Ethiopia: Shirkii Beesha Isaaq uga socday magalada Jijiga iyo 13 shirkadoo oo kuwa dhismaha ah oo iyagana lagalanoqday fasixii

08/06/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Waxaa maalmahan uu shir uga socday magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka beesha ISAAQ ee deegaanka somalida degan. Shirkan oo looqabtay odayaasha beeshaas ayaa wuxuu qayb ka ahaa shirarkii loogu talo galay in beela somaliyeed eek u nool deegaanka in si gaar gaara loo shiriyo si wax looga qabto nabadgalyada deegaanka sii xumaanaysa. Beesha Isaaq ayaa noqotay beelaha tirade yar ee ilaa hada aan lagu helin inay wax cilaaqaada la’leeyihiin jabhadaha nabadiidka ah ee deegaanka gudihiisa ka hawlgala gaar ahaan Jabhada ONLF balse waxay xukuumadu sheegtay inay suuro gal tahay inay xidhiidho la leeyihiin labada jabhadood ee kale ee Al-itaxaad iyo Al-Shabaab oo hada deegaanka gudihiisa la sheegay inay soogaleen. Siidaadaraadeed waxaa lagu booriyay iyagana inay is maydhaan oo cadeeyaan inay nadiif ka yihiin labadas jabhadood.

Dhanka kale Xafiiska hawlaha Guud ee deegaanka ayaa soo saaray 13 shirkadood oo kuwa dhismaha ah oo iyagana lagala noqday ogolaashihii ama fasixii ay ku shaqaysan jireen, inkastoo aysan warqadan ku cadayn sababaha shaqada looga joojiyay balse waxaa la filayaa inay daba joogaan shirkadihii hore looga qaaday ogolaashihii shaqada oo ay ka mid ahaayeen sababaha looga joojiyay shaqooyinkoodii inay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa iyo inay jabiyeen qawaaniintii loogu talo galay uguna adeegeen hantidii dawlada jabhadaha anbadiidka iyo inay kasoo bixiwaayeen shaqooyinkoodii.

Jijiga
Kilil5 Online