Ethiopia: 2 nin oo Shacab ah oo ay ciidamada dawladu ku dileen Qabalaha Gurdumi
Jijiga(Kilil5)---War shalay nagasoo gaadhay Qabalaha Gurdumi ee Degmada Awaare ayaa sheegaaya in ciidamada dawlada faderaalka Itoobiya ay 2 nin oo shacaba ku dileen qabalahaas. Lama garanaayo ilaa hada sababta ay ciidamadu u dileen labadan nin balse waxaa naloo xaqiijiyay labada ninba inay shacab ahaayeen wax siyaasadana aysan ku luglahayn.
Nabadgalyada guud ahaan deegaanka ayaa baryahan dambe xasiloonayd, duruufahi jiray ee abaarahaa ayaad moodaa inay yareeyeen iska hor imaadyadii iyo dhaq dhaqaaqyadii Jabhadaha mucaaradka ah iyo Ciidamada Dawlada. Wax iska hor imaadyo dagaal ah oo laga soo sheegay deegaanka bilihii lasoo dhaafay ma jiraan marka laga reego dagaalo dhex maray labada qoomiyadood ee Soomalida gobolka Libaan iyo Oromia ee ay jaarka wadaagaan.
Dhanka kale waxaa gobo badan oo deegaanka ah laga soo sheegayaa inuu roobkii kugu soo naq kiciyay oo ay daruuro kale heleen.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline












