Cambarayn Ragii Taliska Tigree loo dhiibay
Cambaarayn falkii lagu iibsaday Halgamayaashii jamhada Xoreynta
Somaligalbed ee ONLF.
Ku: Shacabka reer Somali Galbeed.
Ku:Isimada Maamul Goboleedka Puntland ee somaliya
Ku: Shacabka Maamul Goboleedka Puntland
Ka: Isimada, Aqoonyahanada, dhalinyarada- beelaha Rer bicidyahan ee ku nool
caalamka oo idil.
UJEEDO: BAAQ Cambaarayn falkii foosha xumaa.
Ka dib markii aan muddo dheer ku jirnay xog aruurin rasmi ah oo ku saabsan qaabkii
loo dhiibay Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre) iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan 04/22/2008
oo ahaa dad Soomaaliyeed,una dhashay gobolka Soomaligalbeed, aan ogaanay in ragaasi
si fool xun gacanta ethopia loogu galiyey, iyadoo ay noqotay waddada loo soo maray
masuuliyiinta ka tirsan kuwa putland.
Markii aan qiimaynay, sida ay u dhacday dhacdadii foosha xumayd ee Rag u dhashay
dalka Soomali Galbeed loogu Gacan galiyey Maamulka Dalka Ethopia ee dagaalku kala
dhaxeeyo Jamhada Xoreynta Gobolka ee ONLF, Markii aan si taxadar leh uga fiirsanay
anagoo ah Beesha Cali Ibraahim ee REERBICIDYAHAN, aan qiimaynay saamaynta ay
yeelatay iyo sida looga wada xumaaday" Falaar cirka loo tuuray ninwalbow filo"
Markii xabashi lagu soo hogaamiyey somaliya in waxaani ay dhacayaan waa la filan
karay.
Markii aanu eegnay waxa shareecada islaamku ay ka qabto in Qof Muslim ah loo gacan
galiyo Gacan Gaalo oo dagaal kala dhexeeyo, lagana gacansado jirkiisa, iyadoo laga
raadinayo Mansab iyo Mamuusid Gaalo lagu raali galinayo, markii aanu eegnay shacabka
ay ka dhaxayso wada dhalashada, soomalinimada, Diinta, afka somaliga, ganacsiga in
la doonayo in laga dhex huriyo colaado sokeeye.
Waxaan ka soo saarnay Qodobadaan hoos ku xusan.
Waxaanu Cambaaraynaynaa, oo ka xunahay in Mawaadiniin soomaaliyeed oo u halgamaya
dalkooda, in loo gacan galiyo Gacan gaalo, iyadoo laga leexday Soomalinimadii,
Muslinimadii, walaaltinimadii, wadda dhalashadii ay wadaageen Deegaanka puntland iyo
kan soomaligalbeed.
Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka reer Soomaligalbeed, gaar ahaan, waxaan si
gaar ah tacsi ugu diraynaa eheladoodii iyo qaraabadoodiiba, halgamayaashaas looga
gacan galiyey gacanta Taliska Ethopia.
Waxaan maamulka Puntland ku canbaaraynaynaa ugana digaynaa inay shacabka walaalaha
ah ee ay ka dhaxayso, walaaltinimadu, darisnimada, ganacsiga, wadda dhalashada,
muslinimada, ee walaalaha aysan ka dhex abuurin colaad sokeeye.
Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer puntland inay muujiyaan, iskana qaadaan reeryada
dhushooda saaran ee u horseeday Dulmiga iyo isku dirka bulshadooda, ayna ka
dhiidhiyaan Halgamayaashii loo gacan galiyey taliska tigreeka ah, iyadoo ay ku xigi
doonaan walaalahooda kale ee ku sugan gudaha puntland, gaar ahaan waxaan si gaar ah
ugu diraynaa, Culumida, Dhalinyarada, Haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshada rayid ka
ah ee ku dhaqan puntland inay muujiyaan siday uga xunyihiin, ayna xilka ka tuuraan
taliska u adeega taliska tigree.
Waxaan shacabka reer soomaali galbeed ugu baaqaynaa inay is dajiyaan, aysana
walaalahooda reer puntland, ay ogaadaan inay dhibka la qabaan, ayna tahay wax fool
xun.
Waxaan Masuuliyiinta puntland ugu baaqaynaa inay xilka iska casilaan, oo ay ka
horwareegaan umada nabada jecel ee reer puntland, madaama ay ku fashilmeen
masuuliyadii loo igmaday, ayna iibsi ku bilaabeen shacabkooda.
Gabagabodii.
Waxaan umada soomaaliyeed la socodsiinaynaa in bulshada beelaha reerbicidyahan ay
aad uga xunyihiin falkii foosha xumaa ee puntland ay ugu gacan galisay ethopia
masuuliyiintii Jamhada Xoraynta ONLF, taas oo ka bayrsan sharciga diinta islaamka
iyo Qawaaniinta caalamiga ah.
Wabilaahi Towfiiq.
Afhayeenka Beesha Reer bicidyahan
Eng. Maxamed Axmed Abdalla
Maxamed_nabadoon@hotmail.com



IslamOnline













