Ethiopia: ONLF Oo Jidka u Gashay Mas'uuliyiinta Degmooyinka Salaxaad iyo Shidaalka Oo jijiga Layn loogu Jiro

07/09/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Wararka naga soogaadhay gobolka Fiiq ayaa sheegaya in
qaarkamida maamulada degmooyinka Salaxaad, Laga-hida iyo Fiiq dhawr
cisho kahor ay jabhada ONLF u gashay jidka iyagoo kabaxay Gindhidh.
Maamuladan ayaa lasheegay inay u sii jeedeen dhanka degmooyinkaas,
waxayna wateen baabuur iyo qoryo fudud. Maamulkan ayaa kadib markii la
hareereeyay aan wax isdifaaca muujin horena iska dhiibay halkaana waxaa
la sheegayaa in hub ilaa 40 qori gaadhay laga qaatay iyo lacagba.
Maamuladan aya waxaa la socday ayaa la sheegay Gudoomiyihii gobolkaa,
waxaana dhamaantoodba lagu xidh-xidhay Gadhidh markii ay ku soo laabteen
iyada oo sabab looga dhigay inaysan muujin wax isdifaacida iyagoo watay
hub kufilan inay iskaga celiyaan shuftada Jidka u gashay waa sida aanu
wararka ku helaynee.

Dhanka kale waxaa maalmahanba kala go’naa shidaalka gaadiidka taasoo
laga dareemaayay kaalmaha shidaalka magaladan Jijiga oo ay baabuurtii
safaf dhaadheer ugu jiraan xidheena qaar kamida jidadka magaalooyinka.
Shidaalka ayaa Qiimihiisu kor u sii kacaa marka uusidan oo kale u kala
go’anyahay taasina waxay sababtaa in guud ahaan maciishadu ay cirka isku
shareeto. Xafiiska Gaadiidka, Ganacsiga iyo warshadaha ayaa waxyaabihii
qiimayntii dhawaan shaqaalaha heer deegaan looqbtay lagu eedeeyay inay
kantarooli kari waayeen ama ay dajinwaayeen sixirbararka ka jira
deegaanka kaas oo badidiisa ay sabab u tahay kaalmaha shidaalka oo si
sharci daro ah qiimaha u kordhiya mararka qaarkoodna si ay qiimaha u
dalaacan shidaalka u kala gooya ama yareeya.

Jijiga
Kilil5 Online