Ethiopia: Muwaadiniin barnaamijka DDP ugu deeqay 2000 dollars
Muwaadiniinta kala ah Axmedkhayr Cabdi Ibrahim iyo Cali Sh. Maxamed Aadan ayaa
barnaamijka Horumarinta Dhanaan ugu deeqay lacag gaadheysa $2000 oo Mareykan ah
iyagoo bixiyey min $1000 taasoo muwaadiniintu ugu talo galeyn inay qeyb kanoqoto
dadaalka ay hawlwadeenada Barnaamijka Horumarinta Dhanaan(DDP) ku howlanyihiin ee ah
sidii dugsi sare looga hir gelin lahaa magaalada Dhanaan.
Axmed iyo Cali oo ah Muwaadin u dhalatey magaalada Dhanaan haatana kunool dalka
Australia gaar ahaan magaalada Melbourne ayaa runtii muujiyey wadaninimo, masuuliyad
iyo xilkasnimo dheeraad ah iyagoo runtii ah muwaadiniin aad u daneenaya waxtarka
umadooda muujiyeyna ficil taariikhi ah. Jaaliyada reer Dhanaan ee Australiya ayaa
iyaguna ka qeyb qaatey barnaamijka dhismaha dugsiga sare, laakiin waxaa xusid mudan
in la xuso dadka sida gaarka ah dhaqaalaha badan ugu deeqay dhismaha iskuulka.
Labadan Muwaadin oo ah kuwo safka hore kaga jira waxtarka danta guud ee umada ayey
taariikhda Dhanaan kuxusi doontaa baal dahab ah.
Waxaan ilaahay uga rajeynaynaa in hantidaa ay ku deeqeyn ajar iyo xasanaat ilaahay
kasiiyo wax ka khayr badana ilaahay ugu badalo.
Maamulka DDP
Contact:maamulkaDDP@googlemail.com



IslamOnline











