Ethiopia:Warbixin guud oo ku saabsan maciishada, xoojinta nabadgalyada, maamul wanaajinta, iyo madax sare oo xilalkii lagaqaaday
Jijiga(Kilil5)----Waaxaa baryahan dambe isasoo taraayay kor u kicida
Qiimaha maciishada guud ahaan dalkan Itoobiya gaar ahaan deegaankan ay
soomalidu degto. Inkastoo uu dalku aduunka intiisa kale laqabo
qaaliyawga maciishada hadana deegaanka soomalidu wuxuu kaga duwanyahay
deegaanada kale ee Itoobiya isticmaalka waxyaabaha dibadaha laga soo
dhoofiyo oo la odhan karo 80% ayay ku tiirsanyihiin Raashinka iyo
Waxyaabaha kale ee wadamada kale ay kala soo dagaan gaar ahaan
Jamuuriyada Somaliland. Qoomiyadaha kale e Itoobiya ayaa iyagu kolkii
horeba aan aad ugu tiirsanay waxyaabaha kasoo gala wadamada kale.
Qiimaha maciishada gaar ahaan Raashinka ayaa qiimihiisu uu sadex
jibaarmay guud ahaan deegaanka. Abaaro daba dheeraaday awogood ayaan
deegaanku helin kayd midho ama dalag u go’ay oo ay kubadalan kari
lahaayeen Raashinka ay wadamada kale kala soo dagaan. In kastoo uu
bilihii lasoo dhaafay uu deegaanka ka da’ay roobab aan wawaynayne hadana
waxaa sideedii u jirta abaartii, iyadoo roobabkii yar yaraa iyo naqii
yaraa markiiba ay cagta mariyeen xoolihii iyo reer guuraagii abaarta la
daalaa dhacaayay oo hadba meesha ay daruuri ka hoorto ku soo xoomaayay.
Inkastoo ilaa hada uu roobku ka da’da o gobolkan Jijiga hadana waxaa
abaaro laga soo sheegayaa dhamaan gobolada kale ee deegaanka. Roobabkii
yaraa ee ka da’ay deegaanka ayaad moodaa in sababeen in xukuumada
deegaanka iyo Haayadaha Caalamidguba inay indhaha ka jeediyaan abaarihii
jiray oo wali halkoodii ka sii socda.
Xukuumada ayaa iyadu dhawrkii bilood ee lasoodhaafay waxay aad ugu
mashquulsanayd shirar kala duwan oo ubadnaa dhinacyada Horumarka
deegaanka Iyo Nabadgalyada. Shirar isdaba jooga ayaa ilaa hada
kasoconaaya Caasimada deegaanka ee Jijiga kuwaas gaar ahaan xukuumadu ay
ugu talogashay sidii ay xididada ugu siibilahayeen ururada nabadiidka ah
ee hortaagan horumarka deegaanka. Kililka waxaa dhawrkii bilood ee lasoo
dhaafay laga fuliyay Dib u habayn dhinacyo badan taabanaysa, sida dib u
habaynta shaqaalaha oo la isku waafajinaayay shaqada iyo shaqaalah. Awal
hore waxaa deegaanka kajiray in aan laxaqiijin jirin sidii la isu
waafajinlahaa shaqada iyo shakhsiga lagu qoraayo. Waxaa maah maah ka
noqotay deegaanka in qofkii wasiir ama garab adagi u joogo kaliya uu ka
shaqaaloobo deegaanka. Hadaba si wax looga qabto dhibaatooyinkii jiray
loona saxo ayaa waxay xukuumadu bilawday inay shaandhayn kor iyo hoosba
ah ku samayso shaqaalaha heer deegaan. Inkastoo shirarkii dib-u-habaynta
shaqaalhu u dhamaaday ma jirto wali wax natiijo ah oo laga soosaaray,
waxaa sidoo kale garbsocda shaqaalaynta dad aad u tiro badan oo laga
uruurinaayo dhukumatiyadooda kuwaas oo lafilaayo in lagu soo buuxindoono
boosaskii shaqaalihii hore shaqada looga eryay iyo kuwa hada lafilaayo
in laga eryidoono. Intii ay shirarku socdeen waxaa xilalkii ay hayeen
laga qaaday xadhigna loogu daray madax-xafiiseedyo iyo shaqaalebadan oo
kale kuwaas oo dhamaantoodba lagu eedeyay inay ku lug lahaayeen arimo
musuq-maasuq iyo Nabadgalyo daraba. Waxaa sidoo kale la sheegayaa in
dhawr madax-xafiiseed oo kale xilkii laga qaaday balse ilaa bari
isniinta ay soo baxayaan waraaqahoodii erigu. Madaxdan ayaa waxaa ka
mida Madax-xafiiseedka Kuliyada Macalimiinta Mr. Bare, madax xafiiseedka
Machadka farsamada gacanta iyo Biyaha Mr. Cabid Madoobe, Wasiirka
Warfaafinta iyo Dalxiiska Mr. Nuur, waxaa sidoo kale la sheegayaa
Madixii shaqaalaha iyo arimaha maamulka ee xafiiska madaxwaynaha oo
isagu qori jiray waraaqaha eriga masuuliyiinta isaga laftiisa ay
qorantahay warqadiisii erigu waa Nuur Gaaranee.
Dadbadan ayaa waxay saadaalinayaan in dadaaladan farahabadan ee ay
xukuumadu samaysay in laga gaadhi doono midho waxbadana ay ka badali
doonto arimaha horumarka deegaanka iyo nabadgalyadiisaba. Hogaanka
Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada Mudane Cabdi Maxamed Cumar(Cabdi
Ilay) iyo Hogaanka Abaabulka Mudane Daa’uud ayaa iyagu hada kusugan
magaalada Dhagax-buur ee casimada gobolkaas halkaas oo uu ka dhacaayo
shirwayne aad u balaadhan kaas oo ay ka soo qaybgaleen odayaal kabadan
500 oo oday. Shirkan oo looqabanaayo Beelaha daga gobolkaas marka laga
reebo Isaaq ayaa lagu lafaguri doonaa arimaha amniga guud ahaan
deegaanka iyo gaar ahaan gobolkaas oo ay aad u ragaadiyeen
dhibaatooyinka la xidhiidha nabadgalyo darado.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline












