Ethiopia: 34 Shirkadood oo laga kansalay Lisamadoodii Ganacsiga

07/21/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Kadib shirkii ay xukuumada deegaanku u qabatay ganacsatada deegaanka gaar ahaan Qandaraaslayaasha ayaa xukuumadu ay natiijo kasoosaartay. Warqad kasoo baxday Xafiiska Ganacsiga , gaadiidka iyo warshadaha ayaa lagu qeexay 34 Qandaraasle oo lagala noqday fasixii ama Ogolaashihii ganacsigooda. Shirkadahan Liisamada lagala noqday oo ay kamid yihiin shirkado waawayn oo magac iyo hantiba deegaanka kulahaa ayaa sabab looga dhigay kansalida liisankooda, Musuqmaasuq, Tayo xumo dhismayaashii ay lacagahaa waawayn ee dawlada ay ku qaateen sida Iskuulaadka, goobaha Caafimaad, IWM. Qaar ayaa iyaga looka kansalay lisamadoodii o aanay cusboonaysiin sanadadii lasoo dhaafay iyadoo ay waajib ahayd in ay cusboonaysiistaan sanadkasta, Qaarkale ayaa iyaga lala xidhiidhiyay arimo nabadgalyo. Inkastoo ay ku jiraan shirkadahan liisanka lagala noqday qaar lagu eedeeyay inay taageero siiyaan jabhada nabadiidka ah ayaa hadana waxaan laga lagu soo darin qaar aad loofilaayay in lagala noqondoono ogolaashaha wakhtigii uu shirku socdayna loogu hanjabay in waliba xabsi loogu daridoono loona horkeeni doono cadaalada.

Shir lamida kii todobaadkii lasoo dhaafay loogu qabtay qandaraaslayaasha ee ay natiijadani kasoo baxday oo isaga dhawr bilood ka hor qandaraaslayaasha loogu qabtay xafiiska Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada ayaa sidan oo kale loosoo dhajiyay dhamaan shirkadaha ka hawlgala deegaanka iyaga oo lookala saaray qaar la yidhi liisamada ayaa lagala noqonayaa isla markaana maxakamad ayaa lasoo taagi doonaa, qaar liisamada ayaa lagalanoqonayaa kaliya, qaarna loo ogolaaday inay dhamaystiraan kaliya hawsha ay gacanta ku hayeen qaarna ogolaasho buuxda lasiiyay inay hawshooda halkaa kasiiwadaan ayaa aakhirataankii mudo yar kadib dhamaan loo siidaayay fasaxyadoodii kadib markii ay hawlgalo iyo fanba ay ku bixiyeen ladagaalanka jabhada. Waxaanse ilaa hada la garanayn in lagaga dhabayndoono kala noqoshada ogolaashaha shaqo ee hada lasoosaaray iyo in dib loogu ogolaan doono hadii ay sidii markii hore oo kale muujiyaan dadaalo ay kaga hortagayaan dhaqdhaqaaqyada nabadiidka iyo inay tayadooda kor u qaadaanba.

Jijiga
Kilil5 Online