Ethiopia: Xeerkii Qoyska Dawlada Deegaanka Somalida oo dhamaystiran

05/07/08
Format for printing    

BAYAANKA XEERKA QOYSKA DAWLADA.

DEEGAANKA SOOMAALIDA EE BAYAAN TIRSI ___ 2000

Maadaama qoysku yahay xubinta ugu horeysa ee buishadu ka aasaasanto, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in buishada iyo dawladuba ilaaliyaan, isla markaana ay S00 saaraan xeerar lagu dhaqayo laguna ilaalinayo xidhiidhada qoyska.
Maadaama uu hadda dalkeena ka dhaqan galay nidaamka federaaliga, isla markaana deegaanadu ay awood u leeyihiin in ay S00 saartaan shuruuc ay ku maamulayaan arrimahooda gaar ahaaneed, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in deegaanka soomaalidu soo saaro xeer qoys 00 UU deegaanku leeyahay, xeerkaas 00 ku salaysan hidaha iyo dhaqanka buishada soomaaliyeed, islamarkaana wafaqsan nidaamka iyo shuruucda dalka u degsan;
Maadaama ay muhiim tahay in si cad loo bayaamiyo in guurku uu yahay mid ku xidhan 00 keliya rabitaanka labada qof ee is guursanaaya iyo in ay xuquuq siman u leeyihiin labada ruux ee isqaba mudada guurka iyo marka ay timaado in labada ruux ee isqabay in ay kala tagaan;
Maadaama ay waajib tahay in la dhawro badbaadada, koritaanka iyo ilaalinta caruurta ayaa waxaa muhiim ah in la S00 saaro xeer qoys 00 deegaanku leeyahay, xeerkan 00 si balaadhan u xeerinaya ilaalinta iyo dhawrista xuquuqda caruurta ee lagu xusay dastuurka dawlada deegaanka iyo heshiisyada calamiga ah ee la xidhiidha dhawrista xuquuqda caruurta ee itoobiya ansixisay;
Hadaba iyadoo laga duulayo qodobka 49(3)(b) ee dastuurka dib loo habeeyay ee deegaanka waxaa la bayaaminayaa sidatan:

1 Qodobka 1aad Ciwaan Gaaban
Bayaankan waxaa loogu yeedhi karaa “ Bayaanka Xeerka Qoyska Dawlada Deegaanka Soomaalida ee bayaan tirsi” _____ 2000.
Qodobka 2aad• Mudada Dhagan Galka
Bayaankan wuxuu dhaqan galayaaa laga bilaabo maalinta lagu S00 daabaco Dhool-Gazeta-ha dawdiada deegaanka soomaalida.
Miyaasiya, 2000
Jijiga

2 Cutubka laad
Doonanaanta
Qaybta 1 aad Qodobo Guud
Qodobka 1’ Qeexid
Doonanaansho waa heshiis dhexmara xigtada labada la isu doonayo si ay isu guursadaan ayadoo laga duulayo raali ahaanshahooda.

Qodobka 2aad Habka Doonida

1) Habka doonidu wuxuu noqonayaa mid waafaqsan
dhaqanka labada la isu doonayo ama kan goobta doonista.
2) Doonida waa in ay laba marag goob joog ka ahaadaan.
Qodobka 3aad Mudada Doonanaanta
1) Mudada doonanaantu waa inta lagu heshiiyo.
2) Haduuna heshiis jirin wuxuu noqon mudo maan gal ah.

Qaybta 2aad: Shuruudaha Doonaanta
Qodobka 4aad Shuruudaha Doonanaanta
Shuruudaha doonanaantu waa shuruudaha guurka ee ku xusan cutubka labaad qaybtiisa labaad ee xeerkan.
Qaybta 3aad: Burburka Doonanaanta iyo
Saamayntiisa
Qodobka 5aad. Burburka Doonanaanta
Doonanaantu waxay ku burburi kartaa :-
1) Dhimashada mid ka mid ah labada la isu doonay.
2) kabixida heshiiska doonaanshaha ama
3) Jabinta shuruudaha doonanaanshaha.

3 Qododbka 6aad: Saamaynta Dhimashada
1) Doonanaanshaha ku burbura dhimashada mid ka mid
ah doonanayaasha ama labadaba wax saamayn ah malaha.
2) iyadoo qodobkan qaybtiisa (1) aan la dhowraynin yaradka
waa la celin.

Qodobka 7aad: Saamaynta Ka Bixida Heshiiska
1) Qofka ka baxa heshiiska doonanaanta iyadoo ayna jirin
sabab maan gal ahi waa in uu celiyaa dhamaan maalkii la
siiyay iyadoon loo celinayn wixii ka baxay.
2) sidoo kale haddi maxkamaddu lagama marman u aragto
waxay ku xukumi karta xadhig aan ka badnayn 6 bilood.
Qodobka 8aad: Samaynta Shuruudaha 00 la Jabiyo
1) Marka uu doonanaantu ku burburto shuruudihii doonaanta 00 aan la buuxin awgeed waa in la isu celiyaa dhamaan wixii maal ah ee mudadii doonanaanta la isdhafsaday.
2) lyadoon la dhawraynin qodobkan qaybtiisa (1) Maxkamaddu waxay ka go’aan gaadhi kartaa maalka la isu celinaayo iyada 00 ka duulaysa dhaqanka bulshada.
Qodobka gaad Dib Isu Doonid
Burburka doonanaantu kama reebayso labadii qof may dib isu doonaan.

CUTUBKA 2AAD
GUURKA
Qaybta 1aad :Qodobo Guud
Qodobka 10 aad: Nooca Guurka
1) Guur wuxuu noqon karaa:
B) Mid diimeed
T) mid madani ah.

4 2) Guurka diimeed wuxuu ku dhacaa siwaafaqsan diinta
labada isguursanaysa ama tan midkood.
3) Guurka madaniga ahi waa ka xafladiisu ay ka dhacdo
xafiiska xaaladaha buishada (Offfice of Civil Status).
Qodobka 1 1aad Guurka Meel Kale ka Dhaca
Guurka ka dhaca goob ka baxsan deegaanka siwaafaqsan sharciga goobtaas, wuxuu yeelan aqoonsi sharci, hadii uusan wax u dhimayn moraalka bulshada.
Qaybta 2aad: Shuruudaha Guud ee Guurka Qodobka l2aad: Xidhiidhka Xigtanimo
Qofna ma guursan karo isirkiisa ama tarantiisa sidoo kalena ma guursan karo dadka kala ah eedo, habaryar, adeer, abti, walaal ama taranta kan danbe.
Qodobka 13aad Xidhiidhka Xididnimo
1) Qofna ma guursan karo isirka ama taranta xaaskiisa ama
saygeeda.
2) Nina ma guursan karo xaaskiisa eedadeed, habaryarteed
ama walaasheed inta guurku jiro.

Qodobka 14’ : Xidhiidhka Nuugmada

Dadka wadaaga xidhiidhka nuugmada waxay la mid yihiin dadka wadaaga xidhiidhka xigtanimo.

Qodobka 15 aad: Cayimida Meherka

Gabadha waa in loo cayimaa xilliga guurku dhacayo lacag ama hanti kale.

Qodobka 16aad Raali ahaansho

1) Raali ahaanshaha labada qof ee isguursanaya ayaa
lagama maarmaan iyo shardiba u ah guurka.
2) Iyadoo qodobkan qaybtiisa (laad) la dhawrayo, labada
isguursanaysa waxay samaysan karaan wakiil.

3) Raali ahaanshuhu waa in uu ka madax banaanaado qasab iyo khalad aasaasi ah.

Qodobka 17aad Raali Ahaanshaha Ku Yimid Qasab

Qasab ayaa lagu helay raali ahaanshaha hadii uu qofku ku bixiyey Si UU ubadbaadiyo naftiisa, xigtadiisa, xididkiisa ama cid kale oo xil ka saaran yahay.

Qodobka 18aad Khalad Aasaasi ah

Khalad asaasi ah ayaa ku jira raali ahaanshaha hadii : -
1) lagu khaldamay aqoonsiga qofka.
2) ay soo baxdo in qofka la ogolaaday guursigiisa uu qabay
cudur aan bogsiima lahayn isla markaana halis ama
caqabad ku ah wada noolaanshaha labada qof ama
tarantooda.
3) Qofka la ogolaaday guurkiisa ayna xubnihiisa galmo u
suubanin isutag.
4) Ay soo baxdo in qofka la ogolaaday guurkiisa uu haysto
dim kale.
5) Ay soo baxdo in qofka guurkiisa la ogolaaday uu dhaqan
xun yahay sida khamriyacab, sino iyo wixii la mid ah, 00
damiirka ama diinta qofka kale ay diidayaan.

Qodobka l9aad: Da’da

1) Labada qof ee isguursanaysa waa in ay gaadhaan 18 jir.
2) Iyadoo qodobkan qaybtiisa (laad) la dhawraynin
wasaarada cadaalada waxay ogolaan kartaa guurka qof aan
gaadhin 18 sano iyadoo xeerinaysa badbaadada iyo danta
qofkaas.
3) Arinta ku xusan qodobkan qaybtiisa (2aad) waxaa S00
codsan kara qofka laftiisa ama cida masuulka ka ah.
Qodobka 2Oaad: jiritaanka guur hore (Guur Badan)
1) Jiritaanka guur hore ee u dhaca siwaafaqsan shareecada
caqabad kuma aha guurka hadii uu ninku ku dhaqayo
xaasaskiisa cadaalad iyo sinaan.
2) guurku Sinaba ugama badan karo afar xaas 00 isku mar
ah.

Qodobka 2 1aad : Kala Duwanaanshaha Jinsiga
Kala duwanaanshaha jinsiga ayaa laagama maarmaan u ah guurka.

Qodobka 22’: Cidada

Haweenayda la furay ama laga dhintay dib uma guursan karto inta ay ku jirto cidada.

Qodobka 23aad: Cidada Haweenayda Laga Dhintay

1) Haweenayda laga dhintay mudada cidadeedu waa afar
bilood iyo toban cisho.
2) Iyadoo qodobkan qaybtiisa (laad) la dhawrayo haweenayda
laga dhintay iyadoo uur leh cidadeedu waa dhalmada.
Qodobka 24aad : Cidada Haweenayda la Furay
1) Haweenayda lala galmooday ee la furay furiin dhiman cidadeedu waa sadex caada helid ama seddex bilood ama haday uur leedahay dhalida, haseyeeshee mudadan dhexdeeda way isku noqon karaan.
2) Haweenayda aan lala galmoon ee la furay furiin dhan ama dhiman ciddo ma laha.
3) Haweenayda lala galmooday ee la furay furiin dhan cidadeedu waa sadex caado helid, kuwa caadada aan helina waa saddex bilood, haday uur leedahayna waa dhalmada, kumana noqon karto sayggeedii hore ilaa nm kale ay guursato lanagalmooto.

Qodobka 25aad : Qofka Waali Lagu Xukumay

Qofka maxkamadi ay waali ku xukuntay ma guursan karo hadii aysan maxkamadu ogolaanin guurkiisa.
QAYBTA 3aad: Is hortaaga Guurka
Qodobka 26aad: Is hortaaga

1) Guurka waa la ishortaagi karaa hadii la jabiyey
shuruudahiisa.
2) Guurka waxaa ishortaagi kara labada isguursatay,
xigtadooda, xididkooda, xeer ilaaliyaha ama cidii kale ee uu
saamaynaayo.

Qodobka 27aad: Mudada Is hortaaga

Ishortaaga waa in lagu sameeyaa mudo shan iyo toban cisho gudahood ah laga bilaabo marka la ogaado guurka.

Qodobka 28aad: Qaabka iyo Goobta Is hortaaga

1) Ishortaaga 00 qoraal ah waxaa loo gudbin cida awooda U leh isu guurinta.
2) Iyadoo qodobkan qaybtiisa (laad) La dhawraynin ishortaaga guur diimeedka u dhaca si waafaqsan shareecada waxaa lagu gudbin karaa qaab aan qoraal ahayn.

Qodobka 29aad Go’aan iyo Rafcaan

1) Cida wax isu guurisay ee ishortaaga la horkeenay waa in
ay kaga go’aan gaadho todoba cisho gudahood.
2) Go’aanka uu gaadhay isu guuriyuhu dhinaca aan ku
qanacsanayn wuxuu rafcaan u qaadan karaa maxkamada
awooda garsoor u leh.

QAYBTA 4aad: Guurka Madaniga ah

Qodobka 30 aad: Sargaalka Awooda U leh Guurka
Guurka madaniga ah waxaa awood u leh sargaalka xaaladaha bulshada ee goobta, mid ka mid ah labada isguursanaysa ama isirka midkood ama qaraabo dhaw ee midkood, uu joogto u deganaa ugu yaraan lix bilood ka hor taariikhda guurka.
Qodobka 31 aad: Codsiga Xaflada Guurka

1) Labada isguursanaysa waa may sargaalka ku
wargaliyaan may doonayaan may isguursadaan bil ka hor
taariikhda ay ku tab gashanyihiin.
2) Marka sargaalka uu soo gaadho codsigu waa inuu isaga
00 la tashanaya labada qof uu cayimaa taariikhda guurka,
uuna sida ugu haboon u shaaciyo.

