Rajiim Kontarbaana: Rabshadihii Hargaysa (Geraar)
Horaantii bishan waxa Hargaisa kadhacay mudaharaad layaabl leh. Dhacdadan oo ku
luglahayd gaadhi biyaha qodo waxay ahayd mid xaasaasi ah marka laga eego dhinacyo
badan oo ay kamid yihiin (1) sida fudud ee ay qulquladani u dhacday iyo waxa sababay
oon wali daaha laga qaadin (2) weedhaha naxliiga badan xambaarsan ee kasoo yeedhay
qaar kamid ah odayo dhaqameedka beelaha hargaysa iyo kuwa siyaasada ku gabraarta.
(3) tuhunka qotada fog ee arintani ku kordhisay bulshada reer awdal iyo gobolada
beriga ayagoo awalba tirsanayey hagardaamo iyo xaq duudsiimo aan geed loogu soo
gaban marka loo eego saami qaybiga maamulka iyo arimaha dhaqan dhaqaale ee
laxidhiidha Hargaysa. Isku soo duub oo arrintani waxay dad badan oo rajo kaqabay
maamul yagleelka SL (de facto regime) ku noqotay afkalaqaad. Geerarkani wuxuu
cibirayaa dareenka dhabta ah ee reer awdal badidoodu ka qabaan.arintan. Maaha mid
dhalyalsanaya dadkii kunafwayay mashaqada meesha ka dhacday haba yaratee.
Hargeisa ruxanaysa
rabshadaa kadillacy
riig biyo dhaansha oo
redh koroostu kudeeqay
reeraha oo dhan kadhexeeya
ayey xoog ku rabaan
waar marunbaa mariyaa
waar mariwaad jinbaa
warkan waan rogiwaayey
oo rayiga wuu galiwaayee
ee Riirashow marunbaa
Rasaas baa ka qarxaysa
raxan baa ku nafwayday
boliiskii baa rogi waayey oo
hawshoodii ku rafaaday
waa la raali sabaa oo
ramaash baa loo balanqaay.
raskoodii bay gubayaan
oo wadooynkii bay rafaceen
oo ruuxii ay arkaanba
dhagax bay kurushayn
ninkii run u sheegayna
dhegba loo raaricinyaan
caaqilkii reerku lahaa
ee xalka raadin lahaa
ee dhibta raari lahaa
ayaa raaxeeye ciyaaray
dhaanto wayn rig kasiiyey
cumadii dhooqada ruubay
oo galbeed baa loo rarayaa
waar ka ridaay ka ridaay
iyo rooxaani ka yeedhay
rubcadiii hore raacay.
waar marunbaa mariyaa
waar mariwaayad jinbaa.
warkan waan rogiwaayey
oo rayiga wuu galiwaayee
waar Riiraashow marunba
rooxaantii Kulmiye iyo
rag xumaantu ku raagtay
reer mujaahid ku faana
oo qabiilku ragaadshay
qalbigoodu rigaaxmay
ayaa u riyaaqay warkaas
oo raadkisii daba jooga
run ahaantii ka maqsuuday
Rayaale oo ku go’doomay
rugtii waagu ugu gadoomay
iyo raaskii u deganaa oo
reer Awdal ka quustay
qofna raadco su’aalin
ayaa reenkii iyo cadhadii
dusha looga ridaa
malaha waa aduun rogmadkii
ruuxba ruux uu qalanaayey
mar haday xaajo ragaaday
ribatay oo ay rajabeeshay
runta yeynaan ka wareegin
hadalkayga waxan ku rogaalin
rag maseegto dardaaran ah
bal dhagahaga u raarid
reer Hargaysa midhbaan la goboon
reer awdal midhbaan la guboon
Rayaalena midhkale la gudboon
reer Hargasa waxaa la gudboon
roob samaad iyo gaajo
waa rugteeda madhaafto
raadkiinaa ku ekaada
raas raas wuxuu ugu dhaafo
u rifaayo xaqiisa dharaar cad
oo argdaagiisa uga raamsan
waa rag magaydo iyo ceeb
reer awdal waxaa la gudboon
regime kontrara baan ah
waxba yaan loo rugo oodin
ra’yul caalka aduunka
waxba yeynaan ranjiyeyn
calan uu rag ku dhaato
raadcadiisa ku daalin
waxba yaan loo rucukaabsan
oon xusulka la iskugu riixin
sharafteena loo rubadgoyn
waxay raafaad iyo dhib qabaanba
soomaliwenta laynaga reebin
risiqa ilaahay baa bixiya
dhulkiinu waa rays iyo beero
bada reenta iyo xeebo
rakadooyin samaysta
doonyuhu ay ka rartaan
maalka ay ku rogaan
rukunkooda dhigtaan
raaskina bismilaysta oo
rasamaal ka samasyta
Rayaale waxaa la gudboon
waar raac ama diid
nimanka aad wax la ruugto
raqda aad la daliigto
reer awdal wuu biyo diiday
oo rubuc kaama sugaayo
nin ragaa rabi kaa dhigee
risiqaaga u meelday.
Note: Cinwaanka “ Rajiim Kontrabaan” or illigimate regime waxaan kasoo xigtay jawaab
u bixiyey nin kamid ah dadwaynaha yaaban ee awdal ku nool oo nin
wariye(Boramenews.com) wax ka wadiiyey aragtidooda
* Rajiim means Regime, redh koroos means Red Cross, Konrabaan means Contraband
Mohamed A. Awale
Moe-awale@hotmail.com



IslamOnline











