Maxaa u dhaxeeya Beesha Hubeer iyo Beelaha Sheekhaal, Yaa Hurin Haya Colaada?
Wararka kasoobaxaya degmada Afmadoow iyo Bu’aale ayaa sheegaya inuu ka socdo abaabul dagaal ooy wadaan Beesha Hubeer iyo beelo ka tirsan beesha Ogaadeen. Khamiistii iyo Shalay Jimcihii ayaa dagaalo dhowrjeer laisku soo noqnoqday ay kadheceen deegaamada beesha sheekhal sida tuulada Burriye oo 15km u jirta tuulada Baqdad oo hoostimaada degmada Hos’hungoow. Dagaalkan ayaa waxuu ka bilowday kadib markii beesha Hubeer ay kugacanseertay diyad ama mag lagasugayay inay kabixiso dhalinyaro dhowr ah ooy beel ka mid beelaha sheekhal ay kadishay dhowr bilood kahor. Dagaalkan ayaa la moodayay inuu salka ku hayo dhuxul gubista deegaanka oo beelaha sheekhashta ay ka soo horgeedsadeen balse waxaa soo baxeysa in dagaalka guntiisu ay sal kuhayso dhulbalaarsi iyo barakicin beelaha Ogaadeenku ay damacsanyihiin jubooyinka, waa sida ay sheegayaan warar ka soo baxay shirar beelaha deegaanka laleh beelaha sheekhasta ee Coormale iyo Gaaljecel ay sheegayaan.
Shalay iyo manta waxaan la hadlay odayaal badan oo ka soo jeeda Hubeer,Gaaljecel,Coormale iyo beelaha Sheekhasta si aan u fahmo waxa isku dhaca keenay hada iyo sababta colaada beelahan waligood sida walaalaha iskugu dhexnoolaa. Sanadkan wixii ka horeeyay, beelaha deegaankan wada degan,waxay ahaayeen beelaha ugu dagaalka yar isku dhacooduna uusan ka weynaan jirin xoolo lakala xado kadibna laisku soo celiyo balse colaada sidan u dheer ayaa waxay iila ekaatay inay siyaasad deegaan salka ku hayso sidaas darteed ayaan sameeyay wareysiyo odayaal dhowr ah bal inaan fahmo salka colaada.
Waxaa la iisheegay in dhowr shir beelaha ogaadeen siiba beesha Mohamed Subeer ay layeelatay beesha Hubeer,Gaaljecel iyo Coormale oo isku deegaan yihiin beelaha sheekhaal. Shirarkan beelaha sheekhaal looguma yeerin sida ay odayaashu sheegayaan. Suldaanka beesha Mohamed Subeer ayaa shirkii ugu dambeeyay inta uusan dagaalkan dhicin ku dhawaaqay in beesha Hubeer ay kamid tahay laf Maxamed Subeer ah. Suldaankan ayaa wuxuu intaas ku daray in dhulkani yahay dhul Ogaadeen Hubeerna ay laf kamid ah tahay. Siyaasi ka mid ah beesha Gaaljecel magaciisana layiraahdo Cabdi Baalay Xuseen ayaa ku dharbaaxay suldaanka hadalkiisan ka soo yeeray owgeed shirkiina beesha Gaaljecel iyo Coormale way iskaga soo dareereen.Dhulka uu suldaanku sheegan hayo waa deegaanada beelaha sheekhal,Gaaljecel,Coormale iyo beesha Hubeer.