Qodobka 32 aad: Habka Xaflada Guurka

1) Guurku waa iflUU si muuqata u dhaco iyada 00 ay
joogaan labada isguursanaysa iyo markhaatiyadu.
2) Labada isguursanaysa iyo markhaatiyaduba waa may
cadeeyaan inaan la jabinin shuruudihii guud ee guurka.
3) Sargaalku waa inuu ku wargaliyaa labada isguursanaysa
iyo markhaatiyadaba cawaaqibka ka iman kara
cadaymahooda.
4) Labada isguursanaysa waa may sargaalka u cadeeyaan
may doonistooda isku guursanayaan.
5) Labada isguursatay iyo markhaatiyaduba waa may
saxiixaan diiwaanka xaaladaha buishada.
6) Marka la dhamaystiro habka guurka ee kor ku xusan,
sargaalku waa inuu ku dhawaaqo inuu guurkii
dhamaystiranyahay, uuna siiyaa s hahaadada guurka.

QAYBTA 5 aad: Guur Diimeedka

Qodobka 33 aad: Shuruudo Dheeri ah

Guur diimeedku waa inuu u dhacaa Si waafaqsan nidaamka iyo shuruudaha ku xusan diinta la isku guursanayo.
QAYBTA 6aacl Diwaangalinta Guurka

Qodobka 34aad Noocyada Guurka

Dhamaan noocyada guurka waa in laga diiwaangaliyaa xafiiska xaaladaha buishada (Offfice of Civil Status).
Qodobka 35aad Saamaynta Diwaan-galinta

Diwaangalintu wax saamayn ah kuma laha dhaqangalka guurka (Jiritaankiisa).

Qodobka 36aad Diwaanka Guurka

1) Marka labada isguursatay aanay guurka diiwaan
galinin sida qodobada sare ku xusan, waa in cida awooda
u lihi ay iskeed u diiwaan galisaa marka ay ogaato
jiritaanka guurkaas.
2) Xaaladdan oo kale waa in cida iskeed u diwaan galisay
guurka ay u yeedho labada isguursatay iyo
markhaatiyadiiba si ay u saxeexaan diwaanka guurka.

Qodobka 37aad Xubnaha Diwaanka Guurka

Diwaanka guurka waa in lagu xusaa: 1
Magaca 00 buuxa, goobta iyo goorta dhalashada iyo
ciwaanka labada isguursatay.
2) Magaca 00 buuxa, goobta, goorta dhalashada iyo
ciwaanka markhaatiyada.
3) Nooca guurka, goorta uu dhacay iyo goorta la diwaan
galiyey.
QAYBTA 5aad Jabinta Shuruudaha Guurka iyo
Saamayntooda

Qodobka 38aad: Da’da

1) Guurka aan la tixgelinin da’da waa la burinayaa, waxaana S00 codsan kara qof kasta 00 danaynaya ama xeer ilaaliyaha.
2) lyadoon wax loo dhimayn qodobka l9aad qaybtiisa (2aad) ee xeerkan tixgelin la’aanta lagu sameeyey da’da guurka waa in la codsadaa intaanu qofku qaangaadhin.

Qodobka 39aad Xidhiidhka Qaraabo

Guurka aan la tixgelinin xidhiidhka xigto ama xidid waa la burinayaa, waxaana soo codsan kara qof kasta 00 danaynaya ama xeer ilaaliyaha.

Qodobka 4Oaad: Raali Ahaansho

1) Qofka sheeganaya in laqasbay ama lakhalday wuxuu maxkamada ka codsan karaa in laburiyo guurka.
2) Codsiga burinta guurka ku dhaca qasab ama qalad waa in lagu codsadaa lix(6) bilood gudahood, laga bilaabo marka uu qasabku joogsado ama qaladka la ogaado, lamase codsan karo labo (2) sano ka dib laga bilaabo xilliga guurka.

Qodobka 4laad: Ciddada

Guurka aan latixgalinin cidada waa laburinayaa, waxaana soo codsan kara qofka danaynaya ama xeer ilaaliyaha.

Qodobka42’ Qofka Waali lagu xukumay

1) Guurka uu galay qof waali lagu xukumay een
maxkamadi oglolaanin waa la burin karaa.
2) Codsiga burinta waxaa maxkamada keensan kara
qofka waalan ama mas’uulkiisa.
3) Qofka waalan ma codsankaro burinta guurka lix bilood
ka dib marka uu miyirsado.
4) Mas’uulka qofka waalan ma codsankaro burinta
guurka lix bilood ka dib marka uu ogaado jiritaanka
guurka ama ka dib marka uu qofka waalani miyirsado.
Qodobka 43aad: Kala Duwanaanshaha Jinsiga
1) Guurka lagu xadgudbay kala duwanaanshaha jinsiga
waa la burinayaa.
2) Codsiga burinta waxaa keensan kara qof kasta 00
danaynaya ama xeer ilaaliyaha.

Qodobka 44 aad: Xidhiidhka Nuugmada

Guurka aan la tixgelinin xidhiidhka nuugmada waa la burinayaa, waxaana soo codsan kara qof kasta 00 danaynaya ama xeer ilaaliyaha.

Qodobka 45 aad: Meherka

Tixgalin la’aanta lagu sameeyay cayimida meherka 00 kaliya looma burinayo guurka.

Qodobka 46 aad: Ku Haboonaansha La’aanta Sargaalka Xaaladaha Buishada
Ku haboonaansha la’aanta sargaalka xaaladaha buishada 00 kaliya laguma burin karo guurka.

Qodobka 47 aad: Tixgalin La’aanta Nidaamka Guurka Madaniga ah

Tixgalin la’aanta lagu sameeyay nidaamka guurka madaniga ah 00 kaliya laguma burin karo guurka.

Qodobka 48 aad: Jabinta Shuruudaha Guur Diimeedka

Saamaynta ka dhalan karta jabinta mid ama wax ka badan ee shuruudaha guur diimeedka waxay noqonaysaa sida ay xeerinayso diinta la isku guursaday.

CUTUBKA 3AAD

SAAMAYNTA GUURKA

QAYBTA 1AAD QODOBO GUUD
Qodobka 49aad: Saamaynta Noocyada Guurka
Dhamaan noocyada guurku waxay leeyihiin saamayn isku mid ah.
Qodobka SOaad: Isutaga labada isgaba
12
1) Saamaynta guurku kuma xidhna isutaga labada isguursatay.
2) Iyadoo qodobkan qaybtiisa (laad) aan la dhawraynin xaqa xaasku ay u leedahay masaariif wuu burayaa hadii ay diido isutaga iyadoo ayna jirin sababo maangal ahi.
3) Iyadoo qodobkan qaybtiisa (laad) la dhawrayo xaaska la furay iyadoon la isu tagin waxay leedahay kala badh meherkeeda la cayimay.

Qodobka 51aad: (1) Heshiiska xilliga guurka
1) Labada qof ee isguursanaya waxay xiliga guurka ku
heshiin karaan arimo saamaynaya dhinacyada
shaqsiyeed iyo dhaqaale.
2) Heshiisku kama hor-iman karo danaha qoyska iyo
qodobada xeerkan.

Qodobka 52aad: (2) Awood la’aanta labada is gaba Qofka waalan iyo ka aan qaangaadhin masuulkiisa ayaa heshiiska gali kara, hadii ay maxkamadu ogolaato. Qodobka 53aad: (3) Qaabka iyo Xiliga Heshiiska
Heshiiska guurka 00 qoraal ah waxaa la gali karaa guurka ka hor ama ka dib goob ay joogaan laba marag.
Qodobka 54aad: (4) Xafidida Heshiiska
1) Nuqul ka mid ah heshiiska waa in la dhigaa
maxkamada.
2) Nuqulka heshiiska waxaa heli kara labada isqabta iyo
cida ay midkood ama maxkamadu u ogolaato.

Qodobka 55aad: (5) Xadaynta Heshiiska
Heshiiska guurku wuxuu saamaynayaa 00 qudha labada
isqabta.
Qodobka 56aad: (6) Xilliga Xeerka (Legal regime)
13
Haddii uunan jirin heshiis ama uu buro waa in la raaco qodobada soo socda.
Qaybta 2aad: Saamaynta Guurka ee Shagsiyeed Qodobka 57 aad: Xushmo ,Taageero iyo Raaligelin Labada qof ee isguursatay waa in ay ku wada dhaqmaan is xushmeyn, israaligelin, istaageerid iyo daacadnimo. Qodob 58aad: Wadajir
1) Labada qof ee isguursatay waa in ay wada nool
aadaan.
2) Xidhiidhka galmo waa lagama maarmaan hadii aynan
jirin dhibaato dhinaca caafimaadka ahi.
Qodobka 59aad Heshiis kala Jirid
1) Iyadoo qodobka S8aad qaybtiisa (laad) la dhawrayo,
labada isqabta waxay ku heshiin karaan in ay laba
meelood ku kala noolaadaan inta ay doonaan.
2) Mid kastoo ka mid ah labada isqabta wuu ka
noqonkaraa heshiiska kala noolaanshaha.
Qodobka 60aad: Maamulka Qoyska
1) Labada isqabta wuxuu xii ka saaran yahay in ay ka
shaqeeyaan, iiaaiiyaan iskana kaashadaan danaha
qoyska iyo daryeelida caruurta.
2) Aabaha waxuu xii dheeri ahi ka saaran yahay iiaaiinta
danaha qoyska.

Qodobka 61aad Awood la’aanta Aabaha ama Hooyada

1) Marka labada isqabta midkood uusan awoodin dhiibashada ogoiaanshahiisa ku wajahan waajibaadka ku xusan qodobka 6Oaad ee xeerkan sababa jira awgood kan kaie ayaa gudan waajibaadkaas.

2) Heshiiska guurka labada isqabta kuma geli karaan wax khilaafsan qodobkan.

Qodobka 62aad: Hoyga

Ninka ayuu xilka saaaran yahay xulashada hoy ku haboon qoyska isagoo la tashanaya xaaskiisa.
Qodobka 63aad: Ubadka guurka Hore
1) Ubadka ku dhashay guur hore waxaa korintooda iska
leh qofkii dhalay.
2) Heshiis kasta 00 lid ku ah qodobkan qaybtiisa (laad)
saamayn ma laha.

Qaybta 3aad Saamaynta Guurka ee Dhinaca Hantida Qodobka

64aad: Hantida gaar ahaaneed ee labada isgaba

1) Hantida guurka ka hor uu lahaa mid ka mid ah labada isqabta ama mida guurka dabadii uu ku helay deeq ama dhaxal waa hanti gaar ahaaneed.
2) Mushaarka labada isqabta mid ka mid ah uu helo waa hanti gaar ahaaneed.
3) Dhammaan dakhliyada guurka ka dib lagu helo dadaal shaqsiyeed ama ka yimaada xoolo shaqsiyeed waa hanti gaar ahaaneed.

Qodobka 65aad (1).Aasaasi Maamulka Hantida Gaar
ahaaneed.

Mid kastoo ka mid ah labada isqabta WUXUU si madax banaan u maamuli una isticmaali hantidiisa gaar ahaaneed.
Qodobka 66aad: Maamulka Hantida Gaar ahaaneed (2.Heshiis)

1) Iyadoo qodobka 65aad ladhawrayo, waxay labada is - qabta ku heshiin karaan in midkood maamulo dhamaan ama qayb ka mid ah hantida midka kale.
2) Qofka la wakiishay wuxuu xil ka saaran yahay in uu siiyo warbixin xisaabeed qofka wakiishay markuu wakiishuhu sidaas codsado.

Qodobka 67aad Hantida Guud ahaaneed

Dhamaan hantida wadar loogu hibeeyay labada isqabta ama si wada jir ah ay u soo saareen ama dakhliga ka SOO baxay hantidaas waa hanti guud ahaaneed.
Qodobka 68aad: Maamulka Hantida Guud ahaaneed
1) Maamulka hantida guud ahaaneed waxa wadajir u leh labada isqabta hadaanay ku heshiinin in midkood uu dhamaanteed ama qaarkeed maamulo.
2) Radii sabab uun awgeed uu mid ka mid ah labada isqabta maamuli kari waayo hantida guud, ruuxa kale ayaa maamulaya hantidaas.

Qodobka 69aad: Waajibnimada Wargalinta
Sayga ama afada maamulaysa hantida guud waxaa waajib ku ah in uu warbixin arintaas ku saabsan siiyo qofka kale ee ay hantidu ka dhaxayso.
Qodobka 7Oaad: (1) Lagama Maarmaanimada Heshiiska Labada Isgabta
Radii aan si kale loogu caddaynin xeerar kale, waa may labada isqabta ku heshiiyaan;
1) libinta, badalida, Kiraynta, rahmida ama burburinta hanti guud ee ma guurtada ah, taas 00 dhinac seddexaad xaq ku siinaysa hantidaas.
2) libinta, badalida, Kiraynta, rahmida ama burburinta hanti guud ee guurtada ah ama damaanad ku diiwaangashan magaca labada isqabta: taas 00 qiimaheedu ka badanyahay laba boqol 00 birr.

3) Ku deeqida hanti guud 00 qiimaheedu ka badanyahay
laba boqol 00 birr, ama lacag intaas ka badan.
4) Amaahasho ama daymin lacag ka badan konton birr
00 itoobiyan ah, ama damaanasho dayn itaas le’eg ee qof
kale.

Qodobka 71 aad: (2) Heshiis La’aan

Marka labada isqabta midkood uu gab waajibaad isaga 00 ku xadgudbaya qodobka sare ku xusan maxkamadu way burin kartaa waajibaadkaas iyada 00 ka duulaysa codsiga midka kale.

Qodobka 72aad: Daynta Labada Isgabta
Daynta lagu leeyahay mid ka mid ah labada isqabta waxaa boo raaci hantidiisa gaar ahaaneed, hadaanay jirin hanti gaar ahaaneed waxaa boo raaci karaa hantida guud.

CUTUBKA 4AAD

BURBURKA GUURKA

Qaybta laad: Qodobo Guud
Qodobkan 73aad: Sinaanshaha Noocyada Guur ee ee kala Duwan
Burburka guurka sababaha keena iyo saamayntoodu waa isku mid isagoon ba eegayn nooca guurka.
Qodobka 74aad Sababaha Burburka Guurka Keena
Guurku wuxuu ku burbri karaa: 1
Dhimashada mid ka mida babada isqabta ama marka ay
maxkamadi ku dhawaaqdo maqnaanshihiisa.
2) Marka ay maxkamadi buriso guurka, shuruudihii 00
bagu xadgudbay awgeed.
3) furniin.

Qaybta 2 aad: Noocyada Furriinka

Qodobka 75aad: Furniin Loo Dhan Yahay
1) Marka ay labada is qabta ku heshiyaan in ay is furaan
waa in codsigooda ay geystaan maxkamada.
2) Isagoo qodobkan qaybtiisa (laad) aan la dhawraynin
labada isqabtaa waxay isku fun karaan goob ay laba
markhaati joogaan.

Qodobka 76aad Awooda Maxkamadda

1) Marka codsiga furiinka ee lagu sheegay qodobka 75aad qaybtiisa (laad) maxkamada la keeno waxay maxkamaddu iskudayi in ay qoyska ku qanciso wadajirid.
2) Haddii ay maxkamadda u muuqato inaysan ku qancin labada isqabtay dadaalkeeda waxay u dirtaa dhexdhexaadiyeyaal ka socda qaraabadooda, ama rag/dumar dhaqameedyo kale.
Qodobka 77aad: Ansixinta Furniinka Loo Dhan Yahay
1) Marka maxkamaddu ay dhagaysato warbixinta dhexdhexaadiyeyaasha, ayna u muuqato inaysan labada Isqabta diyaar u ahayn ka noqoshada codsigooda furiinka waxay dhagaysan ansixinna ku dhawaaqista furiinka.
2) Iyadoo qodobkan qaybtiisa (laad) la dhawrayo, maxkamadu waxay ansixin kartaa 00 keliya furniinka marka ay rumaysato in uu ka turjumay raali ahaansho madax banaan.
3) Maxkamaddu waa may diiwaangalisaa furiinku inuu yahay mid dhan ama mid dhimman.

Qodobka 78aad Furniin Hal Dhinac ah

1) Midkastoo ka mid ah labada isqabta wuxuu xaq u
leeyahay dalbashada furniin markuu doono.
2) Ruuxa dalbanaya furniinka waa in codsigiisa uu gaystaa
maxkamada.

Qodobka 79aad Awooda Maxkamada

1) Maxkamadu waxay iskudayi heshiisiin iyadoo waraysi
iyo wada tashiba la yeelanaysa labada isqabta.
2) Maxkamadu haday heshiisiin kari waydo waxay u
diraysaa dhexdhexaadiyayaal.
Qodobka 80aad Ansixinta Furniinka Halka Dhinac ah
1)Marka ay maxkamaddu dhagaysato warbixinta dhexdhexaadiyeyaasha ayna u cadaato heshiis la’aani waxay dhagaysan ansixinna furniinka.
2) Maxkamaddu waa may diiwaangalisaa furiinku inuu yahay mid dhan ama mid dhimman.

Qodobka 81 aad: Daryeelka Haweenayda La Furay

1) Haweenayda la furay furiin dhan waxay leedahay hoy ay ku noolaato mudada cidada.
2) Haweenayda la furay furiin dhan waa may maxkamaddu u qiyaastaa lacag ama hanti kale iyada 00 la eegayo awooda ninka iyo baahideeda.
3) Haweenayda la furay furiin dhiman waxay leedahay daryeel dhamaystiran.

Qaybta 3 aad: Qaybsiga Hantida Labada Isgabta Qayb-hoosaadka 1 aad: Guurka ku burburay furiin Qodobka 82aad Mudnaanta Heshiiska
1) Burburka guurka dabadii hantida labada isqabtaa waxaa
loo qaybsan si waafaqsan heshiiskoodii.
2) Halka uusan jirin heshiis, hantida labada isqabta waxaa
loo qaybsan si waafaqsan qodobada S00 socda.
Qodobka 83aad Qaadashada Hantida Gaar Ahaaneed

Mid kastoo ka mid ah labada isqabta wuxuu qaadan hantidiisa gaar ahaaneed kadib markuu cadeeyo lahaanshihiisa gaar ahaaneed.

Qodobka 84aad Kala Bixida Hantida Gaar Ahaaneed
Hantida Guud
Radii uu caddeeyo mid ka mid ah labada isqabtaa in hantidiisii gaarahaaneed ay gashay tan guud, wuxuu kala bixi qaybinta ka hor hantidiisii ama qiima u dhigma.
Qodobka 85aad: Qaybsiga Hanatida Guud
lyadoon wax loo dhimayn qodobada aan soo dhaafnay, labada isqabtaa waxay u qaybsan hantida guud si isle’eg hadii aan si kale loogu heshiin.

Qodobka 86aad: Yarad iyo Hadiyad
Yaradka iyo hadiyadaha loo bixiyay guurka awgii iyadoo aanay jirin qasab muuqda iyo mid dahsoona la isuma celinayo.
Qayb-hoosaadka 2 aad: Guurka ku burburay Dhimasho
ama Magnaansho

Qodobka 87 aad: Ku Dhaganka Qawaaniinta Dhaxalka
Marka guurku ku burburo dhimasho ama maqnaansho hantida waxaa loo qaybsan si waafaqsan qawaaniinta dhaxalka ee la xeerindoono.

CUTUBKA 5AAD

CADAYNTA GUURKA

Qodobka 88aad Shahaadada Guurka

Jiritaanka guurka waxaa lagu cadayn karaa shahaadada guurka ee la bixiyay xiliga guurka ama ka dib.
Qodobka 89aad: Cadaymo Kale

1) Marka aanay shahado jirin ama ay lunto, jiritaanka
guurka waxaa lagu cadayn karaa laba marag.
2) Labada marag waxay noqon karaan goob joogayaashii
guurka ama kuwo cadaynaya in labada qof loo tixgaliyo
buishada dhaxdeeda in ay is qabaan.

Qodobka 90aad Jiritaanka Furniin ama Jabin Shuruud
Qofka ku dooday jiritaan furiin ama jabinta shuruuda guurka waa inuu cadeeyaa arintaas.

CUTUBKA 6AAD

Xalinta Khilaafyada

Qaybta 1aad: Qodobo Guud

Qodobka 9laad: Xeerka Lagu Dhagmayo
lyada 00 la dhawrayo qodobada hab-raaca ee lagu xusay xeerkan, xallinta khilaafaadka waxaa loo adeegsan hab-raaca xeerka madaniga Itoobiya.

Qodobka 92’: Ku Dhaganka Qodobada Qaybsiga
Hantida
1) Iyadoo loo fiirinayo qaabka burburka guurka ayaa lagu
dhaqmi qodobada cutubka afraad ee xeerkan.
2) Sidoo kale waxaa lagu dhaqmi cutubka afraad marka
khilaaf hantiyeed u dhexeeyo midka nool labadii isqabtay
iyo dhaxlaha ka dhintay.
Qodobka g3aad: Hab Dhagaysiga Khilaafka
Marka ay maxkamaddu u aragto lagama maarmaan waxay fadhi gaar ah kula tashan labada isqabta ama midkood ama markay baadhayso markhaatiyada, sida ay kolba tahay.

Qodobka 94aad: Go’aan

Maxkamaddu iyada oon tafaasiil ka bixinaynin waxay go’ankeeda ku koobi in ay jiraan sababo macquul ah 00 ku filan go’aan qaadashadeeda, hadii ay sidaasi lagama maarmaan u tahay ilaalinta sharafta labada isqabta ama qoysaskooda.

Qodobka 95aad: Gacan Ku Haynta Caruurta

1) Burburka guurka dabadii gacan kuhaynta caruurta iyo
daryeelkooda waxaa asal ahaan iska leh hooyadood,
hadayna arintaasi lid ku ahayn danta caruurta.
2) lyada 00 laga duulayo danta caruurta, waxaa la badali
karaa gacan ku haynta hooyada.
3) lyada oon la eegayn cidda gacanta ku haysa caruurta,
waalidku wuxuu xaq u leeyahay inuu la kulmo ubadkiisa.

Qaybta 2aad: Awooda Maxkamadda

Qodobka 96aad Jiritaanka Guur

Maxkamadda 00 kaliya ayaa awood u leh ka go’aan gaadhida in guur dhacay iyo in uu sharci yahay guurkaasi.
Qodobka 97aad: Khilaafka Guurka
1) Khilaafka ka dhasha guurka dhexdiisa waxaa garqaadkiisa leh dhexdhaxaadiyeyaal ay doortaan labada isqabtaayi.
2) Dhinaca aan ku qancin go’aanka dhexdhexaadiyeyaasha wuxuu rafcaan u qaadan kara maxkamadda awooda garsoor u leh.
3) Kadib markay maxkamaddu baadho cabashada waxay ansixin ama baddali qayb ka mid ah ama gabi ahaanba go ‘aanka dhexdhexaadiyeyaasha.
Qaybta 3aad: Dhexdhexaadinta

Qodobka 98aad: Magacaabista Dhexdhexaadiyeyaasha

1) Marka ay labada isqabta la haboonaato in ay
khilaafkooda ku xaliyaan dhexdhexaadin, mid walba wuxuu
S00 dooran hal qof ama ka badan uuna magacooda u S00
gudbin maxkamada shan iyo toban (15) maalmood
gudahood.
2) Marka ay maxkamadda S00 gaadhaan
dhexdhexaadiyeyaashu waa may diwaan galisaa tilmaana ka siisaa geedi socodka dhexdhexaadinta, iyadoo faraysa may natiijada ku S00 gudbiyaan muddo sadex bilood
gudahood ah.
3) lyada oon qodobkan qaybtiisa (2aad) la dhawraynin, maxkamaddu markay u aragto lagama maarmaan waxay baadhi horumarka dhexdhexaadiyeyaashu sameeyeen iyadoo fan in ay S00 gudbiyaan warbixin xilliyeed.

Qodobka 99aad Wakhti Dheeraad ah

lyadoon la dhowraynin qodobka 98aad marka ay maxkamaddu u aragto in dhexdhexaadin lagu dhamayn karo khilaafka, iyadoo ka duulaysa horumarka laga gaadhay waxay sun kartaa dhexdhexaadiyayaasha muddo dheeraad ah 00 maangal ah.

Qodobka lOOaad: Xilka Dhexdhexaadiyayaasha

1) Dhexdhexaadiyaasha wuxuu xil ka saaran yahay heshiisiinta labada isqabta iyo ku dhiirigalinta kanoqoshada codsigooda furiin.
2) Markay dhexdhexaadiyayaashu u arkaan in khilaafka lagu xalin karo furniin kalliya, waxay natiijada dhakhso ugu gudbinayaan maxkamadda.
3) Dhexdhexaadiyayaashu malaha awood amar ama go’aan khuseeya labada isqabta oon ahayn in ay ku qanciyaan xalinta khilaafkooda.
Qodobka 101aad Warbixin La’aan

1) Markay dhexdhexaadiyayaashu soo gudbin waayaan
warbixintooda sida ku xusan qodobada sare, maxkamaddu
waa may xidhaa dacwadda.
2) Xidhitaanka dacwaddu kama reebayso labada isqabta
ama midkood inuu dib u furto dacwada.

CUTUBKA 7AAD

XIDHIIDHKA WAALIDNIMO

Qaybta 1 aad Xagiijinta Waalidnimo

Qayb hoosaadka laad: Qodobo guud

Qodobka lO2aad: Waajibnimada Qodobada Shard

Qodobada la xidhiidha xaqiijinta waalidnimo laguma dhaafi karo heshiis, haduuna sharcigu si cad u ogolaan.
Qodobka 103aad: Xidhiidhka Hooyanimo
Xidhiidhka hooyonimo waxaa lagu xaqiijin karaa dhalmada 00 keliya.

Qodobka 104aad Xidhiidhka Aabanimo

1) Xidhiidhka aabanimo wuxuu ka dhashaa xidhiidhka
hooyanimo marka uu ka dhaxeeyo xidhiidh sharciyaysan
hooyada iyo nm, mudadii uurgalka ama dhalmada ilmaha.
2) Xidhiidhka aabanimo wuxuu ka dhalan karaa garawsiga
aabaha in uu dhalay ilmaha.
3) Xidhiihka aabanimo wuxuu kaloo ku iman karaa amar
maxkamadeed.

Qayb Hoosaadka 2aad: Qiyaasta Shard ee Aabanimo Qodobka lO5aad: Qiyaasta Aabanimada Sayga

Ilmaha ku dhasha ama ku calool gala guur waxaa aaba u ah sayga.

Qodobka lO6aad: Guudnimada Qiyaasta Shard ee
Aabanimo

Qiyaasta sharci ee aabanimo ee lagu sheegay qodobka lO5aad ee xeerkan ayaa lagu dhaqmi marka: 1
Guurku buro ama la buriyo
2) Galmo ismoodsiis ah ilmo ku dhasho
3) Diwaanka dhalashada ilmuhu uusan sheegayn in saygu yahay aabaha ama uu sheegayo nm kale in uu yahay aabaha
4) Xaalada ku xusan qodobkan qaybtiisa(3aa9 ay jirto waxaa la SiXi 00 keliya diwaanka dhalashada.

Qodobka 107aad: Mudada Uurka

Ilmaha waxaa loo aqoonsan in uu ku uurgalay guur, hadii uu ku dhasho muddo ka badan 180 maalmood guurka ka dib ama 270 maalmood gudahood burburka guurka dabadii.

Qodobka lO8aad: Waayida Sayga

Xeerkan qodobkiisa la xidhiidha qiyaasta sharci ee aabanimo ayaa lagu dhaqmi marka maxkamadu xukunto in saygii la waayay.
Qaybta 2aad: Xallinta Khilaafaadka Shard ee Aabanimo
Qodobka 109aad Xallinta Khilaafka Aabanimo (1) Aasaasi
Marka lagu dhaqmo qodobada la S00 dhaafay haddii ilmo loo aaneeyo wax ka badan hal aabe, waxaa lagu xalin karaa heshiis ay gaadhaan nimanka loo aaneeyay ilmaha
Qodobka 1 10w’: Qaabka

1) Heshiiska lagu xalinayo khilaafka aabanimo waa in ay
goobjoog ka ahaadaan laba marag, isla markaana
maxkamadi ansixisaa.
2) Hooyada ilmaha waa in si shaqsi ah looga afkaar
qaadaa hadii duruuftu aysan diidaynin.
Qodobka jaad. Wakiilasho
1) Heshiiska sare ku xusan waxaa gali asal ahaan nimanka loo aneeyay ilmaha hadii uu garaadkoodu dhanyahay.
2) Awooda Heshiis galida waxa lagu matali karaa 00 keliya wakiilasho gaar ahaaneed.

Qodobka 1 12aad: Qiyaas Shard

Marka lagu guul daraysto xallinta khilaafka aabanimo, waxaa lagu dhaqmi qiyaasta ah ilmaha in loo aaneeyo sayga la noolaa hooyada markii uu dhalanayey, haiku looga aanaynlahaa kay horay ula noolayd.
Qodobka 1 l3aad: Ka Nogosho La’aan Heshiis
Heshiiska lagu xalliyay muranka aabanimada lagama noqon karo.

Qodobka 1 14aad Baabi’in
Heshiiska lagu xalinayo khilaafka aabanimada waa la baabi’in karaa haduu:1)Heshiiska
qasab ku jiray.
2) Heshiiska khalad ama khiyaamo ku jiray isla markaana ay hubaai tahay in uusan dhaiin ilmaha ninka lagu dhawaaqay in uu yahay aabaha.
Qaybta 3aad: Cadaynta Xidhiidhka Waalidnimo
Qodobka 5aad Diwaanka Dhalashada
Xidhiidhka aabanimo iyo hooyanimo ee qof waxaa lagu caddayn diwaankiisa dhaiasho.

Qodobka 1 16aad: Caddaymo Kale

Markaysan jirin shahaado caddayn dhalasho, xidhiidhka waalidnimo waxaa lagu caddayn lahaanshaha sifada ilmanimo ama garawsiga walidnimo.

Qodobka 1 l7aad: Lahaanshaha Sifada Ilmonimo(1) Qeexid
Qofku wuxuu leeyahay sifada ilmanimo marka buishadu ula dhaqanto inuu yahay ilmihii ninkaas ama haweenaydaas.
Qodobka 1 18 (2) Caddaynta lahaanshaha Sifada
Ilmanimo
1) Marka lahaanshaha sifada ilmanimo la cadeeyo sida uu sheegayo qodobka 1 l7aad maxkamaddu waxay qiyaasi in qofkaas uu yahay ilmihii ninkaas ama haweenaydaas.
2) Qiyaasta qodob—hoosaadkan qaybtiisa (laad) waxaa lagu burin karaa in lacadeeyo in ilmaha aanu dhali karin ninkaas ama haweenaydaas.

Qodobka 1 19aad: Sheegasho Waalidnimo

1) Markuusan jirin lahaanshaha sifada ilmanimo, waalidnimada waxaa lagu caddayn karaa marag ama caddaymo kale.
2) Sheegashada waalidnimo lama soo oogi karo haddaanay maxkamadi ogolaan.
3) Ogolaanshaha lagu sheegay qodobkan qaybtiisa (2aad) lama bixinayo haddaanay jirin calaamado iyo qiyaaso ka imanaya xaqaa’iq u suuro galinaysa maxkamada may fasaxdo sheegashada.

Qodobka 120aad Agbalid La’aanata Dacwadda

Ogolaansho lagu soo oogaayo dacwad lama fasaxayo marka qofka xidhiidhkiisa waalidnimo la sugayo uu xidhiidh waalidnimo horey u lahaa taasoo ka timid shahaado dhalasho ay la socoto lahaanshaha sifada ilmanimo 00 waafaqsan shahaadadaas.

Qodobka 12 1aad: dadka dacwadda soo oogi kara

1) Dacwadda lagu sheeganayo waalidnimada waxaa S00
oogi kara ilmaha, waalidkiisa ama dhaxlayaashiisa kale.
2) Waxaa kale oo dacwadda S00 oogi kara cidda
sheeganaysa aabanimada ama hooyanimada ilmaha ama
dhaxlayaashooda.

Qodobka 122aad: Xilliga Dacwada

Dhamaan dadka lagu xusay qodobka lO8aad, waxay dacwada sheegashada S00 oogi karaan inta ay nool yihiin.
Qodobka 123aad: Dadka Dacwadu Dhan ka Tahay
1) Marka dacwadda ay S00 oogaan waalidku ama
dhaxlayaashoodu waxay dhanka ahaan ilmaha.
2) Xaaladaha kale dacwaddu waxay dhan ka ahaan
waalidka la sheeganayo.

Qod: 124aad: Gorowsiga Waalidnimo (Qeexid)
Garawsiga waalidnimo wuxuu dhici karaa marka nm garawsado in uu yahay waalidka ilmaha.
Qodobka l25aad: Qaabka Gaarowsiga
Garawsiga waalidnimo wuxuu noqon karaa qowl ama qoraal.

Qodobka 126aad Ismatalid La’aanta
Waalidku wuxuu garawsiga u samayn si shaqsi ah lamana matali karo.
Qodobka 127 Qaangaadhida Ilmaha

Garawsiga waalidnimo ee la sameeyay qaangaadhnimada ilmaha ka dib saamayn malaha hadii aanu ilmuhu
ogolaanin.

Qodobka 128aad: Diidmada Hooyada
Diidmada hooyadu samaayn kuma laha garawsiga aabanimo haddii aynan jirin sabab maan gal ahi.

Cutubka 8AAD

Waajibaadka Daryeelka

Qodobka l29aad: Nooca Waajibaadka Daryeelka
Qofka daryeelaha ah ee lagu xusay qodobka soo socda wuxuu xil ka saaran yahay quudinta, hoy iyo hu siinta, daryeelka caafimaad iyo waxbarasho ee la daryeelaha si hagar la’aan ah, hadba xaaladu siday tahay iyadoo la eegayo dhaqanka bulshada.

Qodobka l3Oaad: Cida uu ka Dhaxeeyo Wajibaadka
Daryeel
1) Iyadoo la dhowraayo qodobada la xidhiidha saamaynta
shaqsi ee guurka waajibaadka daryeel wuxuu ka
dhaxeeyaa isir iyo taranba.
2) Waajibaadka daryeel sidoo kale wuxuu ka dhaxeeyaa
walaalaha, labada isqabta iyo xigtada kale.
3) Afada waajib daryeel kama saarna saygeeda.
Qodobka 131aad: Dayrinta la Daryeelaha
Daryeeluhu wuu goyn karaa gudashada waajibaadka daryeel, hadii uu la daryeeluhu isku dayo ama gab dambi ka dhan ah nolosha ama hantida daryeelaha, xigtadiisa ama xaaskiisa.

Qodobka l32aad: Shuruudaha Waajibnimada Daryeelka

1) Waajibaadka daryeel wuxuu jirayaa 00 kaliya marka la daryeeluhu uu u baahan yahay isla markaana uusan awoodi karin ku noolaanshaha tacabkiisa.
2) Waajibaadka daryeel ma jirayo haddii uuna daryeeluhu awoodi karin gudashadiisa.
3) lyadoon la tixgalinayn shuruudaha lagu sheegay qodobkan qaybtiisa (1’) afadu daryeelkeeda waxay mar walba ku leedahay Saygeeda.

Qodobka 133aad: Nooca loo Gudan Waajibka Daryeel

1) Asal ahaan, waajibaadka daryeel waxaa loo gudan karaa
in daryeeluhu siiyo ladaryeelaha gunno daryeel.
2) Cadadka gunnadu waa in lacayimaa iyadoo la eegayo
baahida la daryeelaha iyo awooda dhaqaale ee daryeelaha.
Qodobka 134aad: Dib u Eegista Cayimida Gunada
Go’aanka lagu cayimay cadadka gunada dib waa loo eegi karaa mar walba 00 UU codsado daryeeluhu ama la daryeeluhu.

Qodobka l35aad: Halka Lagu Bixinayo Gunada Daryeel
Gunada daryeelka waa in lagu bixiyaa halka ugu sahian qaadashada ladaryeelaha.
Qodobka 136aad: Dhitada (1) Lama Wareejin Karo Lamana
Xanibi Karo.
1) Dhitada gunada daryeelka lama wareejin karo lamana xanibi karo.
2) lyadoon la dhowraynin qodobkan qaybtiisa (1’) waxaa lagu wareejin karaa dhitada, xataa inta aynan waajibin, qof ama hay’ad ku hawlan caawimaada dheefsadaha gunada hadii ay lagama maarmaan noqoto.
3) lyadoon la dhawraynin qodobkan qaybtiisa (laad) dhitada gunada waxaa xanibi kara daryeelayaasha dheefsadaha.

Qodobka 137aad: (2)Ururid La’aanta Gunada
1) Gunada daryeelka ma ururayso hadii aan horay loo
cayimin.
2) lyadoon la dhowraynin qodobkan qaybtiisa (laad) gunada
afadu way ururaysaa.
Qodobka 138aad: La Daryeelaha Waxaa Lagayn Karaa
Guriga Daryeeluhu
1) Daryeeluhu wuxuu gayn karaa la daryeelaha gurigiisa si
waajibkiisa daryeel uu u guto.
2) Marka khilaaf ka yimaado qodobkan qaybtiisa (1’) waa
in maxkamadu go’aanka ku haboon ka gaadhaa iyadoo
eegaysa dhammaan xaaladaha j ira.
3) Daryeelaha laguma qasbi karo in uu geeyo gurigiisa la
daryeelaha.

Qodobka 139aad: Tirawga Daryeelayaasha
Marka hal qof wax ka badan ay ku waajibtay daryeelka qof, ladaryeeluhu wuxuu waydiisan karaa mid kasta 00 ka mid ah daryeelayaasha.
Qodobka l4Oaad: Nidaamka Kala Horaynta Daryeelayaasha
Dadka ay ku waajibtay bixinta daryeelku waxay u kala
horeyn nidaamkan S00 socda: 1
Marka hore sayga,
2) Marka labaad taranta sida ay ukala sokeeyaan,
3) Marka sadexaad isirka sida ay u kala sokeeyaan,
4) Walaalaha,
5) Walaasha, Adeer Eedo, Abti iyo Habar yar.
Qodobka 141aad: Heshiiska Daryeelayaasha
Daryeelayaashu waxay si sharci ah ugu heshiin karaan in midkood bixiyo daryeelka qofka daryeelka kuwada leh. Qodobka 142aad Kharashka Aaska

Qof walboo xii ka saaran yahay daryeelista qof kale ayaa bixin kharashka aaska qofkaas.
Qodobka 143aad Heshiis Gaar Ahaaneed
Heshiis gaar ahaaneed 00 kasta 00 ka hor imanaya qodobada cutubkan wax saamayn ah malaha.

Cutubka 9AAD

Qodobo Kala Duwan

Qodobka 144aad: Shuruucda aan Dhagan Galka Ahayn
1) Dhammaan xeerarka, awaamiirta, go’aanada iyo habdhaqameedyada ka hor imanaya xeerkan wax saamayn ah kuma laha arrimaha lagaga hadlay xeerkan.
2) Iyadoo la dhowrayo qodobkan qaybtiisa (laad) xuquuqaha xeerarkii horay u jiray lagu helay inta uunan kani dhaqan galin waa taabo gal.
Qodobka 145aad Aasaasida Xafiiska Xaaladaha Buishada
1) Dawlada Deegaanka Soomaalidu waa in hal sano gudihii laga bilaabo dhaqangalka xeerkan ay ku soo saarto xeer diiwaangalineed 00 ku haboon Deegaanka, isla markaana aasaastaa xafiiska xaaladaha bulshada.
2) Inta la aasaasayo xafiiska xaaladaha bulshada, shahaadooyinka dhalashada, guurka iyo shahaadooyinka kale ee loo baahanyahay ee ay soo saareen ama ay soo saari doonaan xafiista ay khusayso waxaa loo arki in uu soo saaray xafiiska xaaladaha buls hadu.
Qodobka 146aad: Kiisaska Qoys ee Well Socda
Dacwadaha qoys ee socday ka hor dhaqan gelida xeerkani waxaa lagu xallin xeerkan.

Qodobka 147aad: Jinsi

Xeerkani ereyada uu af ahaan lab u dhigayo dhedigana waa u taagan yihiin hadii aanu hab socodka hadalku si kale ka dhigayn.

Qodobka 148aad Awooda Soosaarida Qawaaniin Dheeri ah
Golaha Fulinta dawladda Deegaanka Soomaalidu wuxuu soosaari karaa qawaaniin lagu fulinayo xeerkan.
Qodobka 14gaad: Nugulka Rasmiga ah
Nuqulka rasmiga ah ee xeerkan waa ka af soomaliga ah.

All rights reserved by kilil5.com. This material cannot be copied or Transfered without the Written Request of kilil5.com