Jawaab Celin: Khilaafka Deegaanka Raaso
Hordhac
Waxaan rabaa waxyaabo ku qoraa ku aadan maqaalkii uu qoray Hassan Baaruud ee uu ugu magac daray Khilaafka Deegaanka Raaso inaan iftiimiyo. Marka hore waxaan Xasan ku amaanayaa maqaalkiisa ay daacadnimadu kamuuqatay. Marka xigana maqaal kani wuxuu kusalaysanyahay aragtidayda qof ahaaneed, waxaana qoray aniga oo dib umalicsanaya taariikhda soo jireenka ah ee labada beelood, aniga oo deegaanka ku noolaanjiray, aqaanana dadka, deegaanka iyo waliba waxyaabaha dhacay. Wax kastana si faahfaahsan halkan ugama hadli karo. Magacyada beelaha aan adeegasaday, waxaan u’adeegsaday formal ahaan, ee kama dhigna inaan wada dhaleecaynayo ama wada eedaynayo. Sidaan wax uqorayna waa sida aan wax u arko, aniga oo kusaleeyay waxyaabo badan oo aan usoo joogay.
Hal Bulsho
Dadku waa walaalo, deegaan, dal, diin iyo dano maguuraan ah ayaa ka dhexeeya. Intaa waxaa siidheere isdhexgal badan iyo sooyaal ama taariikh soojireen ah oo labada bulsho kadhexeeya. Beelahani waxay wadagaan ama wada dagi jireen, bogolada Fiiq, Dhegaxbuur, Godey riyo Qorexeey. Waxaa soowada maray gooro ama waqtiyo badan oo nabad iyo barwaaqo ay kuwada noolaayeen iyo kulal kale oo ay xurguf iyo dhibaato colaadeed dhexmartay. Dhamaan colaadihii soo dhemaray waxaa bilaabay beesha Ogaadeen. Dagaaladaa waxaa kamid ah dagaaladii kadhacay: Dhagaxmadow, Laab, iyo Carmaale. Dagaaladani waxay dhaceen 1970s, 1980s, 1990s, ilaa 2006. Magaalooyinka lagubay waxaa ugu dambeeyay Maramaydh iyo Laab oo lagubay 1997 iyo 1996. Intaa waxaa sii dheer, dad kabadan 80 qof oo kasoo jeeda beesha Sheekhaash oo meelo kaladuwan iyo waqtiyo kaladuwan si ula kac, dhiirani iyo badheedh ah ay Ogaadeenku udileen ayaa jirtay, laga soo bilaabo 1970 yadii. Dad kani maynan kudhimanin colaad udhexaysa beelaha, ee waxaa kaliya oo loodilay waxay kasoo jeedaan beesha Sheekhaash.
Laba Dhaqan oo Kala Duwan
Waxaa laiswaydiin karaa labadan beelood ee dariska ah, walaalahana ah, maxay isu afgaran waayeen? Waxaan odhan karaa, waxay kala wataan ama kala wateen laba dhaqan oo kala duwan. Beeli dhulka waxay u arki jirtay inuu Allaah leeyahay, qofkuna uu sheegan karo oo kaliya gurigiisa iyo beertiisa, qolana, kaymaha ama xidhka uu geelu daaqo ayay sheegan jireen inay leeyihiin, dadkana ku wax yeelayn jireen. Qolo dhaqan dagaal beeleed oo soo jireen ah ayay lahayd, qolana dhaqan aqoon diineed oo soo jireen ah ayay lahayd. Tusaale, xarumaha waxbarashada diinta ee caanka ah ee deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa yagleelay waxna ka akhrin jiray culimo kasoo jeeda beesha Sheekhaash. Xarumaha caanka ah waxaa kamid ah: Gol Dhabileey (Garbo), Hadhaamuuse (Dhuxun), Qulunquul, Shaygoosh, Jigjiga iyo meelo kale oo badan. Waxay ahaayeen xarumo ay boqolaal arday ay kaqalin jabiyeen.
Sababaha aan kor kuxusay awgeed, qolo jilib jilib ayay dagmooyin yar yar oo aysheeganayaan, kana ilaalinayaan beelaha kale ay isugu uruuriyeen, qolana, meel isku uruurin; tuulo ama dagmo isku koobid ay kasheegtaan beelaha kale waxay u arkayeen in aynan haboonayn. Dagaalada soo noqnoqon jiray ee ay beelaha Ogaadeen iyaga dhexdooda iyo kuwa dariskooda ah ee Sheekhaash ay kulajireen wuxuu keenay inay beesha Sheekhaash u aragto inuu deegaanku meel aan wanaagsanayn kusii jeedo, siyaasad labeeleeyay oo marba marka kadambaysa sii sicir bararaysana ay halis kuhayso deegaanku.
