Ethiopia:Shirkii Dhagaxbuur iyo Dadbadan oo lagu xidh-xidhay magaladaas iyo waliba Qaar dhawrsano lagu xukumay

07/18/08
Format for printing    

Dhagax-buur(Kilil5)---Shirkii odayaasha ee ka socday gobolka dhagaxbuur ayaa wali kasii socda casimada gobolkaas ee dhagaxbuur. Shirkan oo ay hogaaminayaan masuuliyiin kasocotay heer kilil oo ay kamid yihiin hogaanka nabadgalyada iyo arimaha cadaalada mudane Cabdi Maxmed( Cabdi Ilay) iyo Daa’uud hogaanka abaabulka dadwaynaha ayaa la sheegayaa mudadii uu socday in dad aad u tiro badan lagu xidh-xidhay magaaladaas. Dadkan la xidh xidhay ayaa qaarkamida waxaa lagu xukumay 5 sano oo xadhiga halka qaar kalena lagu xukumay 3 sanadood oo xadhiga. Wararka naga soo gaadhaaya gobolkaas ayaa sheegaya in dadkan laxukumay qaarkood loosoo gudbindoono xabsiga lagu xidho dadka khatarta ah eek u yaala kililka Axmaarada magaalada Zuway.

Dadkale oo aad u tiro badan ayaa la sheegayaa in lagu dhaariyay inay ku xilo furaan inayna dib cilaaqaad dambe ula yeelan doonin kooxaha nabadiidka ah ee hortaagan amniga iyo hourmarka deegaanka. Waxaa sidoo kale shirka ka qaybqaadanaysa kooxo danbi baadhayaal ah, qaar cadaalada kasocda iyo qaar maxakamada ka socda si ay isla markaaba ugu fuliyaan dadka danbiyada culculus lagu helo xukuno kala duwan. Waxaa lafilayaa in todobaadkan lasoo gabagabeeyo shirka, waxaana laga yaabaa in ay sii badato tirada dadka la xidh-xidhay iyo kuwan xukunka lagu fuliyay.

Warar aan sugnayn oo iyaguna nagasoo gaadhaya isla gobolkaas ayaa sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ay dagaalo culusi ay ka dheceen agagaarka qabalaha Yoocaale kuwaas oo dhexmaray jabhada ONLF iyo Al-Itaxaad markii dambana ay isla jiidheen ciidamada qaranka ee dalka halkaasna ay aad ugu wax yeeloobeen labada jabhadood.

Jijiga
Kilil5 Online