Ethiopia: Khilaaf soo dhexgalay gudiga Fulinta ee xisbiga talada haya iyo Shirkii golaha Xildhibanada oo dib lodhigay mudo aan
Jijiga(Kilil5)---Shirkii golaha Xildhibaanada xukuumada deegaanka somalida oo maanta ka dhicilahaa magaalada Jijiga ayaa dib loodhigay mudo aan cayinayn. Sababta shirka dib loogu dhigay ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay khilaaf soo dexgalay xisbiga talada haya . Shirkii gudiga fulinta ee xisbiga oo laba cisho ka socday magaaladan jijiga ayaa khilaaf ka dhex dhashay kadib markii uu isu badalay kooxo kooxaysi lagu kala faylay madaxda sare ee hogaanka deegaanka haysa siiba afarta nin ee ugu awooda badan ama ugu cadcad,waa madaxweynaha deegaanka cabdullahi Hassan,Da'ud Diriye,Cabid Iley iyo Cabdifatah Sheekh.Gudiga fulinta ayaa waxay u kala baxeen laba guruub oo kala taageersan guruub ay horkacayaan Madaxwaynaha dawlada deegaanka mudane Cabdulahi Xasan iyo Gudoomiyaha xisbiga mudane Cabdifataax Sh. Cabdulaahi oo isku guruuba, Iyo guruubka kale oo ay horkacayaan Hogaankii Abaabulka ahna kuxigeenka Xisbiga mudane Daa’uud iyo Hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada mudane Cabdi Ilay.
Khilaafkan ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay kadib markii la isku da’yay in madaxwaynaha deegaanka mudane Cabdilaahi Xasan in laga saaro gudiga Fulinta iyo Golaha dhexeba. Shirka ay gudiga fulintu yeeshaan ka hore shirka baarlamaanka ayaa inta badan lagu ansixin jiray ciday ay xisbigu rabaan inay kala noqdaan Xasanada si ay u fududaato u codaynta golaha xildhibaanadu si looga qaado xilalka ay hayeen kadibna cidii ay rabaan ee hore u eedaysnaydna Jeelka u taxaabaan.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay xisbiga u qorshaysnayd xidhitaanka xubno katirsanaa golaha xildhibaanada oo hore loogu eedeeyay Arimo la xidhiidha nabadgalyada iyo Musuq maasuqba. Hadaba khilaafkaa soo dhex galay xukuumada gaar ahaan xisbigan talada haya daraadii ayaa mudo aan la cayimin dib loo dhigay shirkii Xildhibaanada deegaanka oo maanta dhici lahaa.
Madax waynaha deegaanka Cabdulaahi xasan oo laga saaro xubinimada gudiga fulinta iyo tan golaha dhexeba waxay kadhigantahay fudaydinta sidii looga qaadi lahaa xilka madaxwayne nimo taas waxaa qaba dadbadan oo indho indheeya siyaasada deegaanka. Madaxwaynaha ayaa la sheegayaa inuu shirkii shalay ka baxay markii la isku dayay in laga qaado labadaas xubinimo kadibna waxay u ambo baxeen kooxihii shirka isku hayay dhankaas iyo magaalada Addis Ababa oo inta badan ay xukuumad u ciirsato marka uu khilaafaadka noocan oo kale ahi soo dhex galo. Dawlada faderaalka ayaa iyadu ku xalisa khilaafaadka noocan ah taageerida hal garab oo ay awood u siiyaan maamulka deegaanka taasina waxay keentaa in guriibka kale ee ay siyaasada isku hayaani in ay marqudha daaqada ka baxaan.
Mudo laga joogo bil ayuu madaxweyne Cabdullahi Hassan la kulmay Meles Zenawi.Sida ay ii sheegeen dadkii shirkan goobjooga ahaa,madaxweynuhu wuxuu ka dacwoonayey labada nin ee deegaanka kaga awood batay,waa Da'ud Diiriye oo sida muuqata ah ninka ugu awooda badan deegaanka dadka intiisa badana ay u'arkaan inuu yahay "defacto president" ama madaxweynaha aan lamagacaabin iyo wasiirka nabadgalyada Cabdi Mohamed Omar Iley oo isagu dhinaca nabadgalyada aad uga shaqeeyay awoodiisana ku helay ladagaalanka argagixisa iyo nabad diidka. Kulankan madaxweynuhu uu layeeshay PM meles Zenawi ayaa sida la sheegayo aad loogu canaantay isaga oo layiri "adigaan deegaanka madaxweyne kaaga dhignay kuguna ognahay,adiga ayaana lagula xisaabtami".
Sida ay ii sheegeen madax ku dhowdhow madaxweynaha, ka soo bilaabata lakulankii Meles,madaxweyne Cabdullahi Hassan wuxuu isku dayay inuu dib u soo ceshado awoodii madaxweynenimo,isku dhacii ugu horeeyayna wuxuu ka dhashay markii madaxweynuhu uu xilkii ka qaaday laba xubnood oo Da'uud uu jagooyin sarsare u magacaabay isagoon soo marin xafiiska madaxweynaha.Mudane Da'ud oo markaas ku maqnaa shirkii ka socday Fiiq ayaa ka xumaaday talaabadan madaxweynu sameeyay,wixii ka dambeeyayna khilaafka madaxdan sare ee deegaanka ayaa cirka isku shareeray.
Dhinaca kale, maaliyadii sanadka ee deegaanka ayaan wali la ansixinin sababtuna waxaa weeye dawlada dhexe ayaan wali go'aansanin in la kordhiyo iyo in la dhimo lacagta lasiiyo deegaanka ismaamulka soomalida sababtuna tahay musuqmaasuqa kajira deegaanka oo hantida loogu talagalay deegaanka inteeda badan raadkeeda lawaayo.Asbuuci takay waxaa yimid deegaanka madax sare oo ay ka midyihiin wasiirka dhaqaalaha iyo kuxigeenka meles Zenawi waxayna imaatinkoodu kuluglahaa baajedka sanadka iyo dhaliilo kuluglahaa musuqmaasuqa.
Xukuumada deegaanka ayaa waxay kala noqotay shahaadadii shaqo "license" shirkado tiradoodu kor u dhaafeyso 35 oo magac iyo hantiba kulahaa deegaanka qandaraasyo farabadana ka qaata deegaanka.Xukuumada ayaa waxay soo saartay in qandaraasyo farabadan oo lacagtoodii labixiyay sadexdii sano ee lasoo dhaafay aysan hirgelin oon waxba lagu qaban lacagtii shirkadahan dawlada lacagta kaga qaateen.Sida lasheegayo ilaa 1700 oo ceel oo shirkadihii qandaraaska qaatay ay sheegeen inay qodeen ayaan laqodin oo been noqotay,waxaa kaloo ka mid ah mashruucyadan lacagta beenta ah lagu qaatay clinics,dhismo dugsiyo hoose,dhismo guryo dawladeed,jidad caymis,dhismo jidad cusub iyo wixii la mid ah.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