Dagaalka iyo Waxyaabaha Keenay
Markii ay dhibaatada colaadaha soo noqnoqonaya aybateen, dagaalo badan oo beesha Ogaadeen dhexdeeda ay isku hayso dhaceen, jabhadayntii ay badatay, tuulooyin ay beesha Sheekhaash dagantahay lagubay, waxay istuseen hadii uu darisku kugu xumaado inay haboontahay meel kadaris wanaagsan, wada noolaanshana ay kasuurta galayso lahelo. Waxaan odhan karaa qof kasta oo wax garad ah, hadii uu dariskiisu kuxumaado, wuxuu uguuraa xaafado kale oo daris wanaagsan dagan yahay.
Sheekhaash waxay aamineen ama ucadaatay in aynan ku jiri karin, siyaasad aad ukacsan oo labeeleeyay, geel ladhoco, ceel la aaso iyo colaad joogta ah oo dhexmaraysa dad walaalo. Daris xumadani waxay keentay aag kale oo deegaanka ah inay isugu uruursadaan. Suaashu waxaytahay maxay ugu dagaalami waayeen tuulooyinka ay daganaayeen? Waxay istuseen hadii ay xitaa kudagaalamaan, dhibaatadu inay halkeedii taagnaanayso. Waxay xal u’arkeen xaafadan kaguur oo xaafadaas uguur.
Deegaanka Raaso waxaa dagan beelo kala duwan oo Soomaali iyo Oromaba leh. Tuulada ugu dhaw magaalada Raaso waxaa layidhaahdaa Dhaleey, waxaana daganaa 50 sano in kabadan beel kamid ah beelaha Sheekhaash. Beelo Ogaadeen ah oo horay beelaha waaweyn ee Ogaadeenku usoo bara kiciyeen 50 sano kahor ayaa iyaguna daganaa, walina dagan. Waxaa kale oo deegaanka Raaso dagan beelo kale oo Soomaali ah.
Deegaanku dhamaan dadka dagan iyo kuwo kale oo badanba wuu kufilanyahay. Soomaalida deegaanka daganna waa reer guuraa oo sannadna waxay aadaan karanta iyo galbeed sannada waxay aadaan walibiga iyo hoose, marka dhul lakala sheegan karo oo cid gooni uleedahay majiro. Dadkii cusbaa ee deegaanka Raaso degay ee beesha Sheekhaash waxaa colaad abaabulan isla markiiba kala hortagay beelo kamid ah beelaha Ogaadeen. Waxay suaashu tahay, maxaa kaligood kafaquuqay beelaha kale ee Soomali iyo Oromaba leh? Beel kale oo colaad kala hortimid majirto oo aan ka ahayn beelaha Ogaadeen. Waxay bilaabeen inay si fududaysi ah ay waqtiyo kala duwan udilaan ugu yaraan 5 qof oo ah beesh Sheekhaash. Intaa waxaa sii dheer, hagar daamada, caga juglaynta, cabsi galinta, dhaca iyo dhibka kale ee loo gaystay dadkii Raaso. Markii uu dhibka iyo dilka lagu hayo beesha Raaso uu batay, waxay bilaabeen inay yidhaahdaan maxaan sugaynaa, waa inaan nafteena iyo xoolaheena iyo maamuuskeena ama sharafteena ilaalinno. Balabadan beelood midi waxay gashay dagaal lagu qasbay, waa beesha Sheekhaash, midna waxay gashay dagaal kibir, islawayni, faquuq iyo magac ilaalin kusalaysan, waa beesha Ogaadeen.
Taageerada
Maadaama labadan beelood laleeyahay dawladda kilil iyo dawladda dhexe ayaa kala taageerayay, bal aan eegno labada beelood sida ay ugu kala dhawyihiin dawladda dhexe iyo tan kililkaba. Dawladda dhexe qof beesha Sheekhaash ka soo jeeda kuma jiro, tan kililkana hal ama labo ayaa kujira. Beesha Ogaadeen waxaa kujira tiro aad ubadan oo xildhibaano ama wasiiro ah oo waliba meelo muhiim ah haya. Arintan ah bulashada Raaso dawladda dhexe ayaa taageerta waxay timid markii ciidamo siweyn loo soo abaabulay ay Raaso dagaalo kaga soo qaadeen dhanka bari ee wabiga Shabeelle.
Dagaaladaas ujeedooyinkii lagalahaa maynan gudanin, dhamaantoodna guul daro ayay ku dhamaadeen. Intaas waxaa sii dheere, dagaalo dhanka waqooyi iyo aagga Salaxaad kaga socday. Guul darada dagaalka, waxay noqotay in fasir loohelaa, waxayna beesha Ogaadeen ku fasirtay Sheekhaash kaliya ciidankii xooga lahaa majabin karto ee dawladda dhexe ayaa taageeraysa. Taageerada qaar kamid ah maamulka Kililka 5 aad uu siiyay beelaha reer Cabdille way caddahay oo baabuur taarikada dawladda gobolka wadata ayaa lagu qabtay dagaalka, walina yaala. Dawladda dhexe habayaraatee wax taageero ah oo ku aadan dagaalka oo ay ugaysatay beesha Sheekhaash majirto. Qofkii haya ayaa cadaynteeda arintaas looga fadhiyaa. Waxay umuuqataa in ay ciidamada Raaso soo weeraray ay isku hubeen guusha. Maynan islahayn Sheekhaash si adag ayay isu difaacayaan. Xitaa hadii ay is difaacaanna, difaacu wax yar ayuu socon doonaa ayay nayadda kaga jirtay. Dagaalada kasocday dhawr kiisano ee lasoo dhaafay deegaanka Raaso, beeli waxay ahayd iyo weerar, waa beesha Ogaadeen, beela waxay ahayd difaac, waa beesha Sheekhaash.