Deegaanka dagaalku kadhacay ayaa waxuu yahay sida laiisheegay deegaan in muda ahba ay beesha ogaadeen u hanqal taagaysay sida ay odayaashu sheegayaan. Deegaankan oo barwaaqo ah ayaan ahayn beesha ogaadeen kaliya beelaha u hanqaltaagaya balse looga horeeyay.Beesha gaaljecel ayaa dagaal xun u gashay deegaankeeda sanadkii la soo dhaafay.Marka waxaad moodaa in dagaalkan siyaasad dhulbalaarsi iyo barakicin ay salka ku hayso beesha Hubeerna ay noqotay faraskii la adeegsanhayey. Su’aalaha meesha kujira in laisweydiiyo ayaa ah, Beesha Hubeer xageey ku noqotay beel katirsan Mohamed subeer, ogaadeen? Beesha Hubeer waa beel layaqaano meesha ay kasoojeedo iyo faraceeda.waxaa layaab leh sidoo kale, beesha Hubeer oo beelaha sheekhaal daris wanaag ahaayeen qarniyo, sharaf iyo walaaltinimona ay kuwada noolaayeen, maxaa isbedel maanta? Haday tahay dhulkeena yaynaan xaalufinin oo dhuxul qodista aynu kajoojino,ma wadahadal iyo isafgarasho ayaa xal lagugaari karaa misee dagaal gaadma ah oo fulaynimo kujirto ayaa xal noqon? Beesha Ogaadeen maxaa korka kasaarey beesha sheekhaal? Dagaalkii Ethiopia kadhacay iyo barakicintii beesha sheekhaal ayaan wali lagaboksanin, maxay sida fulaytinimada ah u soo adeegsanhayaan beesha Hubeer? Ogaadeen haduu wali u oomanyahay dhiiga sheekhaal, inta uu iska daayo Hubeer waa ogaadeen, dagaal toos ah sheekhaal ha ugu soo qaado oo ha iska daayo dhuudhuumatka.Ogaadeen deegaankiisa jubooyinka waa layaqaanaa, dhulka sheekhaal leedahayna taako maxaa ugu yar, kama qaadan hayo inta qof sheekhaal uu soomaliya,Kenya ama Ethiopia uu kunoolyahay,waa xaqiiqda marka larabo.Dhulka uu Ogaadeen damcin hayo waxaa iskaleh beelahan aan kor ku soo xusay oo waligood nabad iyo walaaltinimo kuwada noolaa.Cidii dhoof ku timaada ama damacda inay xoog dhul kuqaadato,taasi way shaqeyn ladahay soomaliya maanta.Qofna dhulkiisa lagama xoogi karo iskabadaa sheekhaale.
Beesha Hubeer waxaanu ugu baaqi nabad,wadanoolaansho iyo walaaltinimo iyo inay bixiso magtii wilasha ay leesay sidii horay loogu heshiiyay. Beelaha Mohamed Subeerna iyo beesha Ogaadeena waxaanu ugu baaqi nabad kashaqeynta, walaaltinimada iyo in la joojiyo hurinta colaada dhiiga sabab la’aanta ah kalifaysa. Maanta waxaa lagu jiraa xiligii lagashaqeyn lahaa isku soo celinta dadka walaalaha ee Soomaaliyeed iyo sidii lagu damin lahaa colaada iyo dhiiga sida macna darida ah u qubanaya. Waxaa loo baahanyahay hadii wax lakataban hayo in golo ama fadhi sidii caadada iyo dhaqanka soomaliyeed ahaanjiray lagu gorfeeyo, heshiishka lagaadhana qabiilkasta uu ilaaliyo. Mustaqbalku waa wadanoolaanshaha, dagaal rag unbaa ku dhinta ee ragi kuma dashaan, qabiil uu dan ugu jirana yar iyo wayn maleh. Shacabku waa Soomali,waxaynu nahay dad ama shacab Islaam sheegan haya, diinta Islaamkuna way xaaraantimaysay gardarada iyo dilka kibirka ku lugleh. Hadeynu nahay Islaam,dhinacna Soomalinahay, aynu isbadbaadino. Colaad iyo dagaal qabiil kutaajiray ama saredhaadheer kadhistay wali lama hayo, intii kutaajirtayna waa laga burburiyay waayo xaq islaam Ilaahey baa u caadil ah.



IslamOnline












