Ethiopia: Shirkii Qiimaynta Gobolka Fiiq Xaguu marayaa
Jijiga(Kilil5)---Shirwayne qiimayn ah oo ay xukuumadu u qabatay odayaasha, shaqaalaha, iyo dadwaynaha gobolka fiiq kaas oo talaatadii lasoodhaafay ka bilaabmay casimada gobolkaas ee Fiiq ayaa wararka aanu ka helayno gobolkaasi ay sheegayaan inuu hada gaba-gabo ku dhawyahay. Shirkan ayaa la sheegayaa inuu ka duwanyahay shirarkii noociisa ahaa ee hore loogu qabtay gobolada Jijiga iyo Dhagaxbuur. Shirkan ayaa wali u socda si guud taas oo guud ahaan loo qiimaynaayo gobolka balse ilaa hada aysan jirin wax gaar gaar iyo shakhsi shakhsi looqiimeeyay. Ilaa hada ma jiraan wax dad ah oo la xidh-xidhay ilaa intii uu hada shirku socday balse waxaa la filayaa in aysuuro gal tahay in marka shirka guud uu dhamaado in hadana dib loo bilaabo qiimayn shakhsi shakhsi ah. Shirarkii qiimaynta ee labadii gobol ee ka horeeyay gobolkan fiiq ee Jijiga iyo dhagaxbuur ayaa dad aad u tiro badan loo xidh xidhay dacwado iyo eedaymo looga soo Jeediyay kuwaas oo ku luglahaa Arimaha Nabadgalyada iyo Horumarka ama Musuq maasuqa.
Intii ay shirarkaasi socdeen waxaa la xukumay dad aad u tiro badan oo kamid ahaa dadkii la xidhxidhay, gobolka dhagaxbuur oo todobaad uun ka horeeyay shirka gobolkan Fiiq ayaa dadkii la xidh xidhay intii la xukumay waxay gaadhaysaa ilaa 30 qof. Kuwaas lagu kala xukumay xabsiyo 3 sano ilaa 5 sano gaadhaya. Gobolka Fiiq ayaa ahaa gobolada aadka ugu nabadgalyada xun si xoogana ay uga dhaqdhaqaaqaan ururada nabadiidka ah, waxaa sidoo kale aad loogu eedayn jiray inay taagero iyo dhaqaalaba siiyaan ururadan mucaaradka ah. Shirkan gobolka Fiiq ayaa la filayaa marka uu dhamaado in uu ku xigi doono Gobol Qoraxay kaas oo lagu qabandoon magaalada Qabri dahar oo isna kamida gobolada ay xukuumadu si gaara isha ugu hayso lana filaayo in qiimayn adag lagu samayndoono gobolkaas kadib waxaa loo sii gudbi doonaa gobolada kale ee hadhay .
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