Maxaa Xal ah
Dhaktarku si uu udaaweeyo bukaanka wuxuu raadiyaa meesha lagahayo bukaanka iyo waxyaabaha keenay cudurka ama xanuunka. Deegaanka Raaso ama gobolka Raaso meel ay beel kaligeed kunooshahay ma’aha, beelo kala duwan ayaa ku nool. Beelo haasina nabad ayay kuwada noolyihiin hadda. Ujeedada beesha Sheekhaash ma’aha inay samaysato deegaan iyada ugaar ah oo aanan cid kale joogin ama aynan dheehin. Hadii ay ujeedadoodu ay sidaas tahay tuulooyin badan ayay kabara kicin lahaayeen beelaha Ogaadeen ee deegaanka Raaso ka ag dhaw, waana arin ay karikareen. Beeshu waxay rabtaa bulsho cadaalad, sinaan, nabadgalyo, walaaltinimo iyo ixtiraam kuwada noolaata.
Bulshada Raaso, waxa ay raadinayaan waa wax ay xaq uleeyihiin. Waa Bulsho Soomaaliyeed oo Itoobiyaan ah. Qof kasta oo deegaanka dagani wuxuu xaq ugu leeyahay dawladda dhexe iyo tank kililkaba inay ilaayaan xaqa uu leeyahay. Tobannaanka kun ama boqolaalka kun ee deegaanka dagan waxay xaq uleeyihiin inay helaan waxbarasho, nabad galiyo, caafimaad, mashaariic hormarineed, xaq siyaasaddeedka kaga maqan deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo adeegyada kale ee ay dawladdu bixiyo intaba. Caruurta Raaso joogta magaranayo waxa ay kaga duwantahay caruurta joogta Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar iyo Godey ee hela adeeg waxbarasho haba tayo xumaatee.
Xalku wuxuu ku jiraa in deegaanka dadka dagan oo idil si siman oo garsoor ah loola dhaqmo. Deegaanka Raaso hadda nabad ayaa kajirta oo dadku iyagaa iskood uheshiisiiyay aan ka ilaalinno inaan colaad kale hurinno. In deegaanka Raaso xaq siyaasadeedka iyo xaq miizaaniyadeedka dhaqaale ee uu dawladda gobolka kuleeyaya helo. Waxaan rumaysanhay marka laeego dadka dagan deegaanka Raaso oo lagu qiyaaso 250-300 kun inuu deegaan kani uqalmo hal gobol iyo laba gobolba.
Inaan dhamaanteen aqoonsanno inay inaga dhexeeyaan dano maguurto ah, sida hormarinta deegaanka, ladagaalanka aqoon la’aanta, baahida, musuqmaasuqa, qabyaaladda, isusoo dhawaynta bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka wadagan, iyo kashaqaynta nabad kuwada noolaanshaha. Inaan dhamaanteen aqoonsanno in colaad sokeeye lagu kala adkaan karin, colaaduna ay dhabar jab kutahay bulashadeena hormarkeeda. Inaan aqoonsanno in ay cadaaladdu tahay udub dhexaadka keena xalinoonda, wadajir, isjecaylka, kalsoonida bulshada dhexdeeda ah iyo isdhexgalka. In lasameeyo gudi dhaqameedyo, gudiyo culimo iyo aqoonyahano isugu jira oo socdaal kumara deegaamada ay dagaaladu ragaadiyeen, kuna wacyi galiya dadka muhimadda ayleedahay wada noolaanshaha iyo xasiloonidu. In laqaybsado khayraadka iyo awoodda deegaanka, iyada oo aanan cid gooni ah lasiinaynin wax aynan xaq ulahayn, cidna loo diidaynin waxa ay xaqa uleeyihiin. In tirakoob dagmooyinka lagu saleeyo oo meeshii tiro badan oo dad ah ay daganyihiin dagmo ama gobol laga dhigo. In lasameeyo xafiis xaliya khilaafka deegaanka. Inaan yareyno siyaasadda labeeleeyay ee sumaysan ee kudhisan sad bursiga iyo eexda. Ugu dambayna ugudubno, inaan qofka dooranno kartidiisa, wax qabadkiisa, wanaaga uuleeyahay, xirfadaha hogaamiyonimo ee uuleeyahay iyo waxa uu deegaanka uqaban karo.
Deeq Ibraahiim
deqibrahim@yahoo.com



IslamOnline













