Ethiopia: Warbixintii DPPB da ee Bilihii la sodhafay iyo Xaalada degaanka u hada kusuganyahay
Jijiga(Kilil5)---Warbixintan oo uu soo saaray xafiiska Ka hortaga iyo u diyaar garawga Masiibooyinka (DPPB) gacana ay ka siiyeen haayadaha SC-UK iyo USAID, ayaa si guud uga warantay deegaan xaalada iyo dhibaatooyinka ka jira. Waxay warbixintu xaalada uu deegaanku ku sugnaa bishii march ee la so dhaafay iyo bishan april. Waxay warbixintu sheegtay in si aan kala go lahay bilihii lasoo dhaafay ay xaalada deegaanku ka sii daraysay xoolahii ku sugnaa shan gobol oo ka tirsan deegaankuna ay bilaabeen inay biyo iyo baad la’aan la dhintaan. Dhimashadan xoolaha ee bilaabantay, cuno yaraanta oo sii balaadhanaysa, helitaanka sadexda wakhti oo hoos usii dhacaysa bulsho waynta ku dhaqan miyiga ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay nafaqo daro ba’ani ay hayso Caruurta, Dumarka iyo dadka ay da’doodu wayntahay.
Isusocodka Maciishada oo hoos udhacay miyiga fog iyo dadkan goobahan fog-fog ku nool ay ku adkaatay ka qaygalka ama helitaanka Mucaawinooyinka ayaa iyaduna noqotay mid sii adkaysa xaaladan xasaasiga ah ee ka jirta deegaanka.
Biyo la’aanta ayaa iyaduna meel aad khatar u ah maraysa goobihii aan lahayn damaanad qaad biyood ee deegaanka, taasna waxay kaliftay guud ahaan qoysaskii ku sugnaa goobahaasi inay hayaamaan tuulooyina ka samaystaan goobihii biyaha barkadaha ku tiirsanaa. Sidoo kale war aan hada ka helayno isla xafiiskan ayaa sheegaya in dhamaanba la xayiray ama la joojiyay booyadihii biyo dhaaminta ee ay dawladu ugu deeqda gobolada ay dhibaatooyinka abaaruhu aadka u saameeyeen. Lama garanaayo sabab dhabta ah ee keentay joojinta booyadahan, balse waxaa la sheegayaa in sabab looga dhigay in booyadihii aysan sidii loogu talo galay uga hawlgalin goobihii looga baahnaa. Inkastoo ay deegaanka guud ahaan ka curtay roobkii gu’gu balse wali lama soo sheegin goobo uu sifiican uga da’ay marka laga reebo meelo kamida gobolkan jijiga oo isagu raacsan galbeedka sidiisaba roobka gu’ga ka hor heli jiray gobolada kale ee deegaanka. Saadaasha hawada ee deegaanka ayaaa sidoo kale sheegtay in roob yari uu todobaadkan ka di doono deegaanka.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline












