Ethiopia:Shir Samawadal oo ka dhacey magaalada London iyo go'aamadii ka soo baxay

08/07/08
Format for printing    

Shir aad u weyn oo ay si wanaagsan u soo abaabuleen xubno ka tirsan
jaaliyadda Samawadal ee UK ayaa wuxuu ka dhacey magaalada London ee waddanka
Ingiriiska markay taariikhdu ahayd 03/08/2008. Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee
noociisa ah waxaa kasoo qeyb galay dad badan oo isugu jiray odoyaal, aqoonyahanno,
dhalinyaro, iyo dumar kuwaas oo ka kala yimid gobolada waddanka Ingiriiska.

Ugu horayntii, waxaa shirka lagu furay aayado qur’aan ah kadibna waxaa halkaas
lagusoo gudbiyay warbixinno kala duwan oo laga soo diyaariyay xaaladda dhabta ah ee
ay dadku waqtigan kusugan yihiin, gudaha iyo dibadda intaba.

Shirkan oo socdey ilaa 6 saacadood wuxuu hadafkiisa ugu weyni ahaa in lagu muujiyo
midnimo, iskaashi, iyo in dhibaatooyinka jira si wadajir ah wax looga qabto iyadoo
tixgalin weyn lasiinayo danta gaarka ah ee Samawadal kadibna loo gudbo danta guud ee
Tolomoge si markaas loo gaadho hadafka ugu dambeeya ee ah in la helo Ogaden iyo
Absame mideysan. Sidaas owgeed shirkani ma aheyn mid siyaasadeed ama mid lagu
taageerayay ururo jira ee wuxuu ahaa mid ku kooban falanqeynta danta guud iyo xal u
raadinta dhibaatooyinka beesha oo kaliya.

Shirkan oo ahaa mid si qiimo badan loo soo abaabulay waxaa kasoo baxey go’aamadan
hoose:

- In la dhiso guddi farsamo kaasoo daraasad cilmiyaysan ku sameeya dhibaatooyinka
jira isla markaana soo bandhiga wadiiqooyinka ugu haboon ee lagu gaadhi karo xal
waara iyadoo xiriir iyo wada-tashi joogto ah lala samaynayo dadka gudaha iyo dibadda
intaba

- In dowladda Ethiopia iyo maamulka kililka la weydiisto inay sii daayaan Ugaaska
iyo odoyaasha kale ee lagu xidhay magaalada Godey iyo Jigjiga.

- In abaaraha ka jira Godey si wadajir ah wax looga qabto iyo inay jaaliyadaha
dibaddu gurmad degdeg ah u fidiyaan dadka halkaas ku tabaalaysan iyo in la wargaliyo
hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka fidiya

- In jaaliyadaha dibadda lagu baraarujiyo inay qeyb libaax ka qaataan maalgalinta
iyo dhismaha magaalada Ijaara oo ah magaalo soo koreysa isla markaasna leh mustaqbal
wanaagsan oo la hiigsan karo

- In deegaanka Joore lagu baraarugsanaado oo xiriir joogto ah lala sameeyo
odoyaasha, maamulka, iyo dadka iyagu halkaas ku sugan laguna kaalmeeyo inay
magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda ku sugnaadaan

Waxaa kale oo uu shurku go'aamiyay in shir labaad laysugu soo noqdo markii laga baxo
bisha ramadaan ee barakeysan, haseyeeshee lama sheegin maalinta iyo saacadda uu
shurku dhici doono ee waxaa arinkaas loo daayay guddiga inuu soo go'aamiyo una soo
gudbiyo dadweynaha.

Guddiga farsamo ee halkaas lagu doortey wuxuu ka kooban yahay 7 xubnood oo kala ah:

1-Maxamed Qaladiid (Gudoomiye)
2-Xuseen Geele
3-Mukhtar Mahad
4-Axmed Kuusow
5-C/rashiid Sheekh Xuseen
6-C/xakiim Sh. Max'ed
7- Cusman Axmed Guure

Ugu dambayntii shirku wuxuu ku dhammaadey guul iyo is-afgarad, waxayna dadkii
halkaas yimid sheegeen inuu shirku ahaa mid aysan horaan u arag isagoo kale, sidaas
owgeed ay aad ugu faraxsan yihiin sida wanaagsan ee uu ku dhammaadey.

Wixii tafaasiil ah ee shirka ku saabsan waxaad kala xiriiri kartaa:

tacaawun@yahoo.com