Ethiopia: Xafiiska Caafimadka oo maanta shirkii shaqalaha aad looga amaanay iyo Beeraha oo aad loo dhaleeceeyay
Jijiga(Kilil5)---Shirkii shaqaalaha xafiisyada uga socday magaalada jijiga ayaa shalay galinkii dambe
la isugu soo noqday qolka shirarka ee sayid maxamed cabdule xasan halkaas oo dhawr xafiis oo kale
lagu gam-gameeyay, sida xafiiska dakhliga, xafiiskan ayaa dhaliilbadan loo soo jeediyay shaqaalihiisa
marka laga reebo madax-xafiiska oo isagu ku badbaaday inuu xafiiska ku cusbaa oo dhawaan uun loo
dhiibay. shirkan ayaa xalay maqribkii kadib la isugu soo laabtay hadana iyadoo shaqaalaha xafiisyada
shan-shan xafiis la isu raacinaayay dabadeed gaar gaar iyo shakhsi-shakhsi loo fashilinaayay waa
dhanka horumarka iyo waxqabadka shaqaalaha.
shaqaalahan gaarka loo gam-gamaynaayay ayaa waxaa kamid ah madaxda xafiisyada, agaasinada,
madax-kooxeedyada iyo khabiirada waxaana lagu qiimaynaayay shida uu shaqaaluhu uguto
waajibaadkiisa iyo inay ka go'antahay wax uqabadka umadiisa. waxaa saaka maalinkii sadexaad uu
shirku ka soconaayay isla hoolkii shirarka waxaana qiimayn lagu sameeyay xafiiska xoolaha iyo dalaga
beeraha halkaas oo eedayn iyo dhaleecan badan loosoo jeediyay madaxa xafiiskaas mudane
Abdirashid shariif oo lagu eedeeyay inuu hantidii dawlada ku takri falay iyo in uu xafiisku hanti
gawaadhi uu lahaa ka iibiyay ganacsato gaara. waxaa kale oo madaxa xafiiska iyo maamul iyo
lacagtaba lagu soo eedeeyay inay lunsadeen daawooyin xoolo iyo beeraba kana iibiyeen shakhsiyaad
gaara qaarna somaliland loo dhoofiyay.
Waxaa sidoo kale maanta qiimayn lagu sameeyay xafiiska Caafimaadka, waxaana xafiiskaas si adag u
difaacay isaga iyo shaqaalihiisaba madaxa xafiiskaas mudane Dr. Axmed oo si guud iyo sigaaraba uga
sheekeeyay waxqabadka xafiiskiisa iyo shaqaalihiisaba, waxaana Dr. ka aad loogu amaanay sida wayn
ee uu wax uga badalay shaqada xafiiskiisa mudadii labada sano ahayd ee uu xilka hayay. shir
gudoonkiina iyo guriiba waxay isla qaateen xafiiskani inuu yahay kan ugu shaqada fiican kililkeena
mudadii uu hayay Dr Axmed. waxaase la filayaa sidoo kale in madaxa xafiiska Beeraha in isna talaabo
laga qaadi doono sida ugu dhakhsaha badana xilka looga wareejindoono.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline












