Ethiopia: 7 Wasiir oo heer faderaal ah ayaa saaka soogaadhay magalada Jijiga ee casimada deegaanka
Jijiga(Kilil5)---Waxaa saaka barqadii soo gaadhay magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka wufuud heer faderaal ah oo ka timid Addis Ababa. Wufuudan ayaa la sheegayaa inay ka koobanyihiin 7 wasiir oo ay kamid yihiin Kuxigeenka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Ato Addisu Lagase ahna wasiirka Horumarinta Reermiyiyga iyo Wasiirka Maaliyadaha ato Sufyaan axmed. Wali lama shaacinin sababaha ay u yimaadeen wufuudani waana markii koobaad ee wasiiro tiradan leh oo kasocda dawlada faderaalku ay yimaadaan deegaanka.
Wufuuda ayaa isla manta galinkii dambeba shir la galay madaxda deegaanka, madaxwaynaha deegaanka mudane Cabdulaahi Xasan iyo wasiirakaleba. Ilaa hada waa socdaa shirkii walina wax war ah oo kasoobaxay majiraan sababaha keenay wufuudan iyo shirki ay la galeen xukuumadaba lamana oga mudada uu shirkani socondoono. Waxaa ilaa saaka aad loo adkeeyay nabadgalyada magaalada guud ahaan jidadka hor mara hoteelka iyo meesha uu shirku ka socdo.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











