Ethiopia: Maamulo cusub oo loo dhisay degmooyinka deegaanka
Jijiga(Kilil5)---Waxaa dhawaanahanba ay gudiga dib u habaynta shaqaaluhu ku hawlanaayee dhisida maamulada 52 ka degmo ee uu ka koobanyahay deegaanku. Waxaa la isla qaatay dhamaanba madax xafiiseedyada degmooyinka in loo dhiibo ama lagu qoro dad aqoon leh iyadoo markii hore arima qabiil iyo siyaasadeed loogu qori jiray ama xilka madax xafiiseedka loogu dhiibi jiray iyadoon la eegaynin kartida, waayo aragnimada iyo aqoonta u shakhsiga booska loo dhiibayaa leeyahay.
Waxa ilaa hada lagu guulaysta meelaynta madax 6 madax xafiiseed oo kala ah madax-xafiiseedyada Maaliyadaha, Beeraha, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Aasasiga iyo Kahortaga iyo u Diyaargarawga Masiibooyinka. Lixdan xafiis oo loo yaqaano aasaasiga ayaa natiijadoodii dadkii lagu qoray ilaa hada la soo saaray dhawr soon degmooyinkooda kuwaas oo ay ka mid yihiin Gobolkan Jijiga iyo Godey. Waxaa sidoo kale la filayaa dhawr gobol oo kale la soo saaro maanta kuwa hadhayna todobaadada soosocda. Madax xafiiseedyadan ayaa shuruudaha looga baahan yahay waxaa kamida inuu ugu yaraan diploma yahay inuu haysto shahaadadii ku haboonayd booska loodhiibaayo.
Waxaa sidoo kale la filayaa in dhamaan xafiisyada hadhay iyo gudoomiyayaasha degmooyinkana dib u haban lagu samayn doono marka ay dhamaystiranto hawshani
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline












