Ethiopia: Dhimasho ay abaaruhu sababeen oo laga soshegayo gobolada qaar iyo Robkii oo ka curtay gobolo kale
Jijiga(Kilil5)---Waxaa dhimasho ay abaaruhu sababeen laga soo sheegayaa gobolada qaarkood ee deegaanka somalida. Waxaa dhawaanahanba sika daba imanaayay qayladhaanta iyo baaqa ka imanaaya gobolada iyo demooyinka fog-fog ee deegaanka, waxaa kasii daraysay waxyeelada abaarta oo sii daba dheeraanaysay, Waxaa gudhay ceelashii iyo baraagihii wakhtigan oo kale ay umadu ciirsan jirtay. Deegaanka waxaa isugu darsamay Abaar aad u daba dheeraatay, Sixir barar aan dadka qaarkii xamili karin, iyo nabadgalyo xumo xanibtay gurmadkii iyo taakulayntii lala gaadhi lahaa dadka ku tabaalaysan gobolada qaar.
Inkastoo aad moodid in uu curanaayo roobkii guga, qaybo kamida deegaankana ay daruuro yar-yari ka de’een, hadana waxaa gobolada qaar laga soosheegayaa inay dad badani u dhinteen haraad iyo gaajo, sida gobolka wardheer oo hada wararka qaarkii sheegayaan in dad gaadhaaya 50 qofi ay u dhinteen, lama xaqiijinin warkan balse waxaa la isla dhexmarayaa inay dhimashadu jirto in ay leekaataba. Waxaa hore Raaso lagasoo sheegay inay mar hore bilaabantay dhimashadu, gobolka dhagaxbuur ayaa iyadana la sheegayaa inay 2 laba qofi u dhinteen Haraad.
Roobka oo inta badan ku soo horeeya gobolada iyo degmooyinka xiga galbeedka ayaa dhawr cisho ka hor ay daruuro fiicani ka da’een dhawr meelood oo wax yar u jira degmada Awbare ee hoostimaada gobolkan Jijiga, shalayna wuxuu roobku sifiican u helay magaalda Qabribayax oo iyaduna hoostimaada Gobolkan Jijiga, halka uu jijigana xalay tiix aan badnayni ka da’ay.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline












