Ethiopia: Masuulyin la xidh-xidhay Qimaynti Xafisyada kadib iyo Dagaal khadhaadh oo ka dhacay Dhoobowan iyo Dhuxun
Jijiga(Kilil5)---Sida aad wararkayagii hore nagala socoteen waxaa jiray shir ay dhamaan shaqaalaha deegaanku ku lahaayeen caadsimada deegaanka ee jijiga laguna qabtay hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Shirkan oo lagu qiimaynaayay xafiisyada deegaanka ayaa ilaa shalay xafiisyada la qiimeeyay dhanka nabadgalyada waxaa kamid ahaa Xafiiska Shareecada Islaamka iyo Majliska Shuurada kuwaas oo si ka duwan xafiisyadii hore loogu soo eedeeyay inay shaqaalahaasi isugu jiraan taageerayaasha Jabhada ONLF, Al-Itaxaad iyo Tadaamul. Shaqaale katirsanaan jiray xafiiska hase ahaatee dhawaan shaqadii laga qaaday ayaa shirka ka soo bandhiga magacyada shaqaale farabadan oo uu ku eedeeyay dhamaantood inay xidhiidh toosa laleeyihiin Al-Itaxaad iyo Tadaamul. Ninkan soo jeediyay magacyada ashkhaastaas oo magiciisa la yidhaa Nadiir Sayid iyaa isagu dariiqo ahaan waxaa naloo sheegay inuu ahaa Qaadiriya, waxaanu dadkan kale dhamaantood ku soo eedeeyay inay yihiin Al-Itaxaad iyo Tadaamul wuxuuna soo dhigay cadaymo cad-cad. dadkan eedaymaha loo soo jeediyay ayaa waxaa kamid ahaa Madaxa Xafiiska Sh. Axmed Khuuriye, Hogaanka golaha golaha islaamka Sheekh Cumar Dhuuxwayne,xubin ka tirsanaa golaha islaamka Sheekh Axmed aabi oo isaga sitoosa uu ugu cadeeyay inuu ka tirsanaa Tadaamulka kana qaybgalay dagaalo badan, hadana uu wali mabda'oodii haysto.
Sidoo kale Madaxa xafiiskaas Sheekh Axmed khuuriye oo isagana uu nadiir kutilmaamay inuu xidhidh la leeyahay al-itaxaad ayaa isaguna dhankiisa wax ka taataabtay dadkan lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin wuxuuna sitoosa ugu cadeeyay in sheekh axmed aabi uu yahay xubin adag oo xidhiidh laleh al-tadaamul, wuxuu sidoo kale sheegay inuu isagu waxan la sheegaayo bari kayahay baadhitaan iyo dadaal dheeriyana ka gali doono ladagaalanka iyo fashilinta xubna ku qarsoon xafiiskiisa.
Shalay galinkii dambe ayaa sidookale qiimayn lagu sameeyay xafiiska waxbarashad, xafiiskan ayaa dhamaantood waxay isku raaceen Wasiir ku xigeenka xafiiskaas Idriis inuu yahay Xubin firfircoon oo al Itaxaad isla markaana uu hanti badan oo uu xafiisku lahaa iyo xogba ugu deeqay Al-Itaxaad. Idriis ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xidhiidh adag la leeyahay Adeerkii oo hada ka hor Wasiir ka ahaan jiray deegaanka kadibna lagu eedeeyay Al-Itaxaad una baxsaday Wadanka Ereteria hadana ku jira Golaha dhexe ee Itaxaadka dhawrr goorna warar kala duwan siiyay Idaacada BBC da iyo Qaarkale. Idriis waxaa kale oo lagu soo eedeeyay aflagaadooyin uu u gaystay dawlada Itoobiya iyo Horumarka oo uu hor istaagay.
Hadaba intii uu shirku socday waxaanu halkan ka soo gudbinay xubno lagu kala eedeeyay ONLF iyo Itaxaad inay gacan saar la leeyihiin ha u dambeeyaan kuwan aan hada halkan ku soo sheegnay. Laga bilaabo habeen hore ayaa dawladu waxay qaaday talaabooyin ay ku xidh-xidhayso xubnahan sida qaawan loogu so eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin labadaa jabhadood. dadkan waxaa kamida:-
1. Wasiirkii Beeraha Abdirashiid Shariif
2. Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Abdiraxmaan dheere
3. Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Idriis
4. Sheekh Axmed Aabi
Waxaa saakha sidoo kale la qiimeeyay xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha iyo kan dakhliga. Wasiirka Maaliyada mudane Bashir Cabdulaahi ayaa isagana si toosa loogu eedeeyay inuu gacan saar iyo taageeraba la garabtaagnaa jabhada ONLF. wasiirka waxaa lagu soo eedeeyay inuu lacag iyo Baxsashadiisaba gacan ka gaystay xubin ka tirsanaa jabhada oo qabiil ahaan ay isxigeen oo ay Jamuuriyada soomaaliland u soo gudbisay dawlada Itoobiya laguna xukumay 15 sano. Xubinkan oo magaciisa la odhan jiray Xaliye oo ka tirsan dadka ugu magacadheer jabhada ONLF ee ka soo jeeda gobolka dhagaxbuur ayaa bashir lagu eedeeyay inuu gacan ka gaystay baxsashadiisa, waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu lunsaday hanti aad u badan iyo inuusan wax talaabo ahka gaysan la dagaalanka jabhada. Waxaa la filayaa bashiirna in sida ugu dhakhsaha badan xabsiga loo taxaabi doono. waxaa sidoo kale xubo xafiiska ka shaqeeya loosoo jeediyay eedaymahan taageerada oo kale.
Dhanka kale Warar aanu saaka ka helnay Degmooyinka Dhuxun iyo Dhoobowayn ayaa sheegaaya in ay xalay labada degmo jabhada ONLF dagaal xoogan ku soo qaaday. wararka magaalada jijiga la isla dhexmarayaa waxay sheegayaan in ay dhimashadu 70 kor u dhafayso dadkana ay u badan yihiin dad shacab ah hase ahaatee masuuliyiin kale oo badanina ay ku dhimatay aagaas. Hogaanka Nabadgalyada mudane Cabdi Ilay iyo Shir gudoonka Daauud ayaa saaka waxay shirka ka sheegeen in ay jabhadu falal gaadma ah ay ku sameeyeen degmooyinkaas dad masaakiina oon waxba galabsana ay ku laayeen. waxa ay intaas ku dareen in dadka ku dhintay Dhuxun ay ku jiraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Kaabineedka degmadaas, halka ay dhoobowayn ku dhinteen sadex qof oo shacaba ONLF tana laga dilay 15 qof. Xogta aanu magaalada ka helayno ayaa sheegaaya iyagu in 70 ay dhimashadu kor u dhaafayso xubnaha kaabineedka ee dhintayna ay gaadhayaan 7. waxaa la sheegayaa in wali uu dagaalki aagaas ka soconaayo xukuumaduna maysan cadayn wax ciidamo dheeraad ah oo ay aagaas gurmad ahaan ugu direen.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline












