Ethiopia: Wararkii u dambeeyay ee deegaanka
Jijiga(kilil5)---Waxaa shalayto marlabaad maxakamada gobolka la horkeenay maxaabiis ay tiradoodu ka badan tahay 7 qof. Maxaabiistan ayaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Ibraahim Xaad oo ahaa ganacsade aad uga caan ahaa deegaanka lahaan jirayna ciidamo uu kula dagaalami jiray jabhada mucaaradka ee ONLF, kadibna lagu eedeeyay isla jabhaduu la dagaalamaayay inuu gacansaar laleeyahay oo ay heshiiyeen. Xaajiga oo la filaayay shalay in markhaatiyo ay ku marag kacaan ama ku cadeeyaan gacansaarka uu la leeyahay jabhada isla markaan la xukumo ayaa mar labaad la waayay markhaatiyadii maraga ku furi lahaa. Waxaa la sheegaya labo kamida markhaatiyadii loo hayay inay ku markhaati furan oo midi ahaa gudoomiyihii dagmada dhagaxbuur isla markaana labadooduba ay ka soo jeedaan beesha xaajigu uu ka dhashay inay labaduba ka carareen deegaanka.
Labadan nin ka cararay deegaanka lana sheegayo inay u carareen casimada dalka ee Addis ababa ayaa la sheegayaa inay waraysiyo kala duwan siiyeen warbaahinta dalka iyagoo sheegay in lagu khasbay inay markhaati beena ku furaan furan xaajiga. Waxaa sidoo kale shalay qaar maamulka deegaanka kamid ahi ku eedeeyeen labadaa nin inay qaateen guno si ayna markhaatiga u galin. Waxaa sidoo kale todobaadkii hore lakeen cajalado laga duubay gam-game ama shir isfashilin lagu qabtay magaalada dhagaxbuur oo ahaa shirkii koowaad ee xaajiga lagu eedeeyay inuu gacansaar la leeyahay jabhada. Waxaa iyagana lasheegayaa ciidamada dawlada faderaalka oo xaajigu uu gacan wayn ka siin jiray la dagaalanka jabhada ay isyaguna cadaadis ku saareen xukuumada sidii arinka xaajiga meel loo saari lahaa.
Waxaa isna shir maalmahanba uga socday madax-xafiiseedyadii cusbaa ee gobolada Jijiga, Shiniile, Fiiq iyo dhagaxbuur ee uu u hayay xisbiga talada deegaanka hayaa laguna wacyigalinaayay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka iyo nabadgalyada deegaanka. Waxaana si gaara loo dhaariyay madax-xafiiseedyada maaliyadaha iyo gudoomiyayaasha demooyinka.
Dhanka kale waxaa shalay wiil dhalin yaro ah toori lagu dilay badhtamaha suuqa magaalada jijiga. Wiilkan oo maydkiisa salaad hore laga helay badhtamaha suuqa magaalada ayaa la sheegayaa inay tooriyeeyeen gooxo ay xurgufi dhextaalay oo salad hore ugu yimid gurigiisii kadibna ay israaceen dabadeed la is afdhaafay halkaana ay toori ku dileen. Booliska magaalada jijiga ayaa isla markiiba gacanta u soo dhigay gacan ku dhiiglaha aabihii dabadeed u taxaabay xabsiga si ay ugu raad guraan wiilkiisii gacanta gaystay oon ilaa hada meel uu jaan iyo cidhi dhigay la garanayn.
Dhanka kale warar aanu ka helayno aaga Daakhato oo ah dhul ay reer guuraagu dagaan kana tirsan gobolkan Jijiga ayaa la sheegayaa in ay ciidamada dawladu ku dileen 2 qof oo shacaba halka midkalena ay dhaawac ku gaadhsiyeen soodhka qoriga. Wararka ayaa sheegay ciidamada dawlada oo dadkan shacabka ah dhex jooga inay jabhada ONLF rasaas ku fureen, kadib cidamadii dawladu ay dileen labadan nin ee shacabka ah iyaga oo u aaneeyay inay ku soo hageen jabhada.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline













