Ethiopia: Dagaalo Gobolka Libaan ku dhexmaraaya Somalida iyo Oromada
Jijiga(Kilil5)---Waxaa dagaal ba’an laga soo sheegayaa degmooyinka Mooyale iyo Filtu ee gobolka liibaan, dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu dhexmaraayo qoomiyadaha Somalida iyo Oromada ee aagaas wada daga. Dagaalkan ayaa la sheegayaa maanta inuu maalintii labaad galay, waxaana la sheegayaa inay dhanka Oromada ay ka soo dagaalamayaan ciidamada qalabka sida ee Itoobiya oo Oromo u badan, waxaana la sheegayaa in somalidii ku jirtayna ay iyaguna hubkoodii la baxeen oo ay iyaguna ka soo dhinac dagaalamayaan qomiyadooda.
Inkastoo khasaaru aad u badan yahay ilaa hada waxaa la soo sheegay in hogaankii nabadgalyada degmada Filtu oo dhawaan uun loomagacaabay booskaasi uu ku dhintay dagaalka ,halka gudoomiyaheediina uu ku dhaawacmay. Wali lama ogo khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaadhay labada dhinac.
Dhanka kale waxaa shalay galabtii Roob aad u xoogani kuu ka da’ay magaaladan jijiga ee casimada deegaanka iyo agagaarkeeda. Roobkan oo bilawda abaarihii 10:00 galabnimo ayaa da’aayay ilaa ku dhawaadkii salaadii cashaayi. Xalay daad aad u badan uu keenay roobkani awgii ayaa gaadiidka yar yari aysan ka dhex shaqaynin magaalada. Roobka gu’ga oo todobaadadii la soo dhaafay ka curtay deegaanka ayaa markiiba kal go ay oo sidii loo filaayay aan u da’in, in kastoo badiba deegaanka uu ay daruuro heleen hadan kala go’a awgii ayaa abaarihii ay sidoodii u garaacayeen umada ku dhaqan deegaanka booyadihiii biyo dhaamintuna halkoodii ka soconayeen.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline













