Ethiopia: Mid ka mida Ilaalada Madaxwaynaha oo ku Geeriyoday Shilbaabuure Xafada madaxwaynaha dhexdeeda

07/20/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)--Mid kamida ilaalada khaaska ah ee madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida mudane Cabdulaahi xasan ayaa ku geeriyooday shil baabuur. Ninkan oo magaciisa la odhan jiray Yuusuf sidoo kalena ka tirsanaa booliska kililka ayaa saaka subax hore wuxuu isku dayay in uu istaadho baabuur ka mida baabuurta ilaalada ee la socota madaxwaynaha deegaanka kaas oo la sheegay in uu xalay geer/speed lagu bakhtiiyay isla markuu furaha ku rogayna uu la booday baabuurkii oo uu duqeeyay gidaarka ku wareegsan xaafada madaxwaynaha deegaanka. Ninkan ayaa wadnaha wax ka noqday kadib markuu beerka ku dhuftay isteerinkii ama shookaantii gaadhiga. Yuusuf waxaa saaka lagu aasay alla hawnaxariisto ehelkiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyee mid kamida qubuuraha magaalada Jigjiga.

Jijiga
Kilil5 Online