Ethiopia: Guntii iyo gaba-gabadii shirkii shaqaalaha deegaanka
Jijiga(kilil5)--Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ka soconaayay magaalada jijiga ee casimada deeganka shir kolkii hore loo qabtay shaqaalaha deegaanka gaar ahaan kuwa heer kilil oo lagu qiimaynaayay waxqabadkooda xaga horumarka iyo dhanka nabadgalyadaba, balse shirkii oo markii dabe u balaadhay dhanka nabadgalyada ayaa waxaa si qoto dheer loo dhex galay shaqaalaha guud ahaan deegaanka iyo dadka kale ee shacabka kuwaas oo qaar badan lagu fashiliyay inay taageero iyo cilaaqaad laleeyihiin jabhadaha ka dagaalama deegaanka. Intii uu shirku soconaayay ayaa xabsiga loo taxaabay dad aad u tiro badan oo isugu masuuliyiin, dad shacab ah iyo shaqaale kaleba kuwaas oo dhamaantood lagu soo eedeyay . waxaa shirka kasoo qaybgalay gudi ka socotay xafiiska cadaalada ee deegaanka kuwaas oo u kuurgalaayay eedaymaha loo soojeediyay dadkaas si ay markhaatiyo ugu helaan marka la horkeeno maxakamada. Waxaa la sheegayaa in durba qaarkamida dadkii la xidh-xidhay maxakamad la soo taagay.
Inkastoo uu shirkii dhamaaday hadana gudigii qaban qaabada shirka ee daadihinaysay shiru waxay ku hawlan yihiin sixitaanka dad aad u tiro badan oo ay diiwaan gashadeen intii uu shirku socday. Sixitaankan ayaa isugu jira in laga saxo khaladaadkii dhacay iyo dadkii aan iyagu waxba galabsanin ee si khaldan loogu soo eedeeyay inay nabadiidka xidhiidho kala duwan laleeyihihiin iyo fashilinta xubnaha xaqiiqda lagu hayo iyo sidii ay cafis u waydiisan lahaayeen dawlada ulana shaqayn lahaayeen hada wixii ka dambeeya. Waxaana la filayaa in axada soosocota laqabto shirkan oo kale ah kaas oo lagu soo bandhigi doono go’aamadii shirka, waxaa kale oo ay gudigu sheegeen in shirkan oo kale lixdiibiloodba mar laqaban doono.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











