Jamiil Muxumed Gaas iyo Xamow oo lasooqabtay kadib markii ay ka baxsadeen degaanka laba bilod ka hor

06/24/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil)----Jamiil Muxumed Gaas oo hore u ahaan jiray Hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada iyo Xamow oo ahaa Hogaanka Ganacsiga ,Gaadiidka iyo Warshadaha oo dhawr bilood ka hore ka baxsaday deegaanka kadib markii laga qaaday xasanadii iyo xilkii ay hayeen ayaa laga soo qabtay iyaga oo ku dhuumaalaysanaaya Addis Ababa. Labadan nin oo saamayn wayn ku lahaan jiray siyaasada deegaanka kana mid ahaa dadka ugu awooda badan ayaa waxay xukuumadu ku eedaysay inay ku jireen hawlo nabadiidnimo iyo inay hortaagnaayeen horumarka deegaanka isla markaan lunsadeen hantidii dawlada iyo waliba inay ka qayb qaateen falal argagixisanimo sida qaraxyadii ka dhacay magaalada Dhgaxbuure. Labadan nin oo qabashadooda ay iska kaashadeen nabad sugida deegaanka iyo tan faderaalka ayaa shalay loosoo gudbiyay magaalada jijiga halkaas oo lagu xidhay mid kamida jeelasha magaalada.

Jijiga
Kilil5 Online