Ethiopia: Baaq laga soosaaray shirkii shaqalaha heer degan oo maanta lasogabagabeyay iyo shirar kale oo manta qabilada u
Jijiga(Kilil5)---waxaa maanta galinkii dambe lasoo gabagabeeyay shirarkii shaqaalaha heer deegaan uga soconaayay magaalada jijiga ee casimada deegaanka. shirarkan oo mudo dhawr todobaada ka socday magaalada ayaa lagaga lagu qiimaynaayay dhamaan shaqaalaha heer deegaan iyada oo lagu salaynaayo qiimaynta dhanka horumarka iyo Nabadgalyada. intii shirarku ay socdeen ayaa waxaa shaqaale kala duwan loosoo jeediyay eedaymo kala duwan oo ay kamid ahaayeen lunsi hanti qaran, xilgudasho waa, musuq-maasuq iyo arimo la xidhiidha nabadiidnimo. shaqaale tiro badan ayaa iyaga nabadiidnimo loo fashiliyay halkaas oo qarkamida masuuliyiintii iyo shaqaalihii kale ee nabad-diidnimada lagu soo eedeeyay badidooda jeelka la dhiga
Hadaba shirarkan oo mudo todobaado ah qaatay in lagu dhamaystiro qiimaynta shaqaalaha si shakhsi-shakhsi ah ayaa maanta galinkii dambe lasoo gaba-gabeeyay. Xukuumadii iyo shaqaalihii ka qaybqaadanaayay shirarka qiimaynta ayaa soo saaray baaq ka koobnaa 9 qodob oo lagu taageeraayay shirka iyo inay shirar noociisan oo kala ahi lixdii biloodba mar la qabto. waxaa kamid ahaa qodobadan
1. inay cadaatay shaqaalaha deegaanka ay ka tirsanyihiin xubo ay nabadiidku ku adeegtaan kuwaas oo carqalad ku noday horumarka deegaanka.
2.inay la daqaalami doonaan musuq-maasuqa iyo xoogaga nabadiidka sida jabhada O, al-Itaxaad, maxaakiimta,alshabaab iyo daba dhilifka Eretaria.
Dhanka kale waxaa maanta isna magaalada jijiga ka furmay shir loo qabanaayay qabiilada degaanka ku dhaqan. Qabiilada ayaa gaa-gaar loo kala shirinayaa waxaana xooga la saarayaa arimaha nabadgalyada sidii loo cidhibtiri lahaa dhaq-dhaqaaqyada nabadiidka ee ka hawlgala degaanka. Sadax qabiil oo mida qabiilada dagan deegaanka ayaa shirkoodu bilaabmay maata waxayna kala ahaayeen Qabiilada Abaskuul, Gari iyo Isaaq oo shirka kukala galaayay hoolal shirar oo kala duwan iyada oo qabiilkasta uu shir gudoon u yahay xubinada qabiiladaas ugu jira xisbiga, sida qabiilka Abaskuul oo uu shir gudoominaayay gudoomiyaha Xisbiga D.SH.Somaaliyeed mudan Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi. waxaa isaguna halkiisii kasiisocda shirkii ganacsatada loogu hayay hoolka shirarka ee sayid maxamed Cabdulle xasan.
Dhanka kale wararka aanu ka helayno gobolka dhagaxbuur ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday gudomiyihii Gobolkaas Ibraahim Diriq. Gudoomiyahan ayaa dhawr bilood uun ka hor loo dhiibay jagadan waxaana hada lagu soo eedeeyay xilgudasho daro, karti daro iyo inuu waxa uusan ka qaban arimihii nabadgalyada ee gobolkaas oo lafilaayay inuu wax wayn ka badali doono.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











