Ethiopia:Abaartii ka jirtay Gobolka wardheer oo sii kululaatay iyo waxyeelo gaartay dadka ku dhaqan gobolkaas
Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Galaadi iyo Bookh ayaa sheegaya in abaarta ka jirta deegaankaasi ay gaartay halkii ugu saraysay abid, islamarkaana ay waxyeelo ka soo gaartay dadweynihii halkaas ku dhaqnaa iyadoo horey duunyadii looga quustay.
Degmada Galaadi oo aan maanta kula xiriirnay khadka isgaarsiinta ayaa nalooga xaqiijiyey in xilligaan ay gudaha degmadaasi ay soo galayaan dadweyne aad u tiro badan, kuwaas oo ka soo hamaaya miyiga fogfog, iyagoo maciin biday dadkooda ku dhaqan dibada iyo gudaha, si ay naftooda u badbaadiyaan, quusna ka gaaray badbaadinta xoolihii ay horey u dhaqan jireen.
Mid ka mid ah dadka soo gaaray degmada Galaadi ayaa shabakada wararka ee galaadi.com uga waramay sida ay xaaladu tahay, ayaa sheegay in xoolihii ay ku dhaqan jireen miyiga ay ka baaba’een iyadoo ay baabi’isay abaarta ku dhufatay gobolkaas oo dabo dheeraatay, islamarkaana ay xoolihii waayeen waxay cunaan “ Xoolihii way naga baaba’een, aniga waxaa xoolahaygii ka haray 11 neef oo ARI ah, iyaguna dadkay raashinka la cunaan, ma jirto wax xooluhu ay cunaan xiligaan” ayuu yiri.
Sidoo kale wararka hada naga soo gaaraya Tulada QAWANE oo ka tirsan degmada Bookh ayaa sheegaya in miyigeeda ay haraad ugu dhinteen dhowr ruux, islamarkaana ay duunyadii ugu la’atay biyo la’aan iyo cunta yarida ka jirta deegaankaas.
In kastoo guud ahaan gobolka wardheer ay saamayn xoogleh ku yeelatay abaarta ka jirta gobolkaas, hadana tuulooyinka hoos yimaada Degmooyinka Galaadi iyo Bookh ayaa ah kuwo dadkii ku noolaa ay halis ku jiraan, waxaana ka mid ah, Labile, Qaawane, Jiracle, Qaranracade iyo kuwo kale oo badan.
Dhanka kale Ururka Golaha aayaha ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saareen abaarta ku dhufatay Gobolka wardheer iyo degmooyinkiisa oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray shabakada wararka ee Galaadi.com, ayey kaga hadleen xaalada abaareed ee ku dhufatay gobolkaas, waxaana ka mid ahaa, qodobadii ay ka soo saareen.
1. Waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanaynaa in maamulka gobolka wardheer iyo maamulada degmooyinka gobolka ay gurmad degdeg ah ufidiyaan dadweynahooda ay saamaysay abaarta ku dhufatay gobolka wardheer ee aan kala harka lahayn dad iyo duunyaba.
2.waxaan codsi u jeedinaynaa In ganacsata ku dhaqan gobolada puntland ee u dhalatay gobolka wardheer ay gurmad u fidiyaan walaalahooda ay saamayntu ku yeelatay abaarta ku dhufatay, ayna ka qaybqaataan, ayna soo dhaweeyaan dadweynaha ka soo hayaamay abaarta ku dhufatay dhulkoodii, kana baabi'isay xoolihii ay miyiga ku dhaqan jireen.
3.In Jaaliyadaha ku dhaqan caalamka ee u dhashay deegaanka gobolka wardheer ay dadkooda il naxariisleh ku eegaan, aysana uga harin Haraadka iyo Gaajada ku dhufatay walaalahooda ku dhaqan gobolkaas, ee ku go’doonsan miyiga.
4.Waxaan u mahadcelinaynaa gudoomiyaha Gobolka wardheer Guleed Cali Gari, oo dhawaan gurmad u fidiyey dadka ku dhaqan gobolkaas, islamarkaan waxaan ku boorinaynaa inuu Guuleed sii wado howlaha ay dowladu ka wado gobolkaas ee lagu horumarinayo bulshada, looguna gargaarayo.
Sidoo kale warsaxaafadeedkooda waxaa kaloo ay uga hadleen in dadweynaha ay saamaysay abaartu loo gurmado, dhinacyada caafimaadka iyo sidii loogu samayn lahaa meelo ay ku samatabaxaan, loona helo Collage-yo iyo goobo kale oo nolosha dadkaasi ay ku saamixikarto.
Isku soo wada duubow, qayla dhaanta ka soo baxaysa abaarta ku dhufatay gobolka wardheer ayaa maalinba maalinta ka danbaysa cirka isku sii shareeraysa, waxaana xilligii roobka Guga’ oo dib u dhac ku yimid ay keentay in xoolihii lagu dhaqan jiray gobolkaas ay boqolkiiba 55%-ay fursada ka baxeen, islamarkaana ay dadku ku cayroobeen 50%, taas oo keentay in ay qaylo dhaantu sii kororto.
Hanad Deeg Aden
Kilil5.com,Somalia-Galkacyo



IslamOnline












