Ethiopia:Hope for the Horn iyo Al-Najax (NGO's) oo albaabada loo xidhaayo
Jijiga(Kilil5)---Warqad shalay galinkii dambe kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida mudane Cabdilaahi Xasan ayaa shaqadii lagaga joojiyay laba haayadood oo an dawli ahayn. labadan haayadood oo magacyadooda lakala yidhaa Hope for The Horn iyo Al-Najax ayaa ahaa laba haayadood oo sama fala mudo badana ka hawlgalaayay ama ka shaqaynaayay deegaanka magac dheerna kulahaa deegaanka gudihiisa. labadan haayadood oo kamid ahaa haayadaha ugu waawayn een dawliga ahayn ayaa la sheegayaa in sababaha loo xidhay ay la xidhiidhaan arimo Nabadgalyo iyo Musuqmaasuq.
Haayada Hope for The Horn oo uu masuul ka ahaa aasaasayna mid kamida Xubnaha baarlamaanka faderaalka ee deegaanku oo magaciisa layidhaa Cabdi KariiN Awraali ayaa lasheegayaa in sababta haayadiisa shaqada looga wareejiyay ay la xidhiidho arimo arimaha nabadgalyada oo la sheegay in Cabdki kariim doorwayn kaqaatay isku dhac laba Jilib oo beesha Isaaq ka soo jeeda oo dhawr bilood kahor dagaal ba'ani uu ku dhex maray agagaarka Qabalaha Rabaso dagaalkaas oo dad dhawr boqol oo qof ahi ay ku dhinteen. Cabdi Kariin Awraali oo kasoojeeda mid kamida labadii beelood ee halkaas ku dagaalantay ayaa lagu eedeeyay inuu hanti badan ku bixiyay olole adagna ugalay sidii uu u xoojinlahaa dagaalka ay jilibkooda isku hayeen Jilibka kale. Cabdi kariin waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu heshiisyo lagalay Jabhada ONLF isaga oo matalaayay jilibka uu kasoo jeedo oo ee Habaryoonis oo ay colaad xumi dhextaalay jabhadaas dadna ay hore isaga dileen.
Haayada Al-Najax ayaa iyaduna ahayd haayad sama fal ah mudo dheerna ka shaqaynaysay deegaanka, haayadan ayaa iyadana la sheegayaa in xidhitaankeeda lala xidhiidhiyay arimo musuq maasuq. labadan haayadood ee laxidhay oo hanti iyo baabuur aad u badanba lahayd ayaa la filayaa in ay hantidoodan la wareegi doonaan xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garawga masiibooyinka oo ay hoosyimaadaan hadan NGO yada ahi ee ka hawlgala deegaanka.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











