Ethiopia:Jaaliyada u dhalatay Gobolka Wardheer maxay uga aamuseen bulshadooda.
Tan iyo Markii ay dhacday Dowladii dhexe ee soomaaliya waxaa dalka dibadiisa aaday boqalaal kun oo ruux kuwaas oo u dhashay guud ahaan soomaaliya, iyadoo koox waliba ay caawinaad la soo gaartay dadkii ay uga tageen wadanka gudihiisa gaar ahaan gobolka ay ka soo jeedaan, waxaana intabadan ay ka caawiyeen howlaha Gargaarka u baahan, sida waxbarashada, Caafimaadka iyo ka taakulaynta Masiibooyinka dabiiciga ah.
Haddaba waxaa manta qoraalkaygaani uu ku wajahanyahay Jaaliyada u dhalatay Gobolka wardheer oo iyada lagu sheego inay yihiin qoomiyada ugu tirada badan dadka u hayaamay wadanka dibadiisa, islamarkaana la’oran karo waa jaaliyada xaga waxqabadka ugu liidata marka laga fiirsho Jaaliyadaha kale ee u dhashay soomaaliya.
Gobolka Wardheer waxaa uu ku yaalaa Bariga Deegaanka Soomalida Ethopia, waxaana uu xiriir laleeyahay dhowr Gobolo oo ku yaala soomaliya, Sida Galgaduud, Mudug, Sool iyo Gobolka Cayn, waxaana ku nool dad aad u tiro badan kuwaas oo nolol maalmeedkooda ka raadsada xoolaha nool ee ay dhaqdaan inkastoo sanadihii u danbeeyey ay abaari ku habsatay.
Haddaba sanadihii u danbeeyey waxaa ka jira Abaaro aad u baaxadweyn kuwaas oo waxyeelo ay ka soo gaartay dadkii iyo xoolihiiba, waxaana gurmad u fidiyey dowlada deegaanka soomalida, inkastoo baahida shacabku ay tahay mid aad u balaaran oo u baahan gurmad.
Gobolka wardheer waxaa uu la qabay abaarta ku dhufatay gobolada Dariska la’ah, waxaana goboladaasi gurmad la soo gaaray dadkii ku dhaqnaa ee ahaa reer guuraaga ahaa jaaliyadahooda dibada ku dhaqan, iyadoo ilaa iyo iminka uusan ka kala go’in gurmadkii loo fidinayey, halka shacabka ku dhaqan gobolka wardheer ee la ildaran abaarta ku habsatay aysan wali jaaliyadoodu ka warqabin inay abaari hayso iyo inkale.
Haddaba Maqaalkaygaan oo ku wajahan Jaaliyadaha u dhalatay Gobolka Wardheer maxay uga aamuseen bulshadooda ay la degtay abaartu?
Inkastoo jaaliyadaha u dhalatay gobolka wardheer ay yihiin kuwo aad u tirobadan, islamarkaana aan wali dadkooda wax u qaban, walow ay ku tilmaamaan dadka u dhuundaloola jaaliyada u dhalatay gobolka wardheer inay ku firfircoonyihiin soo dhawaynta dadka aan u dhalan gobolka wardheer iyo inay kala qaybqaataan qaaraanka marka uu u yimaada nin ka yimid soomaliya oo gobolkiisa ama degmadiisa u raadinaya mashruuc uu warbixino kagado, jaaliyada iyadoo jaaliyadiisu ay galbinayso, markaas oo sifiican ay ugu hagar baxaan, islamarkaana ay yihiin kuwo lagu qorto qaaraanka oo kaliya, balse aan marnaba u soo jeensan dadkoodii iyo gobolkii ay ka soo jeedaan, aysana lahayn hadaf midaysan oo ay dadkooda wax ugu qaban karaa.
EEG
Maxay u qabteen Bulshadooda intii uu jiray Burburkii?
Abaarta ka jirta Gobolka wardheer miyeysan ogayn, Maxay u abuuri waayeen jawi ay wax ugu qabtaan bulshadooda?Mise iyagaaba is haysta oo aan wax isku ogalayn waayaabe?
Dalkii miyeysan rajo ka qabin? Dalkaagii hooyo ma dal kaaga fiican baad heshay?
Miyeysan lahayn damiirka ku jira jaaliyadaha kale ee soomalida ?
Su’aalahaan waa kuwo jawaabtooda aan u soo bandhigayno dadka u dhashay gobolka wardheer ee ku nool daafaha caalamka si ay jawaabo uga bixiyaan.
Gabogabadii Maqaalkaygaan waxaan leeyahay Jaaliyadaha Gobolka wardheer u dhashay iskaashada oo dadkiina wax u qabta, oo abaarta ku habsatay ha ku dhowranina, samaysta cid gaar ah oo idiin kaga wakiil ah bulshadiina, iska dhaafa is riixida iyo kala qoqobka.
Lasoco Qaybta 2-aad ee maqaalkayga (Jaaliyada u dhalatay Gobolka Wardheer maxay uga aamuseen bulshadooda) oo aan idiin ku soo bandhigi doono qaabka ay wax ugu qaban waayeen bulshadooda, ayna uga dhexmuuqan waayeen jaaliyadaha kale.
Eng. Maxamed Axmed
Maxamed_nabadoon@hotmail.com



IslamOnline











