Ethiopia: Shirki golaha xildhibanada o shalay lagaba-gabeyay,3 xildhiban o jelka lo taxabay, xeerkii qoyska oo la ansixiyay
Jijiga(Kilil5)----Waxaa shalay magaalada jijiga ee caasimada deegaanka somalida lagu soo gaba-gabeeyay shirkii golaha xildhibaanada deegaanka oo laba maalmood socday. Shirkan shir hal cisho socday oo ay yeesheen xubnaha xisbiga talada haya ugu jiray baarlamaanka ayaa xasanadii lagala noqday 6 xildhibaan isla markaana laga ansixiyay shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaaladan jijiga ee xildhibaanada.
Waxaa isla shalay Jeelka loo taxaabay 3 kamida xildhibaanadan laga qaaday xilkii oo kala ah Cabdi Kabadhe, Cabdulahi dheere iyo Xasan Sheekh cali. Halka sadexda kalena aan ilaa hada lahayn meesha ay kusugan yihiin. Sadexdan kale ee xilka laga qaaday oo kala ah Jamiil muxumed gaas, Xamow iyo Cadnaan daahir cade ayaa iyagana lala sugayaa xabsi marka ugu horaysa ee gacanta lagu dhigo. Cadnaan daahir cade ayaa isagu mudo hada ka maqnaa deegaanka wuxuuna u wareegay Jamuuriyada Somaliland. Waxaa kale oo digniin culus loosoo jeediyay 60 mudane oo ay kamid yihiin Khadar macalin Cali oo hore u soo maray madaxwayne deegaanka hadana ah xildhibaan faderaal ah, waxaa kale oo kamida madaxwayne ku xigeenkii hore ee deegaanka mudane Cabdi Jibriil.
Waxaa kale oo lafilaayay in shirki shalay lagu doorto madaxwayne ku xigeen cusub iyadoo la sheegaayay in madaxwayne ku xigeenka hada mudane Jaamac Axmed Jamac lagu badali doono wasiirka Caafimaadka Dr. Axmed. Sikastaba ha ahaatee shirkii shalay wax xubno cusub ah oo sookordhay ma jiraan, balse waxaa la sheegayaa in mudo 3 bilood ah kadib la isugu soo noqondoono shirkale. Waxaa sidoo kale siwayn loo hadal hayaa in lagu wado Hogaanka Abaabulka mudane Da'ud inuu noqondoono madaxwaynaha deegaanka.
Dhanka kale waxaa shirkii shalay lagu ansixiyay xeer cusub oo mudo dhawrsano ah diyaarintiisa deegaanka laga waday. Xeerkan oo la magacbaxay “Xeerka Qoyska” ayaa shalay ansixintiisa qalinka lagu duugay, xeerkan ayaa ka hadlaaya xuquuda ay isku leeyihiin iyo tan ay wadaagaanba lamaanaha qoyska iyo ubadkooduba. Waxaa kamida qodobada ugu muhiimsan xeerkan
1. in Ninka iyo Xaaskiisu ay usimanyihiin hantida reerka
2. in hadii ay kala tagaan ay si isleeg u qaybsanayaan hantidooda
3. in hooyadu ay masuul ka tahay Hoyga iyo caruurtooda
4. in aabuhu uu masuul ka yahay Quudinta reerka
5. in ciyaalka 7 sano ka yar ay gacanta kuwada haynayaan labada waalid
6. in 7 sano wixii kawayni ay xaq u leeyihiin kala doorashada labada waalid waa hadii ay kala tagaane.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline












