Ethiopia:DHAMBAAL GUUD OO KA SOO BAXAY SHIRKII BEESHA GERIKOOMBE EE WAQOOYIGA AMEERIKA
BAAQ GUUD
DHAMBAAL GUUD OO KA SOO BAXAY SHIRKII BEESHA GERIKOOMBE EE WAQOOYIGA AMEERIKA OO KADHACAY:Minneapolis, Minnesota
July, 5th through July 6th, 2008
Beesha Geri oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee degaanada ku leh dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana had iyo jeer u heelan nabadda iyo wax wada qabsiga ku aadan horumarinta danaha guud ee shacbiga soomaliyeed, ayaa shir si heer sare leh loo soo agaasimay ku yeelatay magaalada Minneapolis ee gobolka Minasota bisha Juyl 5th ilaa July 6th, 2008.
Shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen odayo dhaqameedyada, wax garadka, aqoonyahanda, culumaa’udiinka, haweenka iyo dhalinta qurbo joogta beesha Geri ee Waqooyiga Ameerika, ayaa waxaa lagu lafa guray danaha guud ee beesha. Shirkaasi waxa khadka teleefanka ku jiray xubno ka tirsan beesha oo ka socday degaano ka tirsan Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Yurub, Canada iyo Ustaraaliya. Beeshu waxay shirkaas ka soo saartay bayaanka hoos ku qoran:
i. Beesha Geri ee Waqooyiga America waxa ay si buuxda u taageeraysaa qorshe nabadeed lagu raadiyo danaha guud ee deegaanada Soomaaliyeed ee Geeska Afrika gaar ahaan deegaanada Itoobiya iyo Soomaaliya.
ii. Beesha Geri ee Waqooyiga America, iyadoo si buuxda u taageersan nidaamaka federaliga ah ee Ethiopa, waxay dhiiri galinaysaa sidii jid nabad ah loogu raadin lahaa xuquuqaheeda ka maqan
iii. Beeshu waxay xooga saaraysaa sidii loo abuuri lahaa 8wama loo xoojin lahaa iskaashi guud iyo wada shaqayn jootgo ah oo u dhaxaysa beesha Geri iyo beelaha kale ee ay ood wadaagta yihiin
iv. In odayo dhaqmeedyada, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo hantleyda beeshu ay si buuxda uga wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa kaalinta beesha Geri ee degaanada ay ka soo jeedaan, isla markaana beeshu xubin mug leh uga yeelan lahayd saamiga siyaasadeed ee degaanada ay degto.
v. In dadka ku abtirsada beesha Geri ay xooga saraan sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen horumarinta deegaanada beesha ee ku kala baahsan dalalka geeska Afrika sida Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo xooga saaraya dhinaca waxbarashada, horimarinta beeraha iyo xoolaha nool.
vi. In la xoojiyo xidhiidhka iyo wada tashiga u dhexeeya beesha Geri Dal iyo dibadba.
vii. In qurba joogta beesha Geri ee Waqooiyga Amerika u dirito wafti wada tashi deegaanada beesha ee Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya.
viii. In shir joogta ah oo sanadle ah qurba joogta beesha Geri ee waqooyiga Amerika ay yeelato, kaasi oo dhici doona hadii Allaha awooda lihi ogolaado bisha July horaanteeda sanad kasta.
Waxa ay beesha Geri u mahadnaqaysaa dhamaan marti sharaftii ka socotay beelaha Soomaalyeed ee ka qayb gashay xafladdi furitaanka shirka.
Waad Mahadsantihiin
Madaxa Gudida Gerikoombe Ee Waqooyiga Ameerika Dr: Xasan Cabdullahi ducaale
Official email: gericommunity2007@hotmail.com
Ansixin guud: Dhamaan Xubnah Gudida Geri Ee Waqooyiga Ameerika (13)



IslamOnline












