Ethiopia: Haayada Hope for the Horn oo sheegtay inay dayac tireen dhulkabadan 100 oo hectar agagaarka qabalaha Hartashekh

04/28/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Haayada Hope for the Horn oo ka hawlgasha deegaanka somalida ayaa sheegtay in dhul beereed kabadan 100 hectare oo ku yaala agagaarka Qabalaha Harta-sheekh ee gobolkan jijiga oo ay xaalufiyeen qoxootiga degan xerada qaxootiga hartasheekh ee ka soo qaxay Somalia ay dib u habayn ku sameeyeen.

Madaxa haayada mudane Abdikarim Ahmed ayaa sheegay dhulkan oo quxootigan uu duleeyay ay hada dabooleen dhir, midho iyo khudaar kadib markii ay haayda iyo haayado kale oo caalami ah ay iska kaashadeen dadaal balaadhan oo deegaamlaas lagu ilaalinaayay.

Dhul beereedkan oo laga ilaaliyay dadka iyo xoolahaba ayaa ka caawiyay umadii halkaas daganayn inay ka helaan caws fududeeyay baahida daaq ee xiligan abaarahu ay deeganka ka jiraan, intaas waxaa raaciyay madaxa haayada.

Haayada Rescate oo uu fadhigeedu yahay wadanka Spanish ka ayaa haayadan ugu deeqday lacag dhan 250,000 euro, taas oo loo isticmaali doono horumarinta dhul gaadhaya 2500 oo hectar si looga baabiiyo umada halkaas degan inay cid kale ku tiirsanaadaan dhulkoodana ay manfac kala soo baxaan. Masuulku waxaa kale oo uuntaas ku daray inay wadaan dadaalo kale oo lagu dhisaayo dhaam biyood oo loogu talo galay in lagu waraabiyo midhaha iyo khudaarta iyo waliba inay bulshadu ka helaan biyo ay cabaan.

Jijiga
Kilil5 Online