Ethiopia: Wufuud reer jabuutiya oo Jijiga ku sugan hada iyo Maxabiis tiro badan oo la horkeenay maxakamada gobolka

05/06/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Waxaa magaalada Jijiga shalay soo gaadhay wufuud ka socotay dawlada Jabuuti. Wufuudan oo u badnay wasiiro ayaa madaxda deegaanka kulamo kala duduwan la yeeshay waxayna ka wada hadleen sidii loo adkaynlahaa nabadgalyada, horumarka iyo iskaashiga labada maamul. Madaxdan ayaa sidookale soo booqday jaamacada Jijiga ee maagaaladan jijiga.

Dhanka kale maxaabiis tiro badan ayaa la keena maxakamada gobolka ee magaaladan jijiga. Maxaabiistan oo dhamaantoodba ku xidhnaa jeel ogaadeen, ayaa waxaa lagarab waday dad la sheegay inay ku marqaati kici doonaan eedaysanayaasha. Eedaysanayaashan oo ay u waawaynaayee Xaaji Ibraahim Xaad iyo Fawsi cali cabdi ayaa dhamaantood la helin cid si toosa maxakamada dhexdeeda ugaga markhaati kacda marka laga reebo Fawsi oo ay dhawr qofi markhaati ku fureen inuu ka dambeeyay falal kala duwan oo laga fuliyay deegaanka. Xaaji Ibraahim xaad ayaa isagana lafilayaa maanta galinka dambe ilaa bari in mar labaad la hor keeno maxakamada si ay mar labaad u dhagaystaan hadii la helo cid ku marag furta halka maxaabiis tiro badan oo kale aan wali la hayn cidii ku markhaati furilahayd lana filaayo in la siidayn doono.

Jijiga
Kilil5 Online