Ethiopia: Xafiisya dhawr ah oo la hoosgeeyay xafiisyo kale iyo barnaamijka lagu dhimaayo shaqalaha degaanka

04/20/08
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Shir ay shalay yeesheen kaabinetka dawlada deegaanka somalida ayaa la isla qaatay baabiinta dhamaan Hogaamada deegaanka marka laga reebo Hogaanka Kobcinta Awooda iyo Hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada. Waxaa kale oo xafiisyo dhawra lagu daray xafiisyo kale oo waawayn sida Xafiiska Arimaha Bulshada oo la hoosgeeyay ama lagu daray xafiiska U diyaar garowga iyo Ka hortaga masiibooyinka (DPPC), Xafiiska Jidadka oo isagana lagu daray Xafiiska Hawlaha Guud iyo Xafiiska Maalgalinta oo isna lagu daray Xafiiska Ganacsiga. Xafiiska dakhliga ayaa sidoo kale la hoos keeni doonaa xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo isagu hogaan ahaa balse hada la soo dhigay in uu noqdo madax xafiiseed iyo laba ama sadex ku xigeen sababtoo ah xafiiska Maaliyada ayaa hore u lahaa labo ku xigeen oo kala ahaa kan maaliyada iyo kan Qorshaynta.

Is hoosgayntan ama Isku daristan xafiisyada ayaa qaybka ah barnaamijkii dib-u-habaynta shaqaalaha deegaanka oo mudoba ka socday deegaanka. Barnaamijkan ayaa intii uu socday waxaa la soo saaray natiijada dhawr iyo tobon xafiis oo heer kilila isla markaana laga eryay shan boqol oo shaqaale ah kor u dhaafaaya. Hadaba Go’aankan is hoosgaynta ama isku darista xafiisyada ayaa iyaduna qayb ka ah dhimida shaqaalaha xafiisyada iyado shaqaale badani ay ku shaqo waayidoonaan sidoo kale.

Barnaamijkan dib u habaynta iyo kan laga isku hoosgaynaayo xafiisyada oo ay shaqaalo aad u tira badani kuwaayeen shaqooyinkoodii ayaa dadka siyaasada deegaanka indho indheeyaa ay saadaalinayaan inay saamayn wayn ku yeelandoonto siyaasada deegaanka, arintan ayaa laga yaabaa inay kordhiso ama ay badiso kuwa cadawga u ah ee ku kacsan dawlada deegaanka iyo tan wadanka Itoobiya. Dad aad u tiro badan ayay ka cadhaysiisay iyagoo aan u arkaynin in dib u habaynta shaqaalaha ee dadkan tirada badan lagu eryay inayna u dhicin si ay ku jirto cadaaladi iyagoon dadkan la eryay haba yaraatee u samayn wax dib u meelayn iyo balan qaad toona, qaarkoodna ay amar ku bixiyeen inayna dib wax shaqo ah uga qaban Karin xafiisyada deegaanka.

Jijiga
Kilil5 Online