Ethiopia: Masuuliyin Xilalki ay hayen laga qaaday iyo Qar lamagacabay
Jijiga(Kilil5)---Madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida mudane Cabdulaahi Xasan ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii PCDP da Cabdirashiid Sheikh Cali. Cabdirashiid ayaa shirkii shaqaalaha heer deegaan looga soo jeediyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-Itaxaad taageerana uu u yahay, Cabdirashiid oo ah xildhibaan ayaan isaga la xidhi balse la filayaa in xasanada laga qaadi doono si ay usuuro gasho xidhitaankiisu Madaxwaynu wuxuu Xafiiskaas u magacaabay Cabdiraxmaan Rayid. Sidookale Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi gudoomiyaha xisbiga talada haya ayaa isagana loo dhiibay Hogaanka Xafiiska Kobcinta awooda oo hore uu hogaan uga ahaa madaxwayne ku xigeenka deegaanka mudane Jaamac Axmed Jaamac oo isaga lagu eedeeyay karti daro badan. Jaamac oo ah madaxwayne ku xigeenka deegaanka ayaan isagu wax saamayn iyo awood toona ku lahayn jaangoynta siyaasada deegaanka madaxwaynaha deegaankuna isaga oo kuxigeenkiisu joogo ayaa marka uu meel u baxaayo wuxuu wakiilan jiray wasiirka caafimaadka Dr. Axmed taasina waxay kutusaysaa karti darada lagu eedeeyay ku xigeenka madaxwaynaha.
Waxaa kale oo lafilayaa Xoghaya Xisbiga Dumuquraadiga shacbiga soomalida waa xisbigan talada hayee mudane Axmed Carab in loo magacaabo hogaanka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha. Waxaa dhawaan bilawgii shirkii shaqaalaha deegaanka laxidhay wasiirkii maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha Bashiir Cabdulaahi oo isaga lagu eedeeyay inuu hanti aad u farabadan lunsaday iyo inuu taageero siiyay baxsigii xubin ka tirsanaa jabhada ONLF oo la odhan jiray Xaliye, kuna taageeray lacag kaas oo ka soo jeeday qoyska wasiirka. Hogaanka maaliyada Iyo Horumarinta dhaqaalah mudane Cabdiraxmaan Xuseen oo ah nin ku xeel dheer arimaha dhaqaalaha ayaa maadaama xilkii laga qaaday wasiirkii kala waday shaqada in loo dhibo booskii bashiir laga qaaday ee Wasiirka Maaliyada iyo Horumrinta dhaqaalaha. Waxaa sido kale xafiiska xisbigu ay wadaan dadaalo ay ku shaqaalaynayaan dhamaan ardayda wadanka gudihiisa ka soo baxday ee haysata shahaadooyinka degree ga iyo diploma iyagoo ku magacaabaya boosaskii shaqaalaha tirada badan uu ka eryay barnaamijkii dib u habaynta shaqaalaha heer deegaank. Waxaa lagu xigsiindoonaa shaqaalaynta ardayda ka soobaxday wadanka dibadiisa, waxaana lafilayaa in natiijada meelaynta shaqaalahan iyo shaqo ka qaadista dadyowgii lagu eedeeyay kartidarada iyo arimaha nabadgalyada shirkii shalay ku lagu soo gaba-gabeeyay magaalada jijiga in la soo saaro todobaadan fooda inagu soo haya.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











