Ethiopia: dhawr qof oo ku dhawacantay Rasaas ay iswaydarsaden Cidanka Faderalka Iyo Boliska Asluubtu

07/06/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---waxaa shalay toole uu khilaaf dhexmaray ciidamada dawlada faderaalka iyo ciidamada Asluubta ee Jijiga kuwaas oo is rasaaseeyay. Ciidamada faderaalka oo hubaysan ayaa tagay Jeelka layidhaa Jeel ogaadeen oo dhanka waqooyi bari kaga yaal magaaladan Jijiga iyaga oo sida lasheegay rabay inay la soobaxaan qaar kamida maxaabiista ku xidhan halkaas balse ciidamadii asluubta ee goobtaas ilaalinaayay ayaa iska hortaagay inay galaan jeelkaas halkaasna khilaaf ayaa ka dhashay rasaasna waa la iswaydaarsaday.

Majiraan wax ku dhintay balse waxaa la shegayaa in dhawr qof oo isugu jira maxaabiistii halkaas ku xidhnayd iyo qaar kamida ciidankii asluubta ee ilaalinaayay jeelkaas inuu dhaawac ka soo gaadhay hadana lagu dawaynaay dhakhtarka dawlada ee Kaaraamardha. Lama garanaayo sababta ay ciidanku u raadinaayee ama u doonayeen maxaabiista halkaas ku xidhan balse waxaa laga yaabaa inay rabeen inay su'aalo waydiiyaan, marmarna waxaa dhacda inay maxaabiista u kaxaystaan si ay u soo jidh-dilaan.

Jijiga
Kilil5 Online