Ethiopia: Wareegii 3AAD ee Baadhitaanka Cudurka HIV/AIDS oo kabilaabmay deegaanka
Jijiga(Kilil5)---Waxaa shalay magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka ka bilaabmay Wareegii sadexaad ee baadhitaan bilaasha loogu fidinaayo umada ku dhaqan deegaanka somalida si ay isaga badhaan cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS. Baa dhitaankan ayaa loogu talogalay in lagu xakameeyo fidida iyo waxyeelada cudurkan dilaaga ah. Sida ay dadbadani ogsoonyihiin dalkan Itoobiya wuxuu ku jiraa wadamada aduunka ugubadan cudurkan dilaaga ah. Inkastoo aysan jirin baadhitaano faro badan oo noocan oo kale kaas oo lagu ogaanaayo saamaynta uu ku leeyahay ismaamulka somalida hadana waxaa la odhan karaa in ay jiraan dad tiro badan oo uu cudurkani hayo amaba u dhintay.
Inkastoo markii hore uuna jirin ama soo gaadhin deegaanka somalida qalabka lagu baadho cudurkan dilaaga ah, hadana waxay dhakhaatiirta cusbitaalada gaar ahaan kandawladu sheegaan inay jireen dadbadan oo lagu arkay astaamihii cudurkan dilaaga ah. Mid kamida dhakhaatiirta cusbitaalka kaaraamardha ayaa mudo hada dhawrsano laga joogo sheegay in wakhtigaas bukaankii jiifay cusbitaalka kaaraamardha qaybtiisa TB da uu 60% hayay cudurkaas dilaaga ahi. Inkastoo uu deegaanka ka jiro Urur loosameeyay dadka la nool cudurkan ama uu hayo hadana ma jiraan xarumo dadkan lagu karantiimo si loo xakameeyo ama looga hortago fiditaankiisa. Waxaa sidookale culima awdiinku si gaargaara uga hadlaan cudurkan iyagoo kusalaynaaya diinta Islaamka kuna boorinaaya umada islaamka inay ka fogaadaan sinada.
Sikastaba ha ahaatee waxaad moodaa in dad badan oo somali ahi gaar ahaan kuwan ku dhaqan deegaanku ayna xataa aaminsanayn jiritaanka cudurkan, kuwa ogsoonina aysan dhag u dhigin barnaamijyada wacyi galinta eek u aadan sidii wax looga qaban lahaa cudurkan. Waxaad arkaysaa dadbadan oo layaabaya dadka iskood isaga baadhaaya cudurkan dilaaga ah. Wareegan ayaa ah wajigii sadexaad ee noocan ah kaasoo dadku ay si xora iskood isaga baadhayaan cudurkan. Inkastoo ay jirto diiwaan galin hoose oo lagu tiro koobaayo dadka ilaa hada laga helay cudurkani hadana majiro xogbuuxda oo laga soosaaray tirda uu hayo cudurkani inta ay leegtahay labadii wareeg ee hore ee baadhitaanka lagu sameeyay dadwaynaha ku dhaqan caasimada deegaanka Jijiga.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











