Ethiopia:Natijadii shirarkii Qimaynta shaqalaha heer deegaan o sosarideedi bilabatay iyo shaqalayn arday cusub

07/22/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu xafiiska xisbiga ee xukuumada deegaanku uu bilaabay soosaarida shaqaalayntii dad aad u tiro badnaa oo ay dhawaan ka uruuriyeen dokumentiyadoodii. Arday aad u tiro badnayd oo ka sookala qalin jabisay jaamacadaha dawlada iyo kuwa gaarka looleeyahayba ee dalka iyo waliba wadanka dibadiisa ayaan la shaqaalayn sanadadii lasoo dhaafay iyada oo uu inta badan xidhnaa xafiiskii shaqaalaynta (CPA) iyo iyada oo ayka jirtay deegaanka eex aad ubadan oo kaliya uu shaqaaloobi jiray ninkii garab adag ka haysta xukuumada. Hadaba sii arimahaas looga hortago loona shaqaaleeyo ardaydan aad u tiradabadan loona buuxiyo boosas farabadan oo hore uga banaanaa xafiisyada heer deegaan iyo qaar banaanaaday ka dib dib u habayntii shaqaalaha ayaa xafiiska xisbigu wuxuu bilaabay uruurinta shahaadooyinka Orjinaalka iyo Koobigooda arday jaamacadaha dawlada ee wadanka gudihiisa ka sookala baxday si ay mudnaanta koowaad u siiyaan loogana shaandheeyo shahaadooyinka foojariga ah ee inta badan lagu soo khaldo koobiga. Waxaa munaanta labaad lasiindoonaa marka la dhamaystiro jaamacadaha dawlada arday ka soobaxday jaamacadaha bareefadka ah ama gaarka looleeyahay ee wadanka gudihiisa. Kadib waxaa lagu xigsiindoonaa arday wadanka dabadiisa ka soo baxday iyagoo lagu xidhi doono inay ka soo cadeeyaan shahaadooyinkooda safaaradaha ay wadamaday ka soo kala baxeen ku leeyihiin Addsi ababa.

Hadaba sida aan kor ku sooxusnay waxaa ilaa daraad bilaabatay soo saarida waraaqaha OG ta ee wareega koowaad kuwaas oo mudo 6 bilood ah lagu tijaabindoono shaqaalahan cusub. Waraaqahan shaqaalaynta ee ay wataan dadkan lagu sookala shaqaaleeyay xafiisyada heer deegaan ayay ku xusantahay in si kumeel gaadha ay ugu sii shaqayndoonaan boosaskan iyo xafiisyada lagu qoray iyadoo lafilaayo in 6dii biloodba mar laqaban doono shir lamida shirarkii qiimaynta ee bilihiilasoo dhaafay looqabtay shaqaalaha heer deegaan, kadib qofkii kasoo bixi waaya waajibaadka shaqooyinkaas loo dhiibay laga qaadidoono shaqooyinkii lagu tijaabinaayay.

Sidoo kale waxaa ilaa shalay iyaguna bilaabmay oo xafiisyada heer deegaan gaadhay waraaqo kasoo baxay isla xafiiskan xisbiga oo shaqooyinkoodii lagaga qaadaayo shaqaale tiro badan oo hore uga sii shaqaynaayay xafiisyada heer deegaan. Shaqaalahan ilaa hada ay waraaqahoodii erigu soogaadheen ayaa u badan shaqaalihii shirkii qiimaynta ee dhawaa lagu eedeeyay inay xidhiidho iyo cilaaqaadyo kala duwan laleeyihiin Nabadiidka iyo qaar lagu eedeeyay karti daro iyo inayna ka soo bixin waajibaadkoodii shaqo. Waxaa sidoo kale lafilayaa in wareegii labaaad ee soo saarida shaqaalaha hadhay iyo eryida shaqaalihii horeba ay soo baxaan todobaadkan ilaa todobaadada fooda inagu soo haya.

Jijiga
Kilil5 Online