukuumada deegaanka ayaa iyagu bilihii lasoo dhaafay waxay wakhtigoodii oodhan ku lumiyeen shirar isdaba jooga oo u badnaa hal dhinac, kaas oo ahaa la dagaalanka nabadiidka iyo horumarinta Amniga deegaanka. Nabadgalyada deegaanka ayaa iyadu guud ahaan xasiloonayd bilihii lasoo dhaafay iyo intii ay shirarku socdeenba. Maamulka iyo madaxda sarsare ee deegaanka ayaa inta badan isku soocaanbixiya arimaha nabadgalyada iyaga oo waji iyo taageeraba kaga raadiya dawlada faderaalka. Waxa aan inta badan xooga lasaarin horumarka kale ee deegaanka. Haayada caalamiga ah iyo kuwan Maxaliga ah ee sama falka kawada deegaanka ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay taageero siiyaan ururada nabadiidka ah, waxaana inta badan ay xukuumadu hor istaagtaa wax qabadka haayadahaas oo inta badan cabasho ka muujiya sidii ay taakulaynta u gaadsiin lahaayeen dadka ku tabaalaysan miyiga fog-fog oo loo diido inay si xoriyad leh inay u gaadhaan goobaha ay doonayaan inay mucaawinooyinka gaadhsiiyaan.

Waxaa aad jahawareer iyo qas uu uga jiraan siyaasada deegaanka, taas dadaalkasta oo ay masuuliyiinta sarsare ee deegaanku sameeyaanba ku dambaysa koox kooxaysi iyo natiijo la’aan. Waxay inta badan ku loolamaan sidii kooxi ay kooxda kale uga magac iyo awoodba roonaan lahayd, iyo sidii ay u maroorsan lahayd jaangoynta siyaasada deegaanka. Shirarkii ay baryahanba xukuumadu ku hawlanayd ee xidid u siibida nabadiidka iyo burburinta xubnahooda dawlada ugu jira ayaad moodaa inuu waji cusub yeeshay. Shirarkan oo ay horkacayeen hogaaminayeena laba xubnood oo ka mida kuwa ugu awooda badan deegaan oo kala ah hogaankii Abaabulka iyo Ka Qaybgalka dadwaynaha ahaana kuxigeenka Xisbiga talada haya mudane Daa’uud iyo Hogaaka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalda mudane Cabdi ilay oo iyagu sigaar xulafo u ahaa ayaa lasheegayaa qudhoodu inay siyaasadii isla jiidheen. Waxa soo baxaya warar sheegaya in shirkii dhawaan khilaafku uu ku dhex maray gudiga fulinta ee xisbiga laftiisa uu hogaanka Nabadgalyadu Cabdi ilahy aad u cambaareeyay Daa’uud oo uu sheegay inuu laftiisa uga shakisanyahay arimaha nabadgalyada. Madaxwaynaha deegaanka ayaa laftiisu ku eedeeyay Daa’uud inay siyaasadiisa ku wajahan Nabadgalyadu ay aad u xoojinayso badashada mucaaradka iyo dadka dawlada kasoo horjeeda. Waxaa wali aan war laga hayn khilaafkii xukuumada xubneheeda gudiga fulinta oo wali addis ababa ku maqan iyaga oo kooxba kooxda kale si ay uga awood roonaato taageero u raadsaday dawlada faderaalka.

Jijiga
Kilil5 Online