Ethiopia: Shirkii shaqalaha deeganka oo Wajigisii 2AAD ee dhanka Nabadgalyada la Galay
Jijiga(Kilil5)---Shirkii shaqaalaha heer deegaan uga socday magaaladan jijiga oo isugu jiray dhanka horumarka iyo Nabadgalyada ayaa shalay la galay wajigiisii labaad ee dhanka nabadgalyada. Xafiiska Biyaha oo ahaa xafiiskii qiimaynta dhanka nabadgalyada lagu bilaabay shalay galinkii dambe ayaa waxaa shir gudoonkii uu xafiiska u soo jeediyay inay iskood isu fashiliyaan taageerayaasha jabhada ee ka shaqeeya xafiiskaa inta aan loo soo dhigin ama aan shaqaalaha hortooda laga soo jeedinin liis dheer oo uu hogaanka nabadgalyada iyo arimaha cadaaladu ka soo ururiyay dadkan iyaga ah. waxaa sidoo kale wajigan hordhac looga dhigay khudbad dheer oo uu shir gudoonku ka codsaday culima awdiinga ka socday xafiiska shareecada islaamku inay bal shaqaalaha dawlada iyo dadkan ka soo qaybgalay shirka in ay jabhada ONLF dariiqa dhabta ku taagan tahay iyo inay baadil ku socdaan. waxaana ka mid ahaa qodobada mudane Da'ud uu ka codsaday culimadu inay u cadeeyaan
1. Jihaadka jabhadu Ma Xaqbaa?
2.Sakadu ma ku baxdaa?
3.dadka ay laayeeni ma ehlu naarbaa iyagu se ma ehlu janaa?
Sheekh ka mida culimadii ka hadashay ayaa u cadeeyay dadkii ka soo qaybgalay shirka inaysan jabhadu ku taagnay dariiqii saxda ahaa wax jihaada oo ay ku jiraana uusan jirin isaga oo la kaashanaaya soona daliilinaaya xadiisyadii Rasuulka(SCW) iyo Quraanka Kariimakah, waxakale oo uu sheegay inaysan meela jabhadu ka soo galay 8 qodob oo uu sheekhu sheegay inay Sakadu ku bixi karto. Sidoo kale dhamaan dadka ay xaqdarada ku laayeena inay ehlu jano yihiin, jabhaduna dhamaantood Ehlu naariin yihiin Qaadicu dariiqiina.
Hadaba Ma jirin wax shaqaale ah oo si toosa iskood ugu qirtay inay cilaaqaad la leeyihiin jabhada balse qaar ayaa soo jeediyay in shaqaalaha qaarkood ay taageersanyihiin ama ay mabda ahaan ku raacsanyihiin waxa ay jabhadu ugu yeedhay halganka iyo xoraynta dalka ee ay kula jiraan dawlada iyo xukuumada deegaanka. Balse Hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shirka hortiisa ka aqriyay liis ay ku qoran yihiin dad tobaneeye gaadhaaya oo intaba uu u soo dhigay cadaymo uu ku hayo in ay xidhiidh la leeyihiin jabhada. gaba gabadii shirkii shalay galinkiisii dambe ayaa waxay shir gudoonku ka codsadeen xubnahaasi inay sida ugu dhakhsaha badan isu soo saxaa cidii khaladkooda qiratana ay cafiyi doonaan go'aankoodana ay ku soo gudbiyaan shirii xalay shaqaaluhu ay isugu soo noqdeen oo socday isana ilaa 12 xabeenimo ee habeen kala badhka.
Saka ayaa sidii caadada u ahayd waxaa markale shaqaalihii ay isugu soo laabteen hoolkii shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan waxaana qiimayntii lagu bilaabay Xafiiska Ganacsiga Dalxiiska iyo Warshadaha kaas oo ay shirgudoonku soo jeediyeen inuu sida xafiiska biyaha oo kale uuka dhisan yahay unug ama shabakad xidhan oo jabhada toos utaageerta ha ahaato dhan dhaqaale, Xog iyo mid mabaadiiba. Xafiiska oo sidii shirka caadada u ahayd la siiyay fursad ay iyagu isku fashili karaan ayaa qaar kamida shaqaalaha xafiisku waxay ka dhex akhriyeen shirka magacyada qaarkamida shaqaalaha oo ay ku tilmaameen inay yihiin xubno ONLF. Dadkaas lagu eedeeyay inay yihiin xubnaha oo markii dambena uu liiskooda ka akhriyay hogaanku shirka hortiisa ayaa waxaa kamida Wasiir ku xigeenka Xafiiskaas mudane Cabdulaahi Dheere oo lagu tilmaamay inuu yahay gudoomiyaha jabhada u fadhiya xafiiskaas iyo isku xidhka xafiisyada kale. Cabdulaahi dheere ayaa hogaanku uu sheegay inuu hayo Cod uu taleefan warbixin ku siinaayay wasiir ku xigeenku xuno jabhada ka tirsan oo dalka dibadiisa ku maqan. Dadkii meesha laga yeedhiyay ayaa qaarkood aysan joogin shirka qaarna la sheegay inay Kenya u baxsadeen mar horeba balse dadkii joogay ee uu ka midka ahaa wasiir ku xigeenku way diideen oo maysan qaadanin eedaymihii loosoojeediyay ilaa hadana dadka xafiisyada kala duwan looga soo jeediyay inay cilaaqaad iyo xidhiidh la leeyihiin jabhada wali lama hayo wax qaatay oo yidhaa waan isasaxaayaa cafina waydiistay dawlada.
Hadaba shirka oo markii hore la filaayay inuu maanta soo gaba-gaboobo ayaa la filayaa in maalmo dheeraada lagu dari doono oo ilaa arbacada soosocota uu socon doono sababtoo ah fari kama qodna xafiisaydii deegaanka ee looga danta lahaa in laga sifeeyo raadadka jabhada.Waxaa sidoo kale waxaa albaabada looxidhay dhamaan Xafiiyada deegaanka marka laga reebo kuwa ku xidhan Faderaalka iyo Haayadaha aan dawliga ahayn inta uu shirku soconaayo
jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline











