Ethiopia: Fawzi Cali Cabdi oo ciidamda Faderaalku kalabaxeen Jeel kii u ku xidhnaa
Jijiga(Kilil5)---Fowzi Cali Cabdi oo ahaa oday dhaqameed dhawaan lagu soo eedeeyay inuu xidhiidh adag la lahaa jabhada onlf ka dibna ay maxakamada gobolka jijiga ay ku xukuntay 22 sano oo xadhiga ayaa shalay ciidamada qalabka sida ee faderaalku kala baxeen jeelkii uu ku xidhnaa ee Jeel Ogadeen. Lama garanaayo sababta ay ula baxeen lamana oga ilaa hada meel uu ku suganyahay. Laba cisho ka hor ayaa ciidamadu ay tageen jeelkaas si ay ula soo baxaan qaar kamida maxaabiista gaar ahaan Fawzi balse ciidamadii asluubta ee ilaaliya jeelkaas ayaa iska hortaagay inay ciidamadu galaan jeelkaas halkaasna khilaaf yar ayaa ka dhashay kadib rasaas ayay labadii ciidan is huwiyeen waxaana dhaawacyo fududi ka soo gaadhay qaar kamida maxaabiistii halkaas ku xidhnayd iyo qaar kamida ciidamada asluubta.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











